Sida ay warbaahinta Khaliijka tabinayso dadka la tarxiilay ayaa lagu eedeeyey dambiyo ay ka mid yihiin xadgudubyo dhanka ruqsadaha deganaanshaha iyo shaqada ah
Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay horjooge ka tirsan Al Shabaab
Xigashada Sawirka, Facebook
Wasaaradda gaashaandhigga ee dawladda Soomaaliya ayaa
warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Axmed Sheekh Cumar Caddow Gacal
lagu dilay hawlgalka oo xalay ka dhacay magaalada Masaggawaay.
Sarkaalkan ayey sheegtay wasaarddu inuu ka mid ahaa horjoogayaasha
Al Shabaab, uuna ‘door ku lahaa isku duwidda dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo
qaraxyada’ ee gobollada Shabeellaha
dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Miliishiyo haween iyo carruur ku xasuuqday Itoobiya
Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo
haween uur leh ayaa la sheegay in ay dabley hubeysan ku dileen galbeedka
Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen goobjoogayaal iyo maamulka deegaanka.
Weerarka waxa uu dabayaaqadii todobaadkii hore ka dhacay
tuulada Bekuji oo ka tirsan gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka oo uu ku
yaallo biyo xireenka ugu wayn Afrika ee korontada oo laga dhisay webiga Niilka
buluugga ah.
Dhibbanayaasha iyo qoysaska dhibanayaasha ayaa sheegay in la
weeraray iyagoo weli hurda.
Waxay ku eedeeyeen kooxda fallaagada ah ee Oromo Liberation
Army (OLA) inay ka dambeeyaan weerarrada.
Kooxdu kama aysan jawaabin eedeymahaas gaarka ah balse waxay
horay u beeniyeen inay beegsadeen dad rayid ah.
Aas wadareed ayaa loo sameeyay ka dib markii ciidamo ka
tirsan dowladda federaalka la geeyay si ay xaaladda u xakameeyaan.
Gobolka waxaa ka dhacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay tiro
weerarro isir ku saleysan iyo dagaallo beeleedyo.
Isla tuuladaas waxaa dhowr sano ka hor lagu dilay boqolaal
qof oo rayid ah, taasoo keentay howlgalo ciidan oo ay dowladdu qaadday.
Miliishiyada OLA ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey.
Sacuudiga oo dadkii ugu tirada badnaa tarxiilay
Xigashada Sawirka, X
Sacuudi Carabiya ayaa masaafurisay 14,206 qof hal toddobaad
gudihiis, taasoo qayb ka ah ololaha waddanka oo dhan ka socda ee lagu
beegsanayo xadgudubyada degenaanshaha, shaqada iyo xad-gudubyada amniga
xuduudaha, sida ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha sheegtay Sabtidii.
Sida ay tebisay jariidadda Gulf News oo soo xiganaysa
xukuumadda ayey sheegtay wasaaraddu in 22,094 qof la soo qabtay intii u
dhaxaysay 13-kii ilaa 19-kii Nofember
ayadoo ay hawlgal wadajir ah sameeyeen ciidamada ammaanka oo kaashanaya
hay’adaha kale ee dowladda.
Xarigga ayaa waxaa ku jiray 13,750 oo ah ku xad-gudbayaasha
sharciga degenaanshaha, 4,781 oo ah ku xad-gudbayaasha xeerarka amniga
xuduudaha iyo 3,624 oo ku xad-gudbay sharciyada shaqada.
Maamulka ayaa sheegay in 21,856 maxbuus loo gudbiyay ergooyinkooda
diblumaasiyadda si ay u helaan dukumeenti socdaal, halka 4,555 kale ay
dhameysteen habraaca socdaalka isla muddadaas.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in 1,867 qof la xiray
iyagoo isku dayayay inay si sharci darro ah ku galaan Boqortooyada, kuwaasoo
kala ah 34% Yemeniyiin, 65% Itoobiyaan iyo 1% dhalasho kale. 29 qof oo kale
ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay isku dayeen inay si sharci darro ah
uga baxaan Sacuudiga.
Fanaan caan ah oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Reuters
Jimmy Cliff, oo ka mid ahaa taageerayaashii ugu caansanaa
looguna jeclaa muusiga reggae-ga, ayaa geeriyooday isagoo 81 jir ah.
Ninkan oo ahaa xiddig aad looga daba dhacay tan iyo 1960-meeyadii,
waxa uu gacan ka gaystay in in uu codka Jamaica soo gaarsiiyo daawadayaasha
caalamiga ah iyada oo loo marayo heeso sida Wonderful world, beautiful people iyo
You Can Get It If You Really Want.
Doorkiisii uu hoggaanka
ahaa, isagoo qaatay kaalin ah fallaagonimo oo ku jiray riwaayaddii dambiyada ee
1972 The Harder They Come ayaa kaalin weyn uga jiray aflaamta reer Jamaica,
waxaana loo arkay ama loo tixgaliyey filimkii keenay reggae-ga dalka Maraykanka.
Xaaska Jimmy Cliff, Latifa Chambers, ayaa xaqiijisay
dhimashadiisa qoraal ay soo dhigtay Instagram-ka.
War deg deg ah, Haweeneydii loo heystay dilka gabadhii yareyd ee Saabiriin oo la xukumay
Qoraalka sawirka, .
Maxkamadda Daraja
koowaad ee magaalada Galkacyo ayaa xukun dil ah ku xukuntay eedeysane Hodan
Maxamuud Diiriye, oo loo heystay dilka Saabiriin Seylaan Cabdullaahi oo dhawaan
ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Trump oo lagu riixayo inuu cadaadis saaro Putin-ka Ruushka
Xigashada Sawirka, Reuters
Safiir hore oo Mareykan ah oo u fadhiyay Ukraine ayaa ku
booriyay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka inay cadaadis dheeraad ah saaraan
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
William B Taylor wuxuu sheegay in Putin uu isku dayayo
inuu "sugo" Ukraine, Yurub iyo Mareykanka, si uu u helo heshiis
wanaagsan oo Ruushka u horseeda.
"Haddii aan si adag ugu istaagno markaas waxaan ku
qasbi karnaa inuu miiska soo fadhiisto, laakiin ma aanan sameynin taas,"
ayuu u sheegay barnaamijka Today ee Radio 4.
Taylor wuxuu intaas ku daray in "dhibaatada Putin ay
tahay mid uusan Madaxweyne Trump si dhab ah u qaddarin" ilaa hadda.
'Madaxdii' BBC oo su'aalo la weydiinayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waxa
Baarlamaanka su’aalo lagu weydiin doonaa
Isniinta manta ah madax sare oo ka tirsanaa BBC, kuwaas oo la sheegay inay ku
lug lahaayeen khudbaddii Trump ee la tifaftiray
Michael
Prescott – la-taliye hore oo arrimaha tifaftirka oo kiciyay walaac ku saabsan
sida BBC-du u diyaariso oo ay u baahiso warbixinadeeda, oo ay ku jiraan wax ka
beddelka Panorama ee khudbaddii Donald Trump – ayaa si cad uga hadli doona
arrinta markii ugu horreysay marka uu hor tago guddiga Baarlamaanka.
Warqad
gudaha ah oo uu qoray Prescott oo la shaaciyay, ayaa sababtay iscasilaadda
agaasimaha guud ee BBC iyo madaxii wararka horraantii bishan.
Waxaa sidoo
kale cadeymo soo bandhigi doona guddoomiyaha BBC Samir Shah, kaasoo cadaadis ku
saaran yahay sida uu u maareeyay arrinta, iyo xubnaha kale ee guddiga Sir
Robbie Gibb iyo Caroline Thomson.
Guddiga
baarlamaanka ayaa sheegay in fadhiga Isniinta uu diiradda saari doono
"hababka guddiga maamulka BBC ee hagayaasha iyo heerarka tifaftirka (EGSC)
iyo sida ay u xaqiijiyaan in warbaahintu ay u hoggaansan tahay hagayaasha
tifaftirka ee BBC".
Fadhiga ayaa
dhacaya iyadoo BBC ay sugayso inay ogaato in Trump uu soo gudbin doono
tallaabooyin sharci ka dib markii uu ku hanjabay lacag magdhow ah oo u dhexeeya
$1bn (£759.8m) iyo $5bn (£3.8bn)
Go'aanka arooska: Talooyinka muhiimka ah ee guurka ka hor
Xigashada Sawirka, ullstein bild
Qoraalka sawirka, .
Marwo Ababa G/sillaase iyo Seygeeda Gabre Kiristos waxay isqabeen ama ay noolal wadaag ahaayeen 50 sano. Dhawaanna waxay xuseen sanad guuradii 50aad ee guurkooda ka soo wareegtay iyada oo munaasabaddaasina ay ka soo qayb galeen 9 carruur oo ay dhaleen iyo 17 carruur oo ay carruurtooda sii dhaleen.
Waxayna qoysaskaasi nus qarniga noolasha ku mideysnaa ay sheegayaan iney muddo intaa dhan ay wada noolaadaan ay ugu wacneed "Samir iyo Iisu dulqaadasho".
"Labada qof ee isqaba ama wada nool midkood inuu khalad ka dhaca waa lagama maarmaan balse iney khaladka dhacay si deggan ay u xalliyaan ayaa u horseedaya iney noolal farxad leh ay ku noolaadaan" ayey tiri Marwo Ababa.
Bariyahan dambana waxaa aad u badan qoysas wada nool oo aan aarimaha qoyskooda ka wada hadli karin, kuwa u wada nool carruurta iney wada korsadaan oo keli ah, ama aan kalsooni isku qabin.
Haddaba isfaham la'aanta noocaasi marka uu sii ballaadho wuxuu horseedayaa qoysaski dhisnaa iney burburaan oo la kala tago.
Howlgalka ka dhanka ah kooxda
Daacish ee Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku soo dhigeen
hoggaamiye kooxda u qaabilsanaa nidaamka hagidda GPS-ka.
Qoraal la soo dhigay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayuu
howlgalka la dagaalanka Daacish ku sheegay, in ninkaas la qabtay isagoo isku dayaya inuu baxsado.
Ninkan ayaa waxaa la sheegay inuu u dhashay dalka Morocco, kaas oo
magiciisa ku sheegay Cabdiraxiin Ibn Borosa.
Maxay yihiin hadallada uu Farmaajo ku yiri Xassan Sheekh Maxamuud
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 13-kii bishaan Nofembar, ku soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in tan iyo markii uu dalka ku soo noqday uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada isla markaana dersay xaaladda dalka.
Wuxuu sheegay Farmaajo in dalku uu ku jiro "xaalad cakiran" oo baahi ay ka jirto, isagoo muujiyay in xitaa xilligii dagaallada sokeeye ay dalka ka jireen ay hadda ka darantahay marka la barbar dhigo gaajada iyo sare u kaca miciishadda.
"Runtii waxaan dersay oo aan ogaaday in dalku uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran, dadkuna waxey ka hadlayaan wax aad u fara badan oo laga yaabo in qaarkiin aadna maqal dhibaatada ka jirt adalka" ayuu yiri madaxweyne hore Farmaajo.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sare u kaca dhanka miciishadda uu dalka marayo meel sare oo xittaa shaqaalaha dowladda ama dadka shacabka ah ee tusaale ahaan mushaarka u qaata $200 oo doollar aaney hadda ku filneyn afar boqol (400) oo kale ama shan boqol (500) oo kale. Wuxuu sheegay in mushaaraadka shaqaalaha dowladda aan loo kordhin oo weli ay qaataan kii dowladdiisii ay siin jirtay, hase yeeshee arrintaa BBC-du ma xaqiijin karto.
Wuxuu yiri: "Mararka qaar waxaa lagu leeyahay caga barar weliba ka daran xilligii dagaalka sokeeye dalka ka dhacayay in ay hadda ka darantahay".
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa markii uu hadalkaan jeedinayay habeen hore waxaa uu kulan Muqdisho kula yeeshay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaannada ayuu ku booriyay in ay qorshaha ku daraan in ciidamada mushaarka loo kordhiyo isla markaana cuntooyinka dibadda ka imaanaya canshuurta laga yareeyo si dadka ay u awoodaan nolosha.
Kiiska Saabiriin Saylaan oo mar kale ka bilowday maxkamadda
Waxaa daqiiqado
yar ka hor mar kale maxkamadda la soo taagay eedeysane Hodan, oo loo haysto
dilka gabar yar oo lagu magacaabo Sabriin Saylaan Cabdullaahi.
Sabiriin waxaa la sheegay in "si xun" loogu dhex
dilay guriga qoys ay qaraabo yihiin oo ay la nooleyd.
Haweeneyda, Hodan iyo seygeeda ayaa kamid ah dadka loo soo
xiray kiiska dilka.
Dhageysiga kiiska Marxuumad Saabiriin Saylaan ayaa hada toos uga socda Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Gaalkacyo.
Wixii ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.
'Xaaskii way iga dhimatay, sumcaddiina waa la iga dilay ': Nin lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush 8 doollar ah oo la sii daayay 39 sano ka dib
Xigashada Sawirka, Alok Putul/BBC
Qoraalka sawirka, .
Jidadka cidhiidhiga ah ee qalqalloocan ee magaalada Raipur ee Hindiya waxa ku yaalla guri duug ah oo burbursan. Waa hoyga 84-jirka lagu magacaabo Jageshwar Prasad Avadhiya, oo dhawaan la sii daayay iyadoo loo haystay dacwad musuqmaasuq ah oo socotay 39 sano.
Mr. Avadhiya, oo ka shaqeyn jiray shirkadda gaadiidka ee gobolka Madhya Pradesh isagoo ahaa kuliye (clerk), ayaa la xiray sanadkii 1986, waxaana lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush 100 rupee ah (ku dhowaad $8 ayay u dhigantay waqtigaas).
In kasta oo lacagtu u muuqato mid aan badneyn, haddana waxay saameyn ba'an ku yeelatay Mr. Avadhiya. Sanado badan oo uu ku noolaa cabsi ku saabsan xabsiga kaddib, waxa ugu dambeyn la sii daayay bishii Oktoobar sanadkan, balse weligiis ma dareemin farxad.
Wuxuu yidhi:
"Go'aankani maanta wax qiimo ah ima laha. Shaqadaydii waan waayay. Bulshadu way iga jeesatay. Caruurtaydii ma aanan awoodin inaan waxbaro. Umaana guurin. Ehelkii way iga go'een. Xaaskaygiina waxay u dhimatay daawo la'aan. Ma la ii soo celi karaa waqtiyadii lumay?"
Todobaad kale oo
muhiim ah ayay u ahayd kooxda Arsenal.
Maalmo kadib
barbardhicii cajiibka ahaa ee Gunners ay la gashay Sunderland, waxaa dib u soo
laabtay rajadooda Axaddii shalay ahayd, markii ay kooxda ay xifaaltamaan ee Tottenham
ay 4-1 ugu badiyeen, sidaasna ku sii xoojisteen horyaalka.
Waxay tani u
muuqataa guul weyn oo ay kooxda Arsenal ka gaartay kooxaha ay xifaaltamaan
iyadoo xidigaha Arsenal sida Gabriel, Martin Odegard, Kai Havertz iyo Gyokeres
ay dhawaan dhawacnaayeen.
Arsenal ayaa
haatan hogaamineysa horyaalka Ingiriiska.
Kooxda Liverpool
oo difaacaneysa horyaalka, ayaa la kulantay guul daradeedii 7-aad halka
Manchester City oo iyaduna sidoo kale horyaalkan difaacaneysa ay guul darro la
kulantay todobaadkan.
Ha yeeshee su'aasha isweydiinta mudan ayaa hadda ah, yaa Arsenal joojinb kara xagaagan?
Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in dhalinyarada ay "si qasab ah ugu qoreyso ciidamada"
Xigashada Sawirka, FDRE Defense Force
Qoraalka sawirka, .
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin badan oo ku aadan in dhalinyarada si qasab ah looga qabto wadooyinka iyo boostaajooyiinka gaadiidka, loona qaado tababar ciidan.
BBC-da ayaa ka ogaatay qoysaska maxaabiista iyo dadka arrintan la socda in dhalinyaro ay ku jiraan shaqaale dowladeed oo si qasab ah looga soo qab-qabtay waddooyinka, lana geeyo goobo kala duwan, si loo geeyo goobo lagu tababaro ciidamada.
Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ugu baaqday Itoobiya in aan si qasab ah lagu askareyn carruurta aan qaan-gaarin islmarkana laga dhigin ciidan.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025 ee Itoobiya, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu qasbayso inay ciidamada ku biiraan.
Waxaa jira dhalinyaro badan oo si qasab ah looga soo uruuriyay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromia, kuna biiray ciidanka difaaca qaranka.
Badhaasaan oo [magaciisa aan beddelnay] waa shaqaale dawladeed oo ku sugan Galbeedka Arsi - islmarkana ah dhakhtar xanaanada xoolaha.
March 14, 2025, ayay ciidamada ammaanku xireen xilli uu subaxnimadii ka soo baxay qoyskiisa oo uu shaqo u aaday magaalada Adaama, kana soo shaqo tagay.
Taliyaha ciidamada Sudan oo si kulul uga hadlay soo jeedintii Mareykanka ee joojinta dagaalka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Al -Burhan
Taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo jeedintii ugu dambeysay ee
ay soo bandhigeen Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro
dagaalka sokeeye, ku tilmaamay in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo
bandhigo.
Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku
sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada
degdegga ah ee RSF, uu baabi'in doono doorka Ciidamada Qalabka Sida, isla
markaana u ogolaan doono maleeshiyada inay ku sii sugnaadaan goobahooda.
Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay ergayga Mareykanka, Massad
Boulos, inuu ku hadlayo afka Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mid ah
dhexdhexaadiyeyaasha kale, kaasoo uu ku eedeeyay inay taageeraan RSF.
Israa'iil oo dishay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xisbullah kadib weerar ay bilooyin kadib ku qaaday Beyruut
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, .
Milateriga
Israa’iil ayaa dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda Xisbullah ee dalka
Lubnaan kadib weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee
magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, inkastoo xabbad joojin laga gaaray
dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah.
Waxa ay ku
tilmaantay Haitham Cali al-Tabtabai, madaxa shaqaalaha ee Hezbollah, inuu yahay
ruug-cadaa kooxda oo soo qabtay jagooyin sarsare oo xirriir ah.
Wasaaradda
caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen 28
kalena ay ku dhaawacmeen weerarka oo ku dhacay dhismo dabaq ah oo ku yaalla
degmada Dahieh oo ay dadku ku badan yihiin.
Xisbullah
ayaa xaqiijisay geerida Tabtabai, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil ay ka
gudubtay "khadka cas" markii ay duqeynta fulisay.
Duqeynta
ayaa ah tii ugu horreysay oo Israa’iil ay ka geysato koonfurta Beirut muddo
bilo ah.
Waxay ku soo
beegmaysaa iyadoo Israa’iil ay kordhisay ololaheeda ka dhanka ah dadka iyo
bartilmaameedyada ay ku sheegtay inay xiriir la leeyihiin Xisbullah – oo ah
koox Muslim Shiico ah oo ay taageerto Iran – inkastoo xabbad joojin ay
garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Faransiiska uu dhaqan galay bishii
November ee la soo dhaafay.
Saraakiisha
Israa’iil ayaa sheegay in Xisbullah ay isku dayday inay dib u dhisto awooddeeda
ciidan, isla markaana ay hub sharci darro ah soo gelisay Lubnaan, isla markaana
ay sare u qaadayso soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax qarxiya,
waxaana jirta cabsi isa soo taraysa oo laga qabo inuu dagaalka xoogeysto.
Madaxweynaha
Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay cadaadis ku
saaraan Israa'iil - oo weli haysata ugu yaraan shan goobood oo ku yaalla
koonfurta Lubnaan - si ay u joojiyaan weerarrada iyo inay ka baxaan dalkaas,
isagoo sheegay in ficillada Israa'iil ay xadgudub ku yihiin heshiiskii lagu soo
afjaray 13 bilood oo colaad ah.
Dowladda
Lubnaan ayaa wacad ku martay inay hubka ka dhigi doonto ururka Xisbullah, balse
kooxda ayaa ku gacan seyrtay baaqyo ah in laga hadlo mustaqbalka hubkeeda, ka
hor inta aysan Israa’iil joojin weeraradeeda, si buuxdana uga bixin Lubnaan,
ayna sii deyn maxaabiis u dhalatay Lubnaan.
Sarkaal ka
tirsan diblomaasiyiinta reer galbeedka oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa
BBC-da u sheegay in maamulka uu cadaadis kala kulmayo maamulka Trump oo sii
kordhaya dulqaad la’aanta waxa ay u arkaan horumarka gaabis ah ee ka dhanka ah
kooxdan oo dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK u aqoonsan yihiin urur
argagixiso.
Khilaafkii
ugu dambeeyay ee u dhexeeya Israel iyo Xisbullah ayaa qarxay ka dib markii
kooxda Lubnaan ay bilaabeen inay gantaalo ku garaacaan goobaha Israel maalin
kadib weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.
Xisbullah
ayaa sheegtay inay u dhaqmayso si wadajir ah Falastiiniyiinta Gaza.