115 jir Soomaali ah oo ka tagay 222 ruux oo faraciisa ah
Ilaahay ha u naxariistee waxaa magaalada Qabridahare ku geeriyooday shalay Cabdullaahi Barkhadle Warfaa oo da'diisu ay ahayd 115 sano.
Marxuumku waxuu ifka kaga tagay 222 qof oo isugu jira wixii uu dhalay iyo waxay sii dhaleen, sidoo kale farac ahaan waxuu marxuumku ka tagay saddex fac ama jiil oo isa sii dhalay.
Wiilasha uu Cabdullaahi dhalay qaarkood waa sagaashan jir awoowyo saddexaad ah.
Xaali Cabdilahi Barqadle aya ka mid ah dadka uu dhalay marxuumka waxaanan weydiiyey bal inay iiga waranto da'da aabaheed.