Ciyaaryahan raaligalin ka bixiyay sawir cawro ah oo uu gabadh ka faafiyay

Nathan Broad wears his premiership medallion after the AFL Grand Final last month

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nathan Broad wears his premiership medallion after the AFL Grand Final

Nathan Broad oo u ciyaara kooxda Richmond Tigers ee ka dheesha koobka Australian Football League, ayaa qirtay in uu diray sawirkaas oo markii dambe aad la isula wadaagay.

Booliiska ayaa joojiyay baaritaankii ay ku hayeen dhacdadan ka dib markii ay sidaas codsaday gabadhii ay khusaysay.

Kooxda Richmond ayaa Broad ku ganaaxday in uusan u safanin saddex ciyaarood oo ka tirsan xilli ciyaareedka sannadka soo socda.

Broad oo 24 jir ah ayaa sheegay in uu qaadayo "dhammaan masuuliyadda arrintaas".

"Sawir khaas ah ayaan diray anigoon kala tashanin gabadha yar, ayuu ka yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay Melbourne Isniintii.

"Waji gabax ayaan dareemayaa, ficil sarkhaan ayaana sameeyay. Qoyskayga, saaxiibbaday iyo kooxda Richmond Football Club oo kali ah meel ugama dhicin ee waxaan meel kadhaca ugu wayn u gaystay gabadh yar oo aan qaddarin u hayay, ka helo oo aan ixtiraam u hayay."

Nathan Broad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Broad shir jaraa;id ku sugan

Sawirka ayaa muujinaya gabadha oo qabta billad Broad la siiyay markii Richmond ay ku guulaysatay AFL Grand Final bishii hore.

War uu shaaciyay qareenka gabadha ayay ku sheegtay in ay "argagaxday ayna aad u jahwareertay, markii ay sawirkeeda ku aragtay online-ka waxaa loo sheegay in sawirka la tiray.