Sacuudiga: Waxaan Jarmalka uga dignay weerarkii suuqa Magdeburg

Ubaxyo lagu xusuusanayo dadkii ku dhintay weerarka

Xigashada Sawirka, EPA

Xukuumadda Sacuudiga ayaa la sheegay, inay hadda si toos ah uga shaqaynayaan sidii ay u soo uruurin lahaayeen macluumaad kasta oo ay ka hayaan ninka lagu tuhusan yahay in uu ka dambeeyay weerarkii suuqa Magdeburg ee Jarmalka.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in macluumaadka Taleb al-Abdulmohsen, ay la wadaagi donaan dowladda Jarmalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee sacuudiga waxay horey ugu digtay dowladda Jarmalka fikradaha xagjirka ah ee uu aaminsan yahay al-Abdulmohsen.

Waxay u dirtay afar waxa loogu yeero "Note Verbale", saddex ka mid ah waxay u dirtay hay'adaha sirdoonka ee Jarmalka, midna waxay u dirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Berlin.

Dowladda Sacuudiga ayaa xustay in markii ay digniintan gaarsiiyeen laamaha ay quseyso ee Jarmalka aysan wax jawaab ah ka helin.

Qayb ka mid ah sharraxaadda waxaa ku jiri kartaa xaqiiqda ah in Taleb al-Abdulmohsen uu magangelyo ka helay Jarmalka 2016, hal sano ka dib markii hogaamiyhii hore ee Angela Merkel ay u furtay xuduudaha in ka badan hal milyan oo muhaajiriin ah oo ka yimid Bariga Dhexe iyo 10 sano ka dib markii al-Abdulmohsen uu degay Jarmalka.

Al-Abdulmohsen oo ka yimid waddan uu Islaamku yahay diinta keliya ee la oggol yahay in lagu dhaqmo fagaarayaasha, wuxuu ahaa muwaadin aan caadi ahayn.

Islaannimada ayuu dhabarka u jeediyey, isaga oo dad badan u arkayey inuu yahay bidco.

Waxa uu ku dhashay magaalada Hofuf ee dalka Sucuudiga sannadkii 1974-kii, wax badan lagama oga noloshiisii ​​hore ka hor inta aanu go'aansan in uu ka tago Sucuudiga oo uu u guuro Yurub isaga oo 32 jir ah.

Wuxuu ahaa nin si firfircoon u adeegsada baraha, akoonkiisa Twitter ( X) wuxuu isku tilmaamay inuu yahay dhakhtarka maskaxda iyo aasaasaha dhaqdhaqaaqa xuquuqda Sucuudiga, oo ay weheliso sumadda ah @SaudiExMuslims.

Waxa uu aasaasay bog internet ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dumarka Sucuudiga oo u soo baxsanaya dalalka Yurub.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga magaalada Riyaad mar uu la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken bishii Oktoobar

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sacuudiga ayaa sheegay in ninkan uu ahaa nin dadka tahriibiya, waxaana la sheegay in baarayaasha wasaaradda arrimaha gudaha ay hayaan fayl aad u ballaaran.

Waxa jiray warbixino sannadihii u dambeeyay ah, kuwaasi oo sheegayay in dadka ka soo horjeedda xukuumadda Sacuudiga ee ku nool dalalka Canada, Mareykanka iyo Jarmalka ay dhaqdhaqaaqooda si dhow ula socdaan sirdoonka Sacuudiga.

Su'aal kama taagna in mas'uuliyiinta Jarmalku, federaal iyo gobolba, ay sameeyeen khaladaad halis ah oo ku saabsan kiiska al-Abdulmohsen.

Sabab kasta oo ay uga jawaabi waayeen, sida Sucuudigu ku andacoonayo, digniinaha soo noqnoqda ee ku saabsan xag-jirnimadiisa, waxa uu u muuqday mid khatar ku ah waddanka uu martida u yahay.

Waxa kale oo jira, waxyaabo lagu tilmaamay guuldaro dhanka ammaanka ah sida in ninkan loo ogolaaday inuu baabuurkiisa BMW ku dhex wado dadka ku sugan suuqa.

Maamulka Jarmalka ayaa difaacay qaabka suuqa uu u dhisan yahay, waxaana ay sheegeen in baaritaan lagu hayo tuhmanaha taariikhdiisii ​​hore.

Laakiin arrinka cakiran ee halkan ku jirta ayaa ah in Sucuudi Carabiya, inkasta oo loo arko saaxiib iyo xulafada reer galbeedka, haddana waxa liidata xuquuqul insaanka gudaha dalkaasi.

Wixii ka horeeyay June 2018 dumarka Sucuudiga ayaa waxaa mamnuuc ka ahaa in ay baabuur wadaan xitaa dumarkaas si cad ugu baaqay in mamnuucidaas la qaado ayaa xabsiga la dhigi jiray.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, oo weli da'diisu tahay 30 jir, ayaa ah mid shacbiyad badan ku leh gudaha Sacuudiga.

Iyadoo hogaamiyaasha reer galbeedka ay si weyn isaga fogeeyeen ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi sanadkii 2018, taasoo amiirka dhaxalsugaha ah uu beeniyay, ayaa haddana wali gudaha Sacuudiga uusan xiddigiisu dhicin.

Tan iyo intii uu yimid, nolosha guud ee Sucuudigu waxa ay isu beddeshay mid wanaagsan, iyada oo ragga iyo dumarka loo oggolaaday in ay si xor ah isku dhex galaan, waxaana dib loo furay shineemooyinka, oo ay weheliyaan xaflado waaweyn oo isboorti iyo madadaalo, xitaa riwaayado ay sameeyeen fanaaniinta reer galbeedka sida David Guetta iyo Black Eyed Peas.

Laakiin halkan waxaa ka jira waxyaabo iska hor-imaanaya. In kasta oo nolosha guud ee Sucuudigu ay kor u kacday, haddana waxa si isku mid ah u dhacay olole lagu baacsanayo wax kasta oo xataa si maldahan uga hadla xorriyad siyaasadeed ama diineed.

Xabsi adag oo ah 10 sano ama ka badan ayaa lagu riday farriimo fudud oo Twitter-ka uu qof ku qoray.