Sweden oo xirtay nin doonayay in uu ku biiro IS-ta Soomaaliya

Kooxda Daacish ee ku sugan Puntland Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa ku soo oogtay dacwad nin asalkiisu Syria ka soo jeedo oo dhalashada dalkeeda haysto dhowr dambi oo la xiriira "argagixisanimada".

Ninkan oo da'diisu tahay 23 jir ayaa sidoo kale lagu soo oogay isku day safar uu ku doonayay in uu ugu biiro kooxda la baxday Dowladda Islaamka (IS) ee fadhigeedu yahay Soomaaliya sida uu dacwada oogaha sheegay.

Waxyaabaha sidoo kale ninkan lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ah in uu lacag ku bixiyo kooxda iyo in uu isku dayay in uu maalgeliyo IS isagoo adeegsanaya lacagta digitalka ee loo yaqaan Kiribto. Sida lagu arkay warqada eedahiisa ku qornaayeen waxa uu xubin ka ahaa koooxda IS.

Afartii bishii Sabatember ee sanadkii 2023-kii ayuu sameeyay isku daygiisa ugu horeeyay ee uu ku doonayay in uu ku galo dalka Soomaaliya sida uu sheegay dacwad oogaha. Sanadkii ku xigay bishii Maarso 18-keeda ayuu sidoo kale sameeyay isku day kale isagoo sii marayay markan dalka Sacuudiga.

"Labada marba waa la xiray. Markii koowaad waxaa meel u dhow xuduuda Soomaaliya ku xiray dowladda Itoobiya. Markii ku xigtayna waxaa qabtay dowladda Soomaaliya, " sida uu u sheegay dacwad ooge, Carl Mellberg wakaalada wararka ee AFP".

Sida laga soo xigtay dacwad oogaha, ninkan waxa uu qeyb ka ahaa kooxda la baxday dowladda Islaamka, waxa uuna sameeyay labo safar oo ujeedkoodu ahaa isku dayo ku biiris kooxda.

Ninkan la soo eedeeyay waxa uu soo galay Sweden sanadkii 2013-kii, waxa uuna waxa ku bartay Vimmerby. Sida uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Sweden, waxa uu ka shaqeeeyay ninkan meel lagu daryeelo waayeelada. Dhammaan eedaha loo haysto wuu beeniyay ninkan.

Dacwad oogaha wuxuu sheegay in aysan suuragal aheyn waxa dhabtii uu damacsanaa ama qorsheynayay in uu sameeyo marka laga reebo in uu doonayay in u uku biiro kooxda.

"Waxba kama sheegi karno waxa uu doorkiisu saxda ah noqon lahaa maadama uusan marna gaarin halkii uu damacsanaa in uu gaaro. Balse, waxa uu ahaa xubin ka tirsan kooxda, in uu ku biro kooxda waxba ogama sokeyn," ayuu yiri Mellberg.

Dhulka buuraha ee kooxda Daacish ka joogto Soomaaliya

Xigashada Sawirka, HCAP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ninkan loo haysto dambiga argagixiso waxa uu sidoo kale helay tababaro la xiriira sida loo sameeyo iyo sida loo adeegsado waxybaahaha qarxa, "gaar ahaan kuwa loola dan leeyahay in falal argagixiso loo isticmaalo", sidaasna waxaa lagu sheegay warqada ay ku qornaayeen eedahiisa.

Nikan waxa uu deganaa koonfurta Sweden, waxa uuna saaxiib la ahaa ninkale oo 22 jir ahaa kaas oo bartamihii bishii Feberaayo lagu helay dambi ah in uu dal shisheeye ugu socdaalay arrimo argagixiso iyo in uu qorsheynayay safar ay wadajir u wadagalaan labadooda. Waxaa sidoo kale loo haystaa in uu siiyay argagixisada lacag dhan 4kun oo doolar.

Ninkan dacwada lagu soo oogay maxkamadeynrtiisa waxay bilaabaneysaa saddexda bisha soo socoto ee Desember, waxayna soconeysaa saddex maalmood.

Kooxda IS awood xooggan kuma lahan Soomaaliya marka la barbardhigo Alshabab balse khubaradu waxay ka digeen howlgaladooda kordhaya.

Dalka Sweden waxay adkeeyeen qeynuunada lagula dagaallamayo argagixisada si loo mamnuuco kulamada, dhaqaalaha iyo taageerada kale ee la siiyo kooxaha laga mamnuucay dalka. Dowladda waxay sheegtay in ay xireyso daldalooda sharcidarada ee jira. Dadka dhaliila waxa ka digeen in taasi ay saameyneyso xarriyadda hadalka.

Sweden dhowr jeer oo hore ayey sare u qaaday heerka feejignanata arrimo la xiriira markii dhowr goor lagu gubay kitaabka quraanka iyo kutubta diimaha kale.

Dowladda Sweden waxay hore u dhaliishay tallaabooyinka "Islaam naceybka", sahan la sameeyay oo laga qaaday dad gaaraya kun qof ayaa muujiyay in dad ka badan kala bar ay aaminsan yihiin in la mamnuuco gubista kitaabka Qur'aanka.

Dalka Sweden waxaa lagu qiyaasaa in ay ku nool yihiin muslimiin u dhaxaysa 250,000 – 400,000, waxaana ka mid ah Soomaali badan oo dalkaas gashay 30kii sano ee u dambeeyey.