Abiy Axmed: "Ha ogaado cadawgeenna in aynaan ka jiifan doonin ilaalinta danaha Itoobiya"

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay Ciidamada Cirka inay is diyaariyaan, maadaama ay istaraatijiyada iyo danaha Qaranka Itoobiya ay tahay shaqada ugu weyn ee hortaala.

90 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka cirka ee dalka itoobiya ayaa dhawaan si wayn loo xusay.

Munaasabadda waxaa ka mid ahaa bandhiga hawada 'Black Lions Sky' ee Bishops Stortford.

Bandhiga ayaa waxaa ka qeyb galay diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in ciidamada cirka Itoobiya aysan ilaalin doonin hawada oo kaliya balse ay noqon doonaan 'urur guulaysta oo ay ka mid yihiin baahiyaheena'.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay waajib ku tahay ilaalinta danta qaranka iyo sidoo kale rabitaanka iyo iskaashiga saaxiibada Itoobiya.

Wuxuuna xusay in ciidamada cirka ee Itoobiya ay muujiyeen dadaal badan kaasoo ah 'dhaxalka shaqada qaranka si ay u ilaaliyaan madax banaanida Itoobiya 90-kii sano ee lasoo dhaafay'.

Wuxuu ku amaanay sida ay u bahdishay ciidamo badan oo isku dayay inay weerar ku qaadaan Itoobiya.

"Sida geesiyaashii shalay, waa inaan u istaagnaa si ka g'naansho leh, oo aan ka shaqeynaa sidii aan rajada dalkeena u noqon lahayn," ayuu yiri.

Sida uu sheegay RW Abiy Axmed, Ciidanka Cirka ee Itoobiya ayaa wali horumaraya geesiyaal aanay taariikhdu ilaawi doonin.

Waxa uu sheegay in diiradda la saarayo kaliya in aan la xoojin diyaaradaha dagaalka iyo tignoolajiyada balse sidoo kale la xoojiyo ciidamada la socda si geesiyaashan looga dhigo rajada Afrika ee ka baxsan Itoobiya.

"Marka ay awooddeenu noqoto mid bisil, diyaaradaheennu waxa ay isu beddeli doonaan diyaarado dagaal oo khatar ah. "Tignoolajiyada kaliya ma noqon karto cudud ciidan" ayuu yiri.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in Itoobiya ay kor u kacday 9.2% sanadkii hore.

Sannadkan, wuxuu sheegay in sare u kacaas uu noqon doono ugu yaraan 10.3%.

Waxa uu tilmaamay in kobaca dhaqaale kaliya uusan qiimo lahayn haddii aysan ilaalin ciidan xooggan.

"Sidaas darteed, Itoobiya waxay u baahan tahay inay si siman ugu hormarto dhaqaale xooggan oo ciidan, diblomaasiyad, siyaasad iyo kuwa kale, haddii ay taasi dhacdo, waxaan u gudbin doonnaa Itoobiya ixtiraam leh jiilka soo socda".

Cadawga Itoobiya si wanaagsan uma garanayaan Itoobiya"

"Caalamku waxa uu marag madoon u yahay in Itoobiya ay horumar dhan walba ah ka samaynayso. Laakiin cadawgeennu ma ay fahmin taas" ayuu yiri.

"Itoobiya waxay albaabada u furaysaa inay koraan saaxiibadeeda, waxay ku sii dhawaanaysaa cadawga".

Waxa uu sheegay in cadaw badan oo dalku leeyahay ay isku dayeen in ay hor istaagaan oo ay wadaagaan fursadaha ku jira danaha Itoobiya.

Ra'iisal wasaaraha toos uma carrabaabin dalka cadawga ku ah ah Itoobiya.

Laakiin Eritrea iyo Itoobiya xiriir wanaagsan ma yeelan tan iyo markii Itoobiya ay xoojisay arrinkeeda khatarta badda. Masar ayaa iyadana waxaa Itoobiya kala dhaxeeyey muran ku saabsan biyo xirenka GERD.

Arinta biyo xireenka Niil iyo Masar ayaa dhawaan soo shaac baxay kadib markii la shaaciyay in Maraykanku doonayo in qaab odaynimo lagu xaliyo.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa khudbadiisa ku yiri "Cadowgeena si fiican uma yaqaanno Itoobiya, Itoobiya waa dal soo koraya, waa dal astaan u noqon doona soo kabashada Afrikaanka" ayuu yiri.

Waxa uu ka digay in xulasho kasta oo aan ahayn in dal sidan oo kale ah lala heshiiyo oo la wada kobco ay xumaan u horseedi doonto.

Waxa uu sheegay in dalal uu ku tilmaamay 'halkii ay shalay taagnaayeen' ay ku adkaatay inay fahmaan waxa maanta ku dhacay hubka tignoolajiyada.

"Wadamada u halgamaya sidii ay horay ugu socon lahaayeen, marka la soo hadal qaado tignoolajiyada militariga, waxaad ka tagi doontaa inaad la yaabto waxa ay yihiin kuwan waxaanan kuu sheegi karnaa in Itoobiya aysan ahayn dal taagan halkii uu shalay taagnaa" ayuu yiri.

"Itoobiya ma rabto cid hantideeda, mana siiso wax ay iyadu leedahay" ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin caqabad o iyo xanibaado hor istaagi kara horumarka Itoobiya in ay dardar geliso mooyaane.

Itoobiya ayaa bandhigga ku soo bandhigtay diyaarado isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus.

Ciidamada cirka ayaa sidoo kale ku qalabaysan diyaarado militari oo kaliya balse waxaa sidoo kale lagu qalabeeyay tiro farsamooyin ah oo ay kaga difaacayaan Itoobiya weerarada dhanka cirka ah.