Maraqa digaagga iyo waxyaabaha kale ee guryaha lagu sameeyo ma waxay la dagaallamaan hargabka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga soo bilaabo cabitaanka oronjada iyo kaniiniga zinc, maraqa digaagga ilaa kaabsoolka toonta, waxaa jira waxyaabo badan oo guriga lagu sameeyo oo loogu talogalay hargabka. Balse ma caddeyn baa loo hayaa inay wax taraan?
Iyadoo ay jiraan ilaa 200 oo fayras oo sababa hargabka, waxay u muuqataa inay jiraan waxyaabo badan oo guryaha lagu sameeyo si loola dagaallamo. Balse midkoodna dhab ahaan ma shaqeeyaa?
Guri walbo oo lagu sameeyo waxyaabaha hargabka la isaga difaado waxaa saldhig u ah fekradda ah inay xoojinayaan difaaceenna jirka. Marka uu fayras galo jirkeenna, wuxuu ka hor yimaadaa labo hannaan difaac: hannaanka difaaca gudaha ee isku daya inuu ka hortago in unugyada la saameeyo, iyo hannaanka la qabsiga ee beegsada walxaha yaryar ee horeba jirka u saameeyay.
Kan dambe ayaa sidoo kale abuura unugyo xusuuseed marka ay la kulmaan walxaha yaryar, iyadoo u oggolaaneysa jirka inay iska difaacaan haddii ay soo laabtaan. Tan waa sababta aan mar uun la xanuunsanno busbuska, halka hargabka caadiga ah uu sanadkiiba dhowr jeer nagu dhaco.
Waxaa si fiican loo ogyahay in habka nolosha iyo cuntada ay saameeyaan awoodda hannaankeenna difaaca. Waa sababta waxyaabo badan oo guryaha lagu sameeyo oo aalaaba lagu sheego inay difaacaan hargabka sidoo kale la iskula wadaago baraha bulshada iyadoo ballan-qaadku yahay inay na ilaalinayaan xilliga xanuunka safmarka ee coronavirus. Marka waa kuwee waxyaabaha guryaha lagu sameeyo ee mudan in la isku dayo si la isaga difaaco hargabka iyo fayraska?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaniiniyada sida toonta ma waxay la dagaallamaan fayraska?
Charles Bangham oo ah madaxa Waaxda Cudurrada Faafa ee Kuleejka Imperial ee London ayaa sheegay in kaniiniyada difaaca hargabka aysan isbeddel badan ku sameyneyn jirkeenna haddii markii horeba cuntadeennu ay fiican tahay.
"Keliya haddii nafaqo muhiim ah ay kugu yar tahay, sida fitamiin, zinc ama birta, inaad sheygaas gaarka ah qaadato aad buu kuu caawinayaa," ayuu yiri. "Balse haddii aad cunto cunno isku dheellitiran, inaad kuwaas qaadato kama dhigeyso hannaanka difaaca mid sarreeya."
Ma jiro baaritaan la isku halleyn karoo o lagu sameeyay in haddii daawada caanka ah sida maraqa digaagga uu dhabtii isbeddel nagu keeni karo. Si kastaba, daraasadaha u kuur galay hargabka caadiga ah ayaa lagu ogaaday in kaniiniga uu noqon karo mid waxtar leh marka cuntada loo eego.
Daraasad la sameeyay qaboobihii 2016 iyo 2017 ayaa lagu ogaaday in qaadashada fitamiinnada isku darsan ee ka kooban A, D, C, E, B6, B12, folic acid, zinc, selenium, copper iyo iron ay yareeyaan xaddiga inta aad leedahay calaamadaha hargabka, oo ay ku jiraan sanka oo biyo ay ka socdaan iyo qufac.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fitamiin C ma wuxuu wax ka taraa hargabka?
Kaniini kale oo laga yaabo inay dadka qaataan marka ay dareemaan calaamadaha hargabka waa fitamiin C. Qiimeyn sanadkii 2023 la sameeyay ayaa lagu ogaaday fitamiin C uu yareeyo calaamadaha hargabka caadiga ah, sida sanka oo biyo ka socdaan, qufaca iyo dhuunta oo ku xanuunta, ilaa 15%. Waxay sidoo kale sheegeen in caddeynta ay muujineyso in fitamiin C uu saameyn weyn ku leeyahay calaamadaha daran ee hargabka caadiga ah.
Baarayaasha daraasad kale oo fitamiin C lagu sameeyay ayaa sheegay in fitamiinnada maaddaama ay khatartoodu yar tahay ay mudan yihiin in la isku dayo si loo arko inay wax tarayaan.
Cabitaanka oronjaha ayaa laga yaabaa inuu ka waxtar yar yahay: ma jirto caddeyn sheegeysa in cabitaanka oronjaha uu wax ka taro ka hortagga hargabka. Tanna waa sababta uusan ugu jirin xaddi badan oo fitamiin C ah si uu waxtarka kaniiniyada oo kale u yeesho.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Zinc ma wuxuu wax ka taraa hargabka?
Haddana waxaa jira zinc. Hal qiimeyn oo lagu sameynayay waxtarka zinc oo maalin walba la qaato kana kooban 80-92mg uu wax ka taro sanka biyaha ka socda iyo sanka ku xiran, iyadoo sidoo kale 22% uu yareeyo hindhisada iyo qufaca.
Balse waxaa jirta caddeyn sheegaya in tanka kaniiniga iyo qaadashadiisa inta daaweyntu socoto ay muhiim tahay.
Aalaaba, saynisyahannada ayaa sheega in fitamiinnada iyo macdanta ay ku fiican yihiin in loo qaato cunno ahaan, intii loo qaadan lahaa kaniini ahaan – inkastoo ay tilmaameen, in fitamiin C oo kale, ay mar walba fududdahay in tan sare oo fitamiinka ah laga helo marka kaniini ahaan loo cuno.













