Laacibka Barcelona, Messi siduu ku gudbiyay codsigiisa ee shaqada uu uga tagayo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu Talaadadii ku dhawaaqayay xiddiga weyn ee reer Argentina, Lionel Messi, in kooxdiisa Barcelona uu ka tegayo, waxaa isa soo tarayay dareenka ka dhashay arrintaas.
Dadka qaar ee taageera laacibkan ayaa isweydinaya, sababta ka dambeysa go'aankaas? Halkee buu aadi doonaa? Meeqa ayaa lagu iibsan doonaa?
Balse arrinta xiisaha leh waxay tahay in "ciyaaryahankan 33 sano jirka ah uu codsigiisa ku gudbiyay aaladda Fax-ka, oo xilli hore la isticmaali jiray, wuxuuna sheegay in uu doonayo in uu si bilaash ah kaga tago kooxda" Barcelona.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Aaladda Fax
Farriimaha ama warqadaha la isugu diro Fakis-ka waa qaab qaddiimi ah oo laga soo tegay, waxay dadku inta badan adeegsan jireen xilli hore oo aysan jirin aaladaha casriga ah ee dunida laga adeegsado sida kumbuyuutarada iyo telefoonnada.
Fikradda soo saarista Fax-ka waxaa iska lahaa nin u dhashay Scotland oo lagu magacaabi jiray Alexander Bain, wuxuu sameyn jiray saacadaha balse sannadkii 1843-dii ayuu soo saaray Fax-ka xilliggaas oo uusan dunida ka jirin teleefoon iyo qaab kale oo warqadaha la isugu diro.
Fax-ka oo la casriyeeyay waxaa si weyn loo adeegsan jiray bartamihii 1980-meeyadii, xilliggaas oo ku beegneyd markii uu Messi dhashay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay aheyd xilli aysan soo bixin Email iyo qaababka kale ee wax la isugu diro; Fax-ka wuxuu ahaa aaladda keliya ah ee sida dhakhsiyaha badan la isugu diri jiray dokumeentiyada iyo waraaqaha.
Waxaa si gaar ah loogu diri jiray warqadaha la saxiixo iyo kuwa ganacsiga.
Waxaa sidoo kale Fax-ka si weyn loo isticmaali jiray bartimihii 2000, dadkana waxay xusuustaan dhibaatooyinkii ay kala kulmi jireen in wax lagu diro.

Weli meesha kama bixin isticmaalka Fax
Sida cajalladihii wax lagu duuban jiray ee sida weyn loo adeegsan jiray 1980-maadkii, Fax-kana weli dunida waa laga isticmaalaa.
Maxkamadaha iyo qareennada ayaa adeegsada Fax-ka gaar ahaan marka ay doonayaan in ay diraan warqad saxiixan.
Sannadkii 2018-kii, Ha'yadda bixisa adeegyada caafimaadka qaranka ee UK ayaa laga mamnuucay in ay soo iibsato aaladda Fax-ka oo badan, waxay arrintani la xiriirtay daraasad muujisay in 9,000 ooo Fax ah laga isticmaalo gudaha Britain oo warqadaha caafimaadka lagu diri jiray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ha'yadda bixisa adeegyada caafimaadka qaranka ee UK ayaa bishii Maarso ee sannadkan lagu amray inay joojiso isticmaalka Fax-ka isla markaana ay u guurto nidaamka Email-ka ee casriga ah.
Arrinta Messi

Xigashada Sawirka, PA Media
Dad badan oo adeegsada Online-ka ayaa sheegaya in ay aaminsan yihiin in fakis-ka (fax) uu yahay hannaan hore oo laga soo gudbay.
Qandaraaska uu naadiga Barcelona kula jiro ayaa ku eg dhammaadka 2021-ka. Waxaana la filayaa iney goor dhow kulan qaataan maamulka kooxda.
Waxaana jira warar sheegaya in waxa keliya ee Messi lagu qancin karo ay tahay in madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu uu is casilo, sidoo kalena la qabto doorasho deg-deg ah balse Messi wuxuu u muuqdaa qof gaaray go'aankiisi ugu dambeeyay gaaray oo aan sinna lagu qancin karin.
Kaddib markii la baahiyay warka ah in Messi uu codsaday in la fasaxo oo uu ka tago kooxda, waxaa garoonka Barcelona ee Nou Camp, buu dhaafiyay taageerayaasha oo ku mudaaharaadaya maamulka kooxda, iyagoona taageero u fidinaya laacibkooda ku muddada joogay kooxda.












