Ahmad Khan Rahami oo looga shakisan yahay qaraxa New York

Xigashada Sawirka, NYPD
Masuuliyiinta New York ayaa sheegay qofka looga shakisan yahay inuu sameeyay qaraxii xaafadda Chelsea ee New York Sabtidii.
Ninka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay Ahmad Khan Rahami, 28, oo ka yimid Afghanistan wuxuuna leeyahay dhalasho Maraykan ah.
Boliiska New York ayaa shaaciyay sawirka ninka.
Qaraxa ayaa dhaawacay 29 qof. Dadka baaritaanka samaynaya ayaa ka digay ninka oo deganaa Elizabeth, New Jersey, in loo arko "nin qatar ah oo hubaysan".
Hadalkan ayaa yimid, kadib markii laga helay boorso ay ku jiraan shan waxyaabaha qarxa meel u dhow saldhiga tareenka Elizabeth.
Mid ka mid ah waxyaabaha la helay ayaa qarxay maanta markii robot loo isticmaalay inuu kala furo.

Xigashada Sawirka, FBI






