Dad toogasho-wadareed lagu laayey Qabridaharre (Magacyo)

Dadka magaalada Qabridaharre ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa saaka ku waabariistay askari milateriga ka tirsan oo dad shacab ah magaalada ku laayey.
Ilaa iyo 4 qof oo mid ka mid ah ay dumar tahay ayaa la xaqiijiyey in ninkaas uu toogasho ku dilay.
Magacyada dadka dhintay
Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa wuxuu ahaa guddoomiyihii xaafadda 8aad ee Qabridaharre Maxamed Xaaji Dayib.
Seddexda qof ee kale ayaa magacyadooda lagu sheegay sida aan eheladooda ka soo xigannay Bashiir Is-xabaal, Axmed Cabdi-yare Muxumed Garaad iyo Saynab Cabdinaasir.
Toogashada ayaa dhacday abaarihii 08:00 – 09:00, waxayna ka dhacday xaafadda la yiraahdo Xabaal-waayeel oo u dhow xero ciidanka milaterigu leeyahay oo aan halkaa ka fogayn.
Maamulka wuxuu sheegay in askarigii dadka laayey uu isna is dilay.
“Askarigu wuxuu ka soo baxay xerada, wuxuuna laayey dadkaas afarta ah, ujeeddoo ka dambaysay oo la garanayana ma aysan jirin” ayuu yiri Dayib Axmed Nuur oo ah madaxa hogaanka nabadgelyada ee Dawlad deegaanka.
Laakinse dad ku dhow maamulka gobolka Qorraxey ayaa BBC u sheegay in ninkaas ay ciidanku toogasho ku dileen.
“Ka dawlad ahaan waxaannu qaadaynaa talaabooyinkii sharci ee ku haboonaa ee ah in marka hore laga tacsiyeeyo, marka labaadna baaritaan rasmi ah laga sameeyo, cid walba oo falkaas ku lug lahaydna talaabo sharci ah laga qaado” ayuu sii raaciyey Dayib.
Ma cadda sababta ninkaas uu dilka u gaystay, hase yeeshee warar ay BBC heshay waxay sheegayaan in ninkaas uu gadoodsanaa.
Afarta qof ayaa dhamaantood maanta la aasay sida uu BBC u sheegay Cabdullaahi Maxamed Cali oo ehel la ah dadka la dilay qaarkood.

Markii 6aad ee toogasho wadareed ay ka dhacdo magaaladaas
Ma aha markii ugu horreysay ee toogasho wadareed ay ka dhacdo dawlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Qabridaharre.
Bil ka hor ayaa sidaasoo kale toogasho wadareed waxay askar ka tirsan milateriga u gaysteen koox dhallinyaro ah, waxayna wararku sheegayaan in lix qof ay ku dhaawacmeen.
Guud ahaan muddadii uu xilka hayey Mustafa Cagjar ayey odayaal deegaanka ah waxay BBC u sheegeen inay tahay markii seddexaad ee toogasho wadareed ay ka dhacdo Qabridaharre, ayadoo xilligii Cabdi Muxumed Cumarna seddex goor ay dhacday toogasho wadareed.
Dhamaadkii 2022 ayey ahayd markii uu askari rasaas aan loo aabo yeelin ku furay garoonka Jigjiga, taasoo ay ku dhimatay xildhibaan Juweeriya Subcis.













