Kenya oo baaraysa eedaymaha laaluushka ee ciyaaryahannadooda

Xigashada Sawirka, PA
Waaxda ciyaaryahanada kala dagaalanta dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee mamnuuca ah ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay baaridoonto eedaymaha cusub ee laaluushka sheegaya.
Madaxda waaxdaasi ayaa baari doona arrinta sheegaysa in masuul Kenyan ah uu ciyaartoyda u sheegay in uu si hordhac ah ugu sii sheegi doono wakhtiga lagu samaynayo baaritaanada dawooyinka mamnuuca ah iyaguna ay siiyaan isaga 10,000 oo doolarka Maraykanka ah.
Wargayska The Sunday Times iyo warbaahinta Jermalka ee ARD ayaa si qarsoodi ah u duubay Major Michael Rotich oo u muuqda in uu arrintaas u bandhigayo.
Laakiin wuxuu sheegay in uu meeshaas u tagay in uu soo ogaado waxa ay yihiin weriyeyaasha qarsoodiga wax u duubaya kana "difaaco" ciyaaryahannada.
Waaxda ciyaaryahanada kala dagaalanta dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee mamnuuca ah ee Kenya ayaa xaqiijisay in ay baari doonto arrintaas.
Japhter Rugut oo madax ka ah waaxdaas ayaa sheegay in ay baari doonaan, xaqiijin doonaa, ayna hubin doonaan eedaymahan cusub.
BBC Sport ayaa la xiriirtay ciyaaryahannada Kenya laakiin wali jawaab lagama hayo.
In kabadan afartan ciyaartoy oo Kenyan ah ayaa ku dhacay baaritaan lagu sameeyay jirkooda lagana mamnuucay tartamada tan iyo sanadkii 2011.










