You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Alex Pretti: Kumuu ahaa ninkii lagu toogtay Minneapolis?
Faahfaahinta kasoo baxaysa ninka lagu toogtay magaalada Minneapolis ayaa muujinaysa sawirka qof aad u daneeya dadka kale iyo deegaankaba.
Xubnaha qoyskiisa ayaa ka warqabay in Alex Pretti uu haystay qori sharci ah, balse marnaba kuma ay aqoon inuu qaato ama ku dhex qaatay dadka dhexdooda.
Ninkan 37-jirka ahaa oo kalkaaliye caafimaad oo qaybta xaaladaha degdegga (ICU) uga shaqeynayay hay'adda Veterans Administration, ayaa ku biiray dibadbaxyo ka dhashay dilkii Renee Good ay u geysteen saraakiil ka tirsan laanta socdaalka federaalka magaaladaas horraantii bishan.
"Aad buu u daneyn jiray dadka, aadna wuu uga xumaa waxyaabaha ka dhacayay Minneapolis iyo guud ahaan Maraykanka ee ay wadeen laanta ICE, sidii ay malaayiin dad kale ahba uga xun yihiin," ayuu aabbihii, Michael Pretti, u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.
"Wuxuu dareensanaa in dibadbaxu uu yahay hab uu ku muujin karo, waad ogtahay, daryeelka uu u hayo dadka kale."
Hooyadiis, Susan Pretti, ayaa sheegtay in wiilkeedu uu si weyn uga walaacsanaa jihada uu dalku u socdo, gaar ahaan go'aamadii maamulkii Trump ee lagu daciifiyay xeerarka deegaanka.
"Wuxuu nebaa in dadku ay dalkooda wasakheeyaan," ayay tiri. "Wuxuu ahaa nin jecel bannaanka... dalkaan wuu jeclaa, laakiin wuxuu nebaa waxa ay dadku ku samaynayaan."
Alex aabbihii ayaa sheegay in wiilkiisa uu lasoo hadlay isaga iyo hooyadii "qiyaastii labo toddobaad ka hor", uuna u sheegay inuu og yahay inuusan samayn "wax kasta oo doqonnimo ah" inta ay dibadbaxyadu socdaan.
In kasta oo uu qori haystay, CBS News oo Mareykanka la-howlgale kala ah BBC-da, ayaa xustay in saraakiisha ilaalada xudduudaha ee Mareykanka aysan cayimin inuu qorigaas soo saaray iyo in kale, sidoo kalena aan qoriga lagu arkayn muuqaallada dadkii goobta joogay ay ka duubeen toogashada ee ay heshay warbaahintu.
Xoogaa kahor toogashada
Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka waddada Nicollet Avenue iyo 26th Street ee koonfurta Minneapolis abbaare 09:000 xilliga maxalliga ah.
Greg Bovino, Taliyaha Ilaalada Xudduudaha, ayaa sheegay in wakiilladu ay wadeen hawlgal "la beegsaday" oo lagu fulinayay socdaalka markii ninku uu u dhawaaday wakiillada isagoo wata bastoolad.
Wakiilladu waxay isku dayeen inay hubka ka dhigaan, ayuu yiri Bovino, laakiin "si xoog ayuu isaga caabbiyay" kadibna wakiilka Ilaalada Xudduudaha ayaa "riday rasaas is difaac ah".
Muuqaallo laga soo qaaday daqiiqado ka hor toogashada ayaa muujinaya Pretti oo duubaya wakiillada isaga oo taleefoonkiisa ku heysta bartamaha waddada. Foori iyo qeylo ayaa laga maqlayaa dadka meesha ka ag dhawaa.