You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xisbiga Dimoqaraadiga Maraykanka ma joojin karaa amarrada Trump ee saamaynaya Minnesota
Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa sii kordhaya banaanbaxyda looga soo horjeedo ciidamda ICE ee loo diray gobolkaasi. Maamulka gobolka, kan magaalada iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay oo amray in ciidanka laga saaro magaalada.
Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa sheegay in Maraykanku marayo "meel isbeddel qaraar ah oo u baahan go'aan",waxa uuna mar kale ku baaqay in Madaxweyne Donald Trump uu ka saaro magaalada askarta federaalka ee ka socda hay'adda socdaalka.
Dhawr qof ayaa illaa iyo hadda ku dhintay hawl-galladaan oo ay dowladdu ugu yeertay in lagu qab-qabanayo muhaajiriinta aan sharciga haysan, balse dhibaatada hawlgalka waxa uu u saameeyey muwdaadiniinta u dhashay dalkaasi iyo kuwa sharciga ku joogo oo u dambeeyey toogashadii ciidamadu u geestayn Alex Pretti. oo kaaliye cafimaad oo 37 jir ah.
Xoghayaha arrimaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa sheegtay in Pretti la toogtay Sabtidii sabab la xiriirtay inuu wata qori, balse maamulka gobolka waxa uu beeniyey, iyagoo sheegay in qorigu ahaamid sharciyeysan oo diiwaangashanaa, kuma uusan dagaalameyn ee waxa ay tilmaameen in Pretti la toogtay marka laga qaaday qoriga .
Trump ayaa tilmaamay in laga saari doono ciidanka gobolka gaar ahaana magaalada Minneapolis, halkaas oo ah magaalada ugu badan ee sameeynta xun ka dhacdo, balse Trump ma uu sheegin waqtiga.
"Mar uun waan ka bixin doonnaa. Annagu shaqo fiican ayaan qabannay, iyaguna shaqo aad u wanaagsan ayay qabteen," ayuu ku sheegay Trump wareysi uu siiyey wargeyska Wall Street Journal, kaas oo Axaddii la daabacay.
Pege Miller, oo 69 jir ah deganna magaalada Minneapolis oo ka mid ahayd dadkii Axaddii isugu soo baxay si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan hawl-galka ICE ayaa BBC-da u sheegtay in aysan fahamsaneyn waxa dhacaya.
"Waan ka daalay banaabaxa, "Ma fahmi karno sida ay tani u dhacday. Maxaa keenaya inaan oggolaano inay sidan u dhacdo?" ayey tiri Pege Mille.
Banaanbaxayaasha ayaa hal kudhig la dhigtay "mardambe ICE masii joogi doonaan "Kani ma aha Maraykankii aan u dagaallamay," ayuu yiri nin BBC la hadlay oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Dibadbaxyadu waxay ku fideen magaalooyin kale oo Maraykanka ah, oo ay ku jiraan New York, Chicago, Los Angeles iyo San Francisco.
Dhanka kale, Maamulayaasha sare ee in ka badan 60 shirkadood oo fadhigoodu yahay Minnesota oo ay ka mid yihiin 3M, Best Buy iyo Target, ayaa saxiixay warqad furan oo ku baaqaysa "in si degdeg ah loo dejiyo xiisadaha," isla markaana mas'uuliyiinta gobolka iyo kuwa federaalka ay "si wadajir ah uga shaqeeyaan xalka dhabta ah."
Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O'Hara, ayaa BBC u sheegay in saraakiisha gobolka ay ciidamda ICE ay u diideyn inay galaan goobta lagu toogtay Pretti, inkastoo ay haysteen amar baaritaan.
Waxa uu intaas ku daray in dhammaan heerarka hay'adaha fulinta sharciga ee Minnesota ay la shaqeyn jireen kuwa federaalka "sanado badan," balse xaaladda hadda taagan ay caqabad ku tahay sii wadidda baaritaannada noocaas ah.
Tim Walz ayaa yiri "Aniga ima khusayso haddii aad tahay muxaafid oo aad lulayso Donald Trump, ama hadaad tahay libertarian 'ha igu tuman'".
"Haddii aynaan wada aqbali karin in muwaadin Maraykan ah la sumcad dilo, lana aflagaadeeyo wax kasta oo uu matalayay, lana nagu yiraahdo ha rumaysan waxa aan indhaheena ku aragnay, ma garanayo waxa kale oo aan idin iraahdo."
Falcelinta ka dhanka ah adkeynta maamulka Trump ayaa sii kordheysa, xitaa gudaha xisbiga Jamhuuriga. Guddoomiyaha Oklahoma, Kevin Stitt, ayaa CNN u sheegay in dadku ay telefishinka ka daawanayaan muwaadiniin Maraykan ah oo la tooganayo, isla markaana "tallaabooyinka federaalka iyo isla xisaabtanka" ay noqdeen arrin ay cod-bixiyayaashu ka walwalaan.
Senator Bill Cassidy oo ka tirsan Louisiana ayaa sheegay in toogashada Minneapolis ay tahay "mid walaac badan abuureysa," isla markaana "kalsoonida ICE iyo DHS ay halis ku jirto."
Dimuqraadiyiinta ayaa ku jawaabay iyagoo ku hanjabay inay hor istaagi doonaan, dhaqaalaha iyo kharashaadka loo qoondeeyey in ay ku shaqeeyaan hay'adaha Amniga Gudaha oo ay ICE ka mid tahay, taas oo kordhin karta suurtagalnimada in mar kale shaqooyinka dowladda ay hakat galaan.
Madaxweynayaashii hore ee Dimuqraadiga, Bill Clinton iyo Barack Obama, ayaa labaduba dhaleeceeyay xaaladda Minneapolis, iyadoo Clinton uu ku tilmaamay dhacdooyinka "muuqaallo argagax leh" oo uu yiri "waligey ma aanan malayn inay ka dhici doonaan Maraykanka."
Sidoo kale, Madaxweyneyaashii hore ee dimoqaraadiyiinta ahaa Bill Clinton and Barack Obama ayaa dhaleeceeyey arrintaan iyaga ku tilmaamay waxa Minnesota ka socda ay yihiin waxa aan loo dulqaadan karin.
Dhanka kale, Trump ayaa qoraal ku daabacay Truth Social isagoo "ka dalbaday in Tim Walz iyo Duqa Minneapolis Jacob Frey, iyo sidoo kale dhammaan hogaamiyeyaasha Dimuqraadiga ee Maraykanka in si rasmi ah ula shaqeeyaan Maamulka Trump si loo fuliyo shuruucda qaranka, halkii ay iska caabin lahaayeen una hurin lahaayeen kala qaybsanaan, fowdo iyo rabshado."
Waxa sidoo kale ugu baaqay Kongareeska Maraykanka in la soo afjaro magaalooyinka loo yaqaan sanctuary cities, isagoo ku eedeeyay inay sabab u yihiin "dhammaan dhibaatooyinkan."
Ereyga sanctuary city waxaa badanaa loo adeegsadaa magaalooyin ama deegaano Maraykanka ku yaal oo xaddida kaalmadooda ay siiyaan hay'adaha federaalka ee socdaalka.
Qoraallada Trump ayaa yimid kadib hadallo ay jeedisay Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo ku cambaareysay Walz inuu doonayo fowdo ka abuuranta hawl-galka, isla markaana ku dhiirrigelinayso "dadka kasoo horjeeda inay daba galaan oo duubaan saraakiisha federaalka inta ay ku guda jiraan hawlgallada ay ugu yeertay kuwa shacriga ah."