Nin weerar ku qaaday safaarada Israel ee Turkiga ayaa la toogtay

Xigashada Sawirka, Reuters
Nin wata mindi ayaa ciidammada ammaanka ee Turkiga ay ku dhaawaceen banaanka safaaradda Israel ee Turkiga, ee magaalada Ankara.
Ma jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray shaqaalaha safaarada, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Wararka gudaha waddanka ayaa sheegaya in shaqaalaha ay galeen meel ammaan ah markii weerarka uu billowday.
Dhowr safaaradood ayaa la xiray toddobaadkii hore kadib markii la helay warar sheegyay in weeraro lagu qaadi rabo.
Turkiga ayaa waxaa ka dhacaya weeraro isdaba joog ah oo ay qaadayaan mintidiinta Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka iyo Kurdiyiin.
Kooxaha ku xeel dheer bambaanooyinka ayaa baaraya boorso laga shakiyay oo la dhigay safaarada Israel horteeda.

Xigashada Sawirka, Reuters






