'Xaaskii way iga dhimatay, sumcaddiina waa la iga dilay ': Nin lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush 8 doollar ah oo la sii daayay 39 sano ka dib

Jageshwar Prasad Avadhiya, waa nin waayeel ah oo u dhashay dalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Alok Putul/BBC

Jidadka cidhiidhiga ah ee qalqalloocan ee magaalada Raipur ee Hindiya waxa ku yaalla guri duug ah oo burbursan. Waa hoyga 84-jirka lagu magacaabo Jageshwar Prasad Avadhiya, oo dhawaan la sii daayay iyadoo loo haystay dacwad musuqmaasuq ah oo socotay 39 sano.

Mr. Avadhiya, oo ka shaqeyn jiray shirkadda gaadiidka ee gobolka Madhya Pradesh isagoo ahaa kuliye (clerk), ayaa la xiray sanadkii 1986, waxaana lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush 100 rupee ah (ku dhowaad $8 ayay u dhigantay waqtigaas).

In kasta oo lacagtu u muuqato mid aan badneyn, haddana waxay saameyn ba'an ku yeelatay Mr. Avadhiya. Sanado badan oo uu ku noolaa cabsi ku saabsan xabsiga kaddib, waxa ugu dambeyn la sii daayay bishii Oktoobar sanadkan, balse weligiis ma dareemin farxad.

Wuxuu yidhi:

"Go'aankani maanta wax qiimo ah ima laha. Shaqadaydii waan waayay. Bulshadu way iga jeesatay. Caruurtaydii ma aanan awoodin inaan waxbaro. Umaana guurin. Ehelkii way iga go'een. Xaaskaygiina waxay u dhimatay daawo la'aan. Ma la ii soo celi karaa waqtiyadii lumay?"

Nidaamka garsoorka ee Hindiya waa mid caan ku ah ku ilaawidda iyo dib-u-dhacyada kiisaska dadka xabsiyada ku jira. Wasiirka cadaaladda ayaa hore ugu sheegay baarlamaanka in in ka badan 52 milyan oo kiis ay weli yaalliin maxkamadaha dalka oo dhan.

Avadhiya si firfircoon uyuu u hadlayaa, isagoo labada gacmoodba u adeegsanaya inuu fikradiisa muujiyo. Telefishan ayaa ka muuqda gadaashiisa.

Xigashada Sawirka, Alok Putul/BBC

Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in intii uu ka shaqeynayay shirkadda gaadiidka isagoo ahaa qasnaji lagu eedeeyay musuqmaasuq oo weliba ay xirtay waaxda ka hortagga musuqmaasuqa.

"Shaqaale ayaa ila soo xiriiray si aan ugu diyaariyo lacagta mushaarkiisa ka maqan," ayuu yiri Mr Avadhiya.

"Waxaan u sheegay in faylku i soo gaari doono oo keliya marka aan helo qoraal rasmi ah oo ka imanaya sarkaalka sare, markaas ayaan awoodi doonaa inaan diyaariyo biilka. Intaas ka dib, shaqaalihii wuxuu isku dayay inuu i siiyo laalush 20 rupee. Waxaan muujiyay inaanan ku faraxsanayn, waxaanan u sheegay inuusan mar dambe xafiiska iman."

Wuxuu sheegay in shaqaalihii uu ka carooday diidistaas, waxaana dhowr maalmood ka dib, "anigoo xafiiska ka baxaya, shaqaalihii iga dambeeyay ayuu yimid oo wax buu jeebkayga geliyay," ayuu yiri.

Kahor intaanu fahmin waxa dhacaya, booliis dharcad ah ayaa qabtay oo u sheegay in la xirayo isagoo lagu eedeynayo inuu laaluush qaatay.

Waddo dheer oo caddaalad loo maro

Eedeynta musuqmaasuqa ayaa keentay in afar carruur ah oo uu dhalay Mr Avadhiya, oo uu ku jiro Neeraj oo sawirkiisu idin muuqdi, ay ka tagaan iskuulka.

Xigashada Sawirka, Alok Putul/BBC

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mr Avadhiya wuxuu sheegay in maalintaas ay bilow u ahayd dagaal dheer oo uu u galay caddaalad helisteeda, isla markaana ay ahayd ciqaab uun kaliya isaga la saaray, balse sidoo kale qoyskiisa oo dhan gaartay.

Labo sano oo kale looma xirin ilaa 1988, waxaana shaqada laga ganaaxay intii u dhexeysay 1988 ilaa 1994.

Kadib waxa laga qaaday Raipur iyadoo la geeyay Rewa, oo ku dhowaad 460km woqooyi ka xigta magaaladiisa, isaga oo laga fogeeyey xaaskiisa iyo afartiisa carruur ah, mushaarkiisiina qayb aya alaga jaray.

Mudadaas, ayuu sheegay inuusan helin dallacsiin ama kordhin mushaar. Hal-hal ayay carruurtiisu uga dambeyntii uga tageen iskuulka.

Wiilkiisa yar, Neeraj, oo markaa jiray 13 sano oo haatan 52 jir ah, wuxuu sheegay in laga xaday carruurnimadiisii.

"Markaas xitaa ma garaneynin micnaha musuqmaasuqa, laakiin dadku waxay dhahayeen: 'Waa wiilka laalushka,'" ayuu BBC u sheegay.

Isagoo ilmada tirtiraya ayuu yiri: "Carruurtu way igu ciyaareen.iskuulka, deriska iyo qaraabada way iga fogaadeen. Iskuulka ayaa marar badan layga eryay sababtoo ah ma bixin karin qarashaka."

Musuqmaasuqa si loo helo adeegyada dowladda waa wax baahsan oo ka jira Hindiya: dadka waxaa lagu qasbaa inay ay laaluush bixiyaan si ay u helaan koronto, shahaado dhalasho ama shaqooyinka dowladda. Laakiin aad bay u yar yihiin saraakiisha iyo siyaasiyiinta xukunno lagu rido.

Xaasaska Mr Avadhiya, Indu, ayaa sidoo kale la kulantay ceeb bulsho, ugu dambeynna waxay u dhimatay wadno xanuun 1997-dii.

"Xaaskaygu way geeriyootay kaliya walaac dartii," ayuu yiri. "Muddo dheer ayay niyad-jabsanayd sababo la xiriira eedeymaha musuqmaasuqa iyo in shaqadii laga joojiyay, murugada daciifisay. Xitaa ma haynin lacag ku filan si loogu daaweeyo. Ma xasuusto maalintii ay dhimatay, xitaa ma haynin lacag aaska. Saaxiib ayaa i siiyay 3,000 rupees, markaas ayaa aaska la sameeyay."

Dagaal ku saabsan in magaciisa laga nadiifiyo sumcad dilka loo gaystay

Avadhiya oo kursi ku fadhida oo wargeys akhrinaya

Xigashada Sawirka, Alok Putul/BBC

Sannadkii 2004, maxkamad ayaa Mr. Avadhiya ku heshay dambi waxayna ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1,000 rupees oo lacagta Hindiya ah, inkastoo dhammaan markhaatiyaashii dib uga noqdeen wararkii ay sheegeen.

Markaa kadib wuxuu aaday Maxkamadda Sare ee gobolka Chhattisgarh wuxuuna si guul leh u joojiyey dacwaddaas si uusan u gelin xabsi, balse kiisku wuu sii jiitamay.

Si uu qoyskiisa u taageero, wuxuu qabtay shaqooyin kala duwan, mar darawal bas ayuu ahaa, xitaa isagoo da' ah, wuxuu shaqayn jiray 8 ilaa 10 saacadood maalintii.

Maxkamadda sare waxay kiiska ka fiirsatay laga soo bilaabo 2004 ilaa 2025, intaasina waxay baaraysay cadeymo, markhaatiyaal la dhageystay, iyo doodaha sharciga ah ee labada dhinac.

Sannadkii 2025, waxay Mr. Avadhiya u xukuntay inuu dambi la'aan yahay, iyaga oo sheegay in kiiska dacwad oogaha aan loo haynin wax caddeyn ah.

"Cadaaladdi waa la helay, balse waqtigu dib iiguma soo laabanayo. Xaaskeyga dib iiguma soo laabanayso, carruurta caruurnimadoodii dib uguma soo laabanayso," ayuu yiri Mr. Avadhiya.

Qareenadu hadda waxay eegayaan inay lacag magdhow ah loo heli kara.

Mr. Avadhiya wuxuu rabaa in dowladda ay siiso hawlgabkiisa iyo waxa uu mudunyahay, laakiin wuxuu sheegay inuusan doonaynin inuu dagaal kale bilaabo.

"Maxkamadda sare waxay ii sheegtay inaan dembi laheyn," ayuu ku yiri cod murugo iyo xanuun ka muuqdo.

"Laakiin sii dayntiisa maxkamadda aad ayey uga miisaan yar tahay culeyska weyn ee aniga iyo qoyskayga oo dhan aan dareennay 39 sano."