Xanta ciyaaraha: Coutinho, Aubameyang, De Gea, Rakitic, Neymar

Philippe Coutinho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Philippe Coutinho

Laacibka qadka-dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona Philippe Coutinho, oo deen ahaan ugu maqan Bayern Munich, ayey kooxda Liverpool u sheegtay in aysan dooneyn in ay markale heshiis la saxiixato ka dib markii 27 sano jirkan uu ka hadlay inuu dib u soo noqon karo. (Mirror)

Arsenal ayaa dib ula noqotay wadahadalka heshiiska weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang. 30 sano jirkan u dhashay Gabon ee ka ciyaarah kulamada caalamiga ah waxaa looga shakiyay inuu doonayo in uu ka wareego Garoonka Emirates Stadium, uuna u dhaqaaqo dhanka kooxaha Manchester United, Inter Milan, Barcelona, Real Madrid iyo Chelsea kuwaas oo dhammaantood ay doonayaan in ay la wareegaan laacibkan. (Mirror)

Goolhayaha kooxda Manchester United ee u dhashay Spain, David de Gea ayaa sheegay inuu doonayo in uu ka sii ciyaaro garoonka Old Trafford, sanado kale oo badan. Balse 29 sano jirkan wuxuu loollan adag oo kaalintiisa la xiriirta kala kulmayaan goolhayaha England, Dean Henderson, oo 23 sano jir ah, kaas oo fajac iyo layaab ka dhigay garoonka Sheffield United. (Mail)

Wakiilkii hore ee Neymar oo lagu magacaabo Wagner Ribiero, wuxuu sheegay in laacibkan u dhashay Brazil ee u dheela Paris St-Germain, oo 28 sano jir ah uu markii 17 sano jirka uu ahaa doonayay inuu ku biiro kooxda Chelsea.(Mail)

Laacibka difaaca uga ciyaara Paris St-Germain iyo xulka Belgium, Thomas Meunier, waxaa la soo wareegiddiisa guul ka gaaray macalimka kooxda Tottenham, Jose Mourinho, arrintaas oo la xiriirta in xagaaga uu ku biiro kooxda ka dhisan London. Balse 28 sano jirkan wuxuu weli aad u doonayaa inuu heshiis kale ka helo garoonka Parc des Princes. (L’Equipe, via Teamtalk)

Maamulaha kooxda Chelsea Frank Lampard wuxuu la hadlay weeraryahanka kooxda Napoli, Dries Mertens, wuxuuna filayaa inuu ku guuleysto la soo wareegidda 32 sano jirkan u dhashay Belgium-ka kaa oo si bilaash ah ugu biiri doono kooxda haddii heshiiska la isku afgarto. (Mail)

Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara xulka Netherlands, Jetro Willems, oo 26 sano jir ah, wuxuu sheegay inuu doonayo in si joogto ah uu ugu wareego kooxda Newcastle ka dib markii bilowga xilli ciyaareedkan uu si deen ah ula joogay kooxda Eintracht Frankfurt halkaas oo uu ku dhaawacmay. (Goal)

Chelsea waxay la kulantay dib u dhac kaga yimid rabitaankoodii ahaa in Ajax ay kala soo wareegaan goolhayaha 24 sano jirka ah, Andre Onana, kaas oo u muuqda in uu ku laaban doono kooxda Barcelona. (Express)