Madaxa howlgalka musaafurinta oo laga saarayo Minneapolis

    • Author, Ana Faguy
    • Role, in Minneapolis

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda socdaalka ee Maraykanka ayaa la filayaa inuu ka baxo magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, arrintan oo laga yaabo inay wax ka beddesho Aqalka Cad, ka dib markii toddobaadkii hore ay saraakiisha federaalku toogasho ku dileen muwaadin labaad oo Maraykan ah.

Iyadoo Taliyaha Ilaalada Xudduudaha Gregory Bovino iyo qaar ka mid ah wakiillada socdaalka ay baxayaan, sarkaalka dhanka xadka Tom Homan wuxuu bilaabi doonaa inuu hoggaamiyo dadaallada dhulka ee magaalada Minnesota ka dib markii toogashadii Alex Pretti ee Sabtidii ay sii kordhisay xiisadda.

Go'aanka Madaxweyne Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu muujiyo xiisaha maamulka ee ah inuu dib ugu laabto tallaabo federaali ah oo gardarro badan oo ka dhan ah socdaalka ee waddanka oo dhan.

Inkastoo lagu dhawaaqay arrintan, haddana dabagalka dhanka online-ka ee beegsiga muhaajiriinta ayaa muujinaya in dadaalka maamulka uu wali sii socdo.

Bovino wuxuu ahaa wejiga hawlgalka markii Pretti—oo ahaa kalkaaliye haystay kamarad lagu arkay isagoo sawiraya saraakiisha—uuna la galay iska horimaad sababay in dhowr jeer lagu toogto waddo ku taal Minneapolis. Taliyaha ilaalada xudduudaha ayaa sii huriyay xaaladda ka dib toogashada, isagoo ku sheegay in Pretti uu damacsanaa inuu "xasuuqo" saraakiisha federaalka.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay u toogteen ninkaasi iyagoo is difaacaya ka dib markii Pretti, oo ay sheegeen inuu bastoolad haystay, uu ka horyimid isku dayo hubka looga dhigayay maalintii Sabtida. Marqaatiyaal, mas'uuliyiin maxalli ah iyo qoyska dhibbanaha ayaa su'aal geliyay sheegashadaas, iyagoo xusay in Pretti uu gacanta ku hayay taleefan, ee uusan wadan hub. Dhanka kale, waalidkiis ayaa ku eedeeyay maamulka inay fafinayaan "been laga yaqyaqsado" oo ku saabsan wixii dhacay.

Toogashada ka hor, Bovino wuxuu hormuud u ahaa habka adag ee maamulka Trump ee fulinta socdaalka ee dhowr magaalo, isagoo si firfircoon arrintaas uga hadli jiray baraha bulshada, si joogto ahna u duubi jiray weerarrada isagoo soo dhigi jiray muuqaallo xayeysiin ah oo muujinaya ficillada saraakiishiisa.

Homan ayaa u ololeeya fulinta adag ee socdaalka ee Trump. Laakiin sidoo kale khibrad ayuu u leeyahay doorkan—Homan wuxuu ka soo shaqeeyay socdaalka iyo mastaafurinta intii uu jiray maamulkii dimuqraaddiga ahaa ee Barack Obama.

Gudaha Minneapolis maalintii Isniinta, xiisadda iyo niyad-jabka ka dhashay joogitaanka saraakiisha federaalka ayaa ahaa mid aad u sarreeya, in kasta oo ay soo baxday warka sheegaya in Bovino iyo qaar ka mid ah saraakiisha ay baxayaan. "Dad badan ayaan awoodin inay shaqeeyaan hadda, ma awoodaan inay guryahooda ka baxaan, way baqayaan," ayuu yiri George Cordero oo deggan St Paul, oo ah magaalada mataanaha la ah Minneapolis.

Pretti wuxuu ahaa qofkii labaad ee deggan Minneapolis oo ay dileen saraakiisha socdaalka federaalka tan iyo markii ay gobolka soo galeen; Renee Nicole Good, waxaa dilay sarkaalka Ilaalada Socdaalka iyo Kastamka (ICE) 7-dii Janaayo. Carada badan ee magaalada iyo tan siyaasiyiinta labada dhinacba waxay ku wajahneyd Bovino iyo saraakiisha ilaalada xudduudaha ee loo soo diray Minneapolis oo ay weheliyaan saraakiisha ICE sida uu amray Trump. Isku darka, waxaa magaalada jooga in ka badan 3,000 oo saraakiisha socdaalka ah.

Wararka qaar ee warbaahinta Isniintii ayaa soo jeediyay in Bovino laga qaaday xilkiisii, laakiin afhayeenka Amniga Gudaha Tricia McLaughlin ayaa taas gaashaanka u daruurtay, iyadoo tiri madaxa ilaalada xudduudaha "waa qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxda Madaxweynaha iyo qof Mareykan ah oo weyn".

Carol Engelheart, oo ah kalkaaliso hawlgab ah oo u dhalatay Minneapolis, ayaa sheegtay inay dareen aad u xooggan ka qabto dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay. "Waxaan u baahannahay inaan daneyno dalkan, waxaan u baahannahay inaan hubinno inaan weli leennahay dastuur, haddii dadku is abaabulaan oo ay istaagaanna, tan waan ka guulaysan karnaa," ayay tiri, iyadoo dhaleeceynaysa ficillada saraakiisha socdaalka ee magaalada.

Dhanka kale, duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa sheegay inuu wadahadal wanaagsan la yeeshay Madaxweyne Trump, wuxuuna ka codsaday inuu soo afjaro howlgalka socda ee ay wadaan wakiillada federaalka ee ka dhanka ah soogalootiga sharci darrada ah - taasoo keentay xarig ballaaran oo dadka lagula kacay iyo dilka labo qof oo rayid ah.

Mr Trump qudhiisa ayaa bogaadiyay wada hadalka waxa uuna sheegay in horumar laga gaaray. Waxaa si weyn loo soo tebiyay in madaxii howlgalka ballaaran ee musaafurinta, Gregory Bovino, laga soo saari doono Minneapolis.

Waxaa sii kordhaya isu soo baxyada lagu xusayo Alex Pretti oo wakiillada federaalku ay toogteen Sabtidii, iyadoo dadky ay weli ku sugan yihiin goobta uu dilku ka dhacay. Weriyaha BBC-da ayaa sheegaya in goobta ay haatan noqotay meel lagu muujiyo murugada magaalada.