Sergio Aguero: Ciyaartoyda way ka "baqayaan" in ay ku soo noqdaan Premier League

Sergio Aguero

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aguero markii ugu dambeysay ee uu dheelay waxay ahayd 8 Maarso

Ciyaartoyda waxay "ka baqayaan" qorshaha ah in dib loo billaabo kulamada ka dhiman horyaalka iyadoo xaaladda cudurka korona ay taagan tahay, ayuu yiri weeraryahanka u cayaaraha Manchester City, Sergio Aguero.

Premier League ayaa la filayaa in dib loo billaabo 8 Maarso taas oo sababaysa in ciyaartoyda ay tabarada ay dib ugu soo noqdaan 18-ka May.

Madaxda kooxaha waxay isu imaanayaan Jimcaha maanta ah si ay uga wadahadlaan in ciyaaraha dib loo billaabo.

"Inta badan ciyaartoyda way baqayaan sababtoo ah waxay leeyihiin carruur iyo qoysas," ayuu yiri 31-sano jirkan, Aguero.

Isagoo la hadlayay telefishin laga leeyahay Argentina oo lagu magacaabo El Chiringuito, wuxuu laacibkan yiri: "Waan baqayaa, saaxiibtey ayaa halkan ila joogto mana doonayo in dad kale ay isoo dhowaadaan. Gurigeyga baan ku xiranahay qofka keli ah ee aan is aragno waa saaxiibtey.

"Waxay sheegayaan, in ay jiraan dad xanuunka qaba oo aan calaamadihiisana ka muuqan haddana dadka kale usii gudbin kara. Waa sababtaa midda igu qasabtay inaan guriga isku soo xiro. Waxaa suuragal ah inaan qabo cudurka haddana aanan is ogeyn."

Horyaalka Premier League waxaa la hakiyay 13-kii Maarso iyadoo laga cabsi qabay fayraska korona balse kooxaha weli waxay doonayaan in la cayaaro 92-da kulan ee weli dhiman.

Waxaa la filayaa in dhammaan kulamadaas lagu qabto garoomo cidlo ah, iyo in dadka ay si bilaash ah uga daawadaan TV-yo.

Aguero wuxuu sheegay in saaxiibbadii ay xoogaa "argagixi doonaan ayna feejignaan doonaan" haddii ay garoomada dib ugu laabtaan.

"Haddii hal qof oo xanuunsan aan aragno waxaan is dhahaynaa 'maxaa halkan ka dhacaya?'" ayuu hadalka ku daray. "Waxaan filayaa in talaalka lagu sameeyo si degdeg ah si xaaladdan ay u dhammaato."

Haddii tababarka uu dib u bilowdo iyadoo weli uu jiro amarka ah in dadka aysan isu soo dhowaan, BBC waxay fahamsan tahay in halkii ciyaaryahanba laba goor laga baari doono fayrask corona, maalin kastana laga baari doono astaamaha lagu garto xanuunkan.

Dhammaan baaritaannada waxaa sameyn doono dhaqaatiir iyadoo kooxaha horey ay usoo marayaan xarun baaritaan oo NHS ah taas oo iyaga oo dhan loo fasaxay in ay aadaan.

Garoomada tababarada waxaa loo diyaarinayaa qaab ay dadka u kala fogaanayaan, iyo heer nadaafad oo aad u sareeya. Waxaa intaa dheer:

  • Ciyaartoyda waxay garoomada ku tagayaan iyagoo xiran dharka difaaca fayraska corona, waxayna markasta xiranayaan maaskaraato.
  • Dhammaantood waa inaysan ku qubeysan waxna ku cunin garoonka. Haddii la siinayo cunto waa in banaanka looga keeno.
  • Keliya daweynta aadka muhiimka u ah ayaa la ogolaanayaa, iyadoo dhamaan dhaqaatiirta ay xiran yihiin dharka difaaca jirka.
  • Dhammaan kulmada shirarka iyo dib u eegista waa in si muuqaal ah oo garoonka ka baxsan lagu qabto.