You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay Uganda uga dhigan tahay guusha muddo xileedka todobaad ee Yoweri Museveni
Hogaamintisa afartan jirsatay ayaa taageerayaasha Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo guusha ballaaran ee doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaas waxay u arkaan caddeyn muujinaysa inuu u qalmo xilka,
Tirada codadka uu ku guuleystay ayaa gaaraya 72% codadka, taas oo ku dhow codkii uu helay doorashadii ugu horreysay ee si toos ah loo doorto madaxweyne sanadkii 1996 oo ahayd 74%.
Tani waxay xoojinaysaa sheegashada hoggaamiyaha 81-jir ah ee ah inuu weli taageero ballaaran ka haysto inta badan shacabka Uganda, tan iyo markii uu talada qabsaday isagoo hoggaamiye jabhadeed ahaa sanadkii 1986, isla markaana soo afjaray xukunkii Milton Obote.
Hase yeeshee, musharraxa ugu weyn ee mucaaradka, fannaan hore Bobi Wine, ayaa diiday natiijooyinka doorashada, isagoo ku tilmaamay "been abuur," waxa uuna sheegay inuu is qarinayo kadib markii gurigiisa ay weerareen ciidamada ammaanka Uganda.
Museveni waxa uu ololihiisa inta badan ku saleeyay waxqabadka xukuumaddiisa, isagoo sheegay inuu dalka u horseeday xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale xilli caalamku wajahayo hubanti la'aan dhaqaale. Waxa uu ballanqaaday inuu Uganda gaarsiin doono dadka dakhligoodu dhexdhexaadka yahay sanadka 2030. Himilladaas ayay ay taageerayaashiisu u arkaan inuu dhammeystiri karo muddo xilleedkiisaan toddobaad.
Warshadda saliidda ee curdinka ah ayuu Museveni u arkaa tiir muhiim ah oo uu ku gaari karo yoolkaas. Bisha Oktoober ayey ku beegan tahay waqtigii loo qorsheeyey in la bilaabo dhoofinta saliidda ceeriin, iyadoo la isticmaalayo dhuun dhererkeedu yahay 1,443 kiiloomitir oo ku xirmaysa dekedda Tanga ee Badweynta Hindiya, Tanzania.
Inkasta oo da'diisu sii weynaanayso, madaxweynuhu haddana waxa uu isku dayey inuu muujiyo awood iyo koontarool. Mid ka mid ah khudbadihii ugu dambeeyay ee ololihiisana waxa uu taageerayaasha u sheegay inuu booqday in ka badan 140 deegaan doorasho oo Uganda ah.
Si kastaba, horraantii Oktoobar, ololihiisu waxa uu dib u dhigay dhowr isu-soo-bax, isagoo ku sababeeyay in dowladdu ilaalineesay shacabka "mas'uuliyad dowladeed", inkasta oo aan faahfaahin laga bixin, dadka fallanqeeyse waxa ay shaki galiyeen caafimaadkiisa, maadaama uu da'du ka dabo timid.
Isbeddelo oo lagu sameeyey jadwalkiisa khudbadaha ayaa sii xoojiyay wararka ku saabsan caafimaad darrada haysana Museveni. Isaga oo intii ololaha socday aad u sharaxayey sida dhaqaalana dalka isku beddeli doono marka la bilaabo dhoofinta saliidda.
Dhanka Bobi Wine, natiijadu waxa uu ku tilmaamay dhabar jab wayn, isaga oo ka hoos maray codadkii uu doorashadii hore helay. inkasta oo uu taageero xooggan ka haysto dhalinyarada, kuwaas oo muddo dheer loo arkayay saldhigga ugu weyn ee ololaha Wine oo 43 jir ah.
Aragtida Wine, doorashadu ma ahayn mid lagu kalsoonaan karo ama sharci ah. Waxa uu ku adkeysanayaa in ololuhu uusan ahayn mid xor iyo caddaalad ah, isagoo xusay dhacdooyin ay ciidamada amnigu si joogto ah u carqaladeeyeen isu-soo-baxyadiisa, markaas oo ay kala eryeen taageerayaashiisa gaaska ilmada, waqtiyada qaarna ay ku cabsi geliyeen hub, iyada oo ku dhinteen qaar kamid ah taageerashiisa.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay in sanduuqyada codbixinta lagu shubay codad ka hor inta aan codbixintu bilaaban, inkasta oo uusan soo bandhigin caddeyn arrintaas lagu xaqiijin karo. Mas'uuliyiintuna wax war ah kama aysan soo saarin eedeymahaas.
Waxaa sidoo kale horyaalla halista ah inuu noqon karo sida hoggaamiyeyaal mucaarad oo kale oo Afrikaan ah siyaasiyiin sumcaddooda lagu wiiqay cadaadisyo isdaba joog ah, lagana hor istaagay inay waligood talada gaaraan.
Intii ololaha lagu jiray, Wine waxa uu astaan u noqday firfircoonida iyo fudeedka ay qabaan dhalinyarada Uganda, halka Museveni uu muujiyay nin khibrad leh oo ah aabaha qaranka
Ugu dambayn, sida ku cad natiijooyinka rasmiga ah ee muranka dhaliyay, codbixiyayaashu waxay doorteen hoggaamiyihii hore.
Kuwa doonaya inay fahmaan cutubka xiga ee Uganda waxay si isa soo taraysa diiradda u saarayaan arrinta kala wareejinta talada goorta iyo sida uu Museveni ugu dambayn xilka uga degi doono.
Suxufi iyo falanqeeye siyaasadeed oo reer Uganda ah, Allan Kasujja oo horey uga tirsanaa BBC ayaa ka digay in si xad-dhaaf ah diiradda loogu saaro arrintaas.
Marka arrintaas sidaas loo eego, doorashadu waxay u muuqataa inay tahay marxalad gaaban oo isbeddel ah marka loo eego jadwalka siyaasadeed ee caadiga ah, taasoo sharxaysa isbeddellada qoto dheer ee tartiib-tartiibka ah ee ka socda xisbiga talada haya ee National Resistance Movement (NRM) iyo hay'adaha dowladda ee uu maamulo.
Isbeddelkan waxaa markii ugu horreysay la dareemay intii lagu jiray isku shaandheyntii golaha wasiirrada ee Museveni bishii Maarso 2023, wuxuuna si cad u muuqday doorashadii Agoosto 2025 ee guddiga ugu sarreeya go'aan-qaadashada NRM Guddiga Fulinta Dhexe (Central Executive Committee).
Doorashadaas, oo ay hareeyeen xiisado gudaha xisbiga ah iyo eedeymo la xiriira laaluush, waxay muujisay xukun sii jeedsanaya siyaasadda dhaxalka qoyska, halkii uu si dhab ah ula tartami lahaa mucaarad ama uu ku imaan lahaa doorasho xor ah iyadoo mucaaradkuna uu la kulmayo cadaadis amni ama xaddidaad siyaasadeed.