"Anigoo jeeb maran oo gabadhii aan jeclaana ay ii doonantahay ayuu nasiibka i caawiyay''

Ilaa 33 qof ayaa guur-wadareed loogu sameeyay Mandheera

Xigashada Sawirka, LAFAGARI

Qoraalka sawirka, Ilaa 33 qof ayaa guur-wadareed loogu sameeyay Mandheera

Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari kenya waxaa ka dhacay guur-wadareed, la isugu oroosiyay dad gaaraya ilaa 33 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho u badan dadka baahiyaha gaarka qaba iyo kuwa aan awoodin in ay iska bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya ree dhisidda.

Howshaan waxaa ku caawiyay dhalinyaradaan Xildhibaan Xuseen Waytaan oo laga soo doorto bariga magaalada Mandheera.

Kooxda guur-wadareedka loo sameeyay oo dhalinyaro u badan ayaa soo dhaweyay tallaabadaan, iyagoo muujiyay in aad ugu faraxsanyihiin in loo rumeyay riyooyin ay lahaayeen oo daruufo ay ka hortaagnaayeen.

"Alle ayaa mahad leh xildhibaankana waan u mahadcelinayaa, waxaa noo hirgalay howlihii annaga dhibka nagu ahaa," ayuu yiri Cabdinuur Macow oo ka mid dhalinyardii shalay Mandheere qoyska ku yagleelay.

Qoysaskaan Mandheera ku aqal galay ayaa howshoodu ku timid hab codsi ah oo la buuxinayay shuruudo laga rabay dadka guurkan ka qayb galaya.

Cabdinuur Macow oo hadda aroos ku jira ayaa sheegay in uu ka mid noqday dadka guur-wadareedka nasiibka u yeeshay xilli isaga iyo gabadha xaaskiisa ah ay markaa haasaawuhu u marayay meel gabogabo ah, balse tabarta dhaqaale ay ahayd mid aan suura gal uga dhigeen gaaridda yoolkooda ahaa in ay qoys noqdaan.

"Xoogaa tabaryari dhaqaale ayaa i haysay, anoo gabadhu ii doonantahay ayaa xildhibaanku arrintaan shaaciyay,"Cabdinuur Macow hadda bishii malabka bilow u tahay.

"Anigoo jeeb maran oo gabadhii aan jeclaana ay ii doonantahay ayuu nasiibka i caawiyay'' ayuu raaciyay hadalkiisa.

Wuxuu intaa raaciyay in ay hadda fasaxnyihiin isla markaana sugayaan barwaaqo iyo in ay ubad khayr qaba kala helaan.

Cabdinuur Macow ayaa sidoo kale sheegay in maadaama Xildhibaan Xuseen Waytaan uu sabab u yahay guurkiisa uu ugu "magac dari doona haddii curudkoodu wiil uu noqodo,".

Qoysaskaan ayaa sidoo kale laga caawinayaa noloshooda dhaqaalaha ku baxaya lixda bilood ee ugu horreysa guurkooda.

Guur-wadareedkii hore

Dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya bishii Disembar ee sanadkii hore loogu sameeyay ''guur Wadareed'' magaalada Mandhera .

Xigashada Sawirka, LAFAGARI

Qoraalka sawirka, Dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya bishii Disembar ee sanadkii hore loogu sameeyay ''guur Wadareed'' magaalada Mandhera .
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah ayaa mar kaliya bishii Disembar ee sanadkii hore loogu sameeyay ''guur Wadareed'' magaalada Mandhera .

Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada iyo dadka kale ee doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay awoodii dhaqaale sida uu sheegay xiligaas sheegay xildhibaan Xuseen Waytaan.

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid billow ah isla markaana uu ku fulinayo ballan qaad uu sameyay markii uu musharaxa ahaa ee kursiga uu doonayay.

"Arrinta waxaan ballan qaaday markii aan ku jiray ololaha doorashada waxaan u go'aansaday ka dib markii aan arkay dad badan oo niyad jabsan oo aan awoodin in ay guursadaan, hadii qofku uu guursan waayo waxaa suurtagal ah in uu sameeyo waxyaabo badan oo aan munaasab ahyen sida fal danbiyeed iyo anshax xumo kale" ayuu yiri xildhibaan Xuseen Waytaan oo BBC-da u warramay.

Cabdiraxmaan Xasan Soomane oo ka mid ah dadkii qaybta ka ahaa guur-wadareedkii sanadkii hore ee 2023-ka dhacay Mandheera ayaa sheegay in hadda ay yihiin "qoys meel deggan oo lagu soo hirto oo qurux badan".

Faa'iidada ugu weyn ee guurka uu ka helay sanad kadib ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in ay hadda u joogto gabadh, aadna ugu faraxsanyihiin nolosha ay hadda ku jiraan.

"Nolosha reerka waa iska fiicantahay waxaan ahay nin xoogsada,2 ayuu yiri Cabdiraxmaan Xasan Soomane oo BBC-da u warramay.

Xildhibaan Xuseen Waytaan oo isagu qarashaka ka bixinayay qoysaska sida uu sheegay ayaa tilmaamay in markii ay shaaciyeen arrintaan ay soo dalbadeen ku dhawaad laba boqol oo qof (200), qorshuhuna ahaa shan iyo labaatan (25 qof) .

Maadaama tirada dadka soo codsaday ay aad uga badnaayeen intii ku tala galku ahaa ayuu sheegay in hadda ay ka dhigeen soddon iyo saddex (33 qof).

Wuxuu sheegay xildhibaanku in arrintaan ay muujinayso baahida bulshada u baahan in laga taakuleyo guurka, maadaama intooda badan aaney awoodin dhaqaalaha ku baxaya dhisidda qoys.

Shuruudaha qofka lagu xulanayay

Dadka laga soo xushay tirada badan ee soo dalbatay in guurka laga caawiyo ayaa buuxiyay shuruudo saldhig u ahaa hannaanka guur-wadareedkaan.

Xigashada Sawirka, LAFAGARI

Qoraalka sawirka, Dadka laga soo xushay tirada badan ee soo dalbatay in guurka laga caawiyo ayaa buuxiyay shuruudo saldhig u ahaa hannaanka guur-wadareedkaan.

Dadka laga soo xushay tirada badan ee soo dalbatay in guurka laga caawiyo ayaa buuxiyay shuruudo saldhig u ahaa hannaanka guur-wadareedkaan.

Arrintaan oo guddi loo xil saaray ayaa qodobbada qofka laga rabo waxaa ka mid ah, inuusan xaas laheyn

  • Qof xaas leh oo mid labaad raadinaya suurta gal uma aheyn inuu ka qayb galo, haddiise aanu xaas laheyn isala markaana aanu ku dhicin shuruudaha kale, waa waxyaabihii dadka lagu xushay.
  • Arrinta kale oo qofka lagu xulanayay waxaa ka mid ah in aanu ahayn nin gabdhaha ku ciyaara ama soo maray guur oo xaaskiisii furay, haddii ay dadka deriskiisa ahaa caddeyaan inuu dumarka dhibaateeyo isana waa laga saarayay oo kama qayb geleyn.
  • Qofka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ayaa sidoo kale laga saarayay liiska ka qayb galka guur-wadareedka.
  • Sidoo kale haddii qofka yahay qof awood u leh inuu guursado oo isku filan dhaqaale ahaan iyo awood ahaan isana fursad uma heleyn inuu buuxiyo shuruudaha laga doonayay dadka guur-wadareedka loo sameynayo