You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Wiilka Museveni, ahna taliyaha ciidanka Uganda oo su'aal galiyey joogitaanka ciidankooda ee Soomaaliya

Go'aankan ayuu Mohoozi Kainerugaba hore uga hadlay bishii July ee sannadkii hore inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Trump ayaa wakiil gaar ah u dirsaday Minnesota

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Minnesota u diraya Tom Homan oo ah wakiil isaga gaar u ah kaddib markii ciidamada federalka ay toogteen Alex Pretti.

    Homan waa “qof adag balse caadi ah, si toos ah ayuuna iigu soo warinayaa” ayuu ku qortay Trump bartiisa bulsho.

    “Goobtaas kuma uusan lug laheyn balse wuu yaqaan, dad badan oo halkaas joogana way jecel yihiin”.

    Homan waa 64 jir, shaqadana ka soo bilaabay booliska ka hor inta uusan ku biirin ciidamada ilaalada xuduudaha.

    Madaxweynihii hore Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 2013-kii u magacaabay madaxda laanta masaafurinta ee hay’adda socdaalka.

    Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa u magacaabay ku-simaha hay’ada socdaalka iyo kastamka.

    Dhawaan markii lagu dilay Ranee Good Minneapolis, Homan wuxuu CBS u sheegay in uusan dooneyn in uu ka hordhaco xaqiiqooyinka balse wuxuu ammaanay ciidamada ICE, wuxuuna sheegay sida qof kasta oo Mareykanka, waxay saraakiisheeana xaq u leeyihiin in ay is difaacaan.

  2. Ruushka ayaa ka digay hadii Iran la weerao in Bariga Dhexe uu galayo xasillooni-darro

    Ruushka ayaa ka digay hadii Iran la weeraro in ay “xasillooni-darro ka abuureyso Bariga dhexe”, wuxuuna ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay is-xakameeyaan.

    “Shaki kuma jiro in tallaabadan ay noqoneyso mid kale oo loo qaaday dhinaca khalkhal gelinta xaalada gobolka”, ayuu yiri Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Kremlin-ka.

    Wakaaladda wararka Ruushka TASS oo soo xiganeysa Mr. Peskov ayaa sheegtay in “Ruushka uu sii wadayo dadaaladiisa uu hoos ugu dhigayo xiisadaha”.

    Wasiirka arrimaha dibadda, Sergei Lavrov, ayaa xaqiijiyay tododbaadkii la soo dhaafay in uu dhexdhexaadiyay fariimo ay is weydaarsadeen Iran iyo Israel sanadkii hore.

  3. Markabka dagaalka Mareykanka ee Abraham Lincoln ayaa gaaray Bariga Dhexe.

    Sarkaal Maraykan ah ayaa u xaqiijiyay telefishinka CBS in Markabka diyaaradaha dagaalka xambaaro ee Abraham Lincoln uu gaaray aagga Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.

    Sida warbixinta lagu sheegay, markabka weli si buuxda “meeshii loogu talagalay” uma istaagin, taas oo micnaheedu yahay in uusan weli gaarin goobtii ugu dambaysay ee loo qorsheeyay.

    Qiyaastii laba toddobaad ka hor, kaddib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Mareykanka taas oo ka dhalatay mudaharaadyadao Iran ayaa keentay in Markabka uu ka dhaqaaqo gobolka baasifiga ee uu aado Bariga Bariga Dhexe.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in Markab weyn uu ku sii jeedo dhanka dalka Iran, balse uu rajaynayo in aan loo baahneyn in la adeegsado.

  4. Wiilka Museveni, ahna taliyaha ciidanka Uganda oo su'aal galiyey joogitaanka ciidankooda ee Soomaaliya

    Wiilka u dhalay Madaxweynaha Uganda, ahna taliyaha ciidanka difaaca ee Uganda Muhoozi Kainerugaba ayaa su'aal galiyey joogitaanka ciidankiisa ee Soomaliya.

    Bartiisa X ayuu ku soo qoray goor dhoweyd in ay damacsan yihiin inay ciidankooda la baxaan.

    "19 sano oo aan joognay Soomaaliya ka dib, waxaan damacsannahay in gabi ahaanba aan dalkaas ka baxno mar dhow” ayuu yiri, isagoon sheegin sababta.

    Ma aha markii ugu horreysay ee Muhoozi u ka hadlo ka bixitaanka ciidankooda ee Soomaaliya.

    Wuxuu sannadkii hore sidoo kale barta X ku sheegay inay ka bixi doonaan Soomaaliya.

    Uganda waxaa soomaaliya ka jooga ciidanka ugu badan ee nabad ilaalinta Midowga Afrika, waxaana go’aanka ugu dambeeya inta badan qaata madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

  5. Trump ayaa loogu baaqay in baaris buuxda lagu sameeyo toogashada Alex Pretti

    Madaxweyne Donald Trump ayaa laga dalbaday in baaris buuxda lagu sameeyo toogashadii Alex Pretti kaas oo ay toogteen ciidamada federalka ee loo yaqaan ICE.

    Geerida Preetti ayaa ku soo aaday wax ka yar saddex toddobaad kaddib markii Renee Good ay ku dileen ciidamada waaxda socaalka Minneapolis.

    Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa ku celiyay dalabkiisa maamulka Trump in ay ka saaraan ciidamada faderalka gobolka isagoo sheegay in Mareykanka uu joogo “halkii ugu dambeysay”.

    Wargeyska Wall Street Journal oo Axadii wareysi la yeeshay madaxweyne Trump ayuu ku sheegay in maamulkiisa uu “dib u eegis ku sameynayo waxkasta” iyo sidoo kale in ugu dambeyn uu ciidamada xuduudaha iyo kastamka ee ICE uu ka saarayo magaalada. Madaxweynaha ma bixin waqti cayiman uu arrintan sameynayo.

    Madaxda fedealka iyo gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay daqiiqadihii ugu horeeyay geerida Pretti.

    Maamulka Trump ayaa difaacay sarkaalka toogtay Pretti iyadoo xoghayaha ammaanka, Kristi Noem, ay sheegtay in Pretti loo toogtay maadama uu “haystay” bistoolad.

    Madaxda gobolka ayaa beeniyay arrintan iyagoo sheegay in bistoolada ay aheyd sharci, waxaana Pretti la toogtay markii laga qaaday bistooladda.

    Dibadbaxayaal ayaa u soo baxay wadooyinka Minneapolis iyo qeybho kale oo kale oo Mareykanka ah kaddib toogashadii dhimashada keentay.

  6. Iran ayaa sheegtay in gardarro kasta ay ka bixinayaan jawaab laga qoomameeyo

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa kaga hadlay warsaxaafadeedkiisa toddobaadlaha ahaa joogista gobolka ay joogaan militeriga Mareykanka taas oo sii krodheysa.

    “Iran way ku kalsoon tahay awoodaheeda, waxayna xusuusan tahay khibaradeedii bishii June, waxayna bixin doontaa jawaab ka xoogan tii hore oo ay ka qoomameeyaan cid kasta oo ku soo gardarooto”

    Mr. Baqaei ayaa tusaale u soo qaatay dagalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Iran iyo Israel.

    Wuxuu kaloo sheegay in Iran ay wajaheysay bilihii u dambeeyay “khataro cusub” oo kaga imaanayay Mareykanka iyo Israel, wuxuu sheegay “in wadamada gobolka ay si wanaagsan ula socdaan in khatarta ammaanadarada gobolka aysan ku ekaaneyn Iran oo kaliya balse ay sii gudbeyso, taasina ay tahay sababta waxa keenay walaaca guud ee dalalka gobolka”.

    Wuxuu intaas ku daray, in marakiibta gobolka la keenayo aysan khalkhal gelinayn Iran iyo sida ay isku difaaceyso .

  7. Taiwan ayaa isha ku haysa isbeddelka “aan caaidga aheyn” ee hoggaanka militeriga Shiinaha

    Taiwan ayaa dusha kala socota wax ay ug yeertay isbeddealka “aan caadiga aheyn” ee hoggaanka militeriga Shiinaha kaddib markii janaraalkoodi ugu sareeyay baaris lagu bilaabay. Waxay kaloo sheegeen in ay sii wadayaan difaacooda maadama ay heerka qatarta weli sareyso, sidaasina waxaa sheegay wasiirka difaaca Taiwan.

    Shiinaha ayaa ku dhawaaqay Sabtigii in Zhang Youxia oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga dhexe ee ciidamada iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Liu Zhenli in la baarayo oo loo haysto xadgudubyo ka dhan ah anshaxa iyo qeynuunka.

    “Si dhow ayaan ula soconeynaa xaalada aan caadiga aheyn ee la xiriita madaxda sare ee xisbiga Shiinaha, dowladda iyo hoggaanka militeriga” ayuu yiri wasiirka difaaca oo intaas ku daray, “Mowqifka militeri waxa uu ku saleysan yahay in Shiinuhu uusan marnaba meesha ka saarin suurgalnimada in uu awood u sheegto Taiwan.

    Zhang waxaa muddo dheer loo arkayay in uu yahay sarkaal militeri oo aad ugu dhow Xi iyo in uu yahay saraakiisha dhifka ee leh khibrad sare ee dagaalka. Zan ayaa ka qeybqaatay dagaalka la xiriira muranka xadka ay la galeen Vietnam.

    Shiinaha oo u arka Taiwan qeyb ka mid ah dalkiisa ayaa si joogta ah ugu dira diyaarado dagaal iyo maraakiib hawada iyo badda u dhow jasiiradda. Taipei ayaa u aragta olole dowladeeda loogu cadaadinayo in ay aqabsho sheegashada Shiinaha.

  8. Trump oo gacanta miis ku dhufsaday kadiba faahfaahiyay waxa dhacay

    Trump ayaa u saariyay nabar muuqda oo kaga yaalla gacantiisa bidix isticmaalka badan ee daawada aspirin. Nabarku wuxuu soo baxay kadib markii uu ku dhacay miis intii uu ku sugnaa Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Davos ee dalka Switzerland. Trump ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo saaran diyaarada Air Force One xilli uu dib ugu laabtay Maraykanka.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa la il-daranaa xanuunkan ka xididdada kaga dhacay, kaasoo aad u daran, sida uu Aqalka Cad ku dhawaaqay sanadkii la soo dhaafay, ka dib maalmo warar la isla dhex marayay kuwaasoo la xiriiray sawirro muujinayay nabar ka muuqda gacanta madaxweynaha Maraykanka.

    Ka dib markii uu xilligaas la kulmay barar lugaha ah, Trump ayaa maray "baaritaan dhamaystiran" oo ay ku jiraan baaritaanka xididdada dhiigga, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt.

  9. Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil oo ammaanay madaxweyne Ilham Aliyev

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa'ar ayaa sheegay ku ammaanay Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev hoggaamiye aragti fog leh, oo qarankiisa u horseedaya guulo cajiib ah.

    “Waxaan kulan xiiso leh ku yeelanay Baku, waxaana uga mahadceliyay Madaxweynaha saaxiibtinimadiisa iyo taageeradiisa bulshada Yuhuudda ah ee Azerbaijan” ayu uku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

    Wasiir Gideon Sa'ar ayaa intaasi raaciyay hadafkayaga wadajirka ah waa inaan xoojinno iskaashigayaga tamarta, difaaca, biyaha, beeraha, dalxiiska iyo waxyaabo kaloo badan,”

    Waxaa kale oo uu yiri: “Waxaan xoojinaynaa xiriirkeena istaraatiijiyadeed”.

  10. Weerar rag hubeysan gaysteen oo dad lagu laayay

    Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay 11 qof garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla gobolka Guanajuato ee bartamaha Mexico. 12 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay magaalada Salamanca Axaddii shalay. Howlgal baadi-goob ah ayaa la bilaabay si loo helo dambiilayaasha.

    Mas’uuliyiinta maxalliga ah weli ma sheegin waxa sababay dilalkan, balse Guanajuato marar badan waxaa ka dhaca rabshado, kuwaas oo ka dhasha kooxo dambiyeedyo is haya oo ku dagaallamaya dhul iyo saameyn.

    Gobolka Guanajuato ayaa laga diiwaan geliyay tirada ugu badan ee dilalka marka loo eego gobollada kale ee Mexico sanadkii 2025, iyadoo ay ka dhaceen in ka badan laba kun iyo shan boqol oo dil.

  11. Afhayeenkii Netanyahu oo loo haysto sir uu bixiyay

    Maxkamad ku taalla Israa’iil ayaa Axaddii sheegtay in la xiray afhayeenkii hore ee Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib markii looga shakiyay inuu dukumiintiyo sir ah u dusiyay saxaafadda oggolaansho la’aan, taasoo dhaawac u geysan karta heshiiskii lagu sii daayay maxaabiistii lagu haystay Qasa.

    Maamulka warbaahinta Israa'iil ayaa sheegay in maxkamaddu ay ogolaatay in la shaaciyo 4 qof oo loo xiray kiiska sirta amaanka.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in Eli Feldstein lala xiray saddex qof oo kale, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan laamaha ammaanka.

    Kiiskan ayaa keenay in mucaaradka ay su’aal ka keenaan in Netanyahu uu ku lug lahaa wararka la faafiyay iyo in kale, iyadoo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu beeniyay warkaas.

    Netanyahu ayaa beeniyay inay wax khalad ah ay sameeyeen shaqaalaha xafiiskiisa, wuxuuna bayaan uu soo saaray sabtidii ku sheegay inuu ka war helay kaliya dukumentiyada la faafiyay ee warbaahinta lala wadaagay.

  12. Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya oo sheegay in isku day dil ka badbaaday

    Rigathi Gachagua oo oo ka tirsan mucaaradka Kenya ayaa ku andacoonaya in isku day dil ka badbaaday shalay oo ahayd Axad, xilli uu ku sugnaa Kaniisad.

    Gachagua, oo laga eryay xilka madaxweyne ku xigeenka maxkamadeyn xilka looga qaadayay sanadkii 2024, ayaa sheegtay in koox boolis ah ay weerareen kaniisadda Othaya ee gobolka Nyeri, iyagoo adeegsaday rasaas iyo gaaska ilmada keena.

    Isagoon bixin caddayn, wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha ay horey isku kooxda u ahaayeen ee William Ruto inuu amray weerarka lagu qaaday. Ruto ma uusan ka hadlin laakiin wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa cambaareeyay rabshadaha, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

    Booliisku waxay sheegeen in baaritaan la bilaabay, iyagoo intaa ku daray in aan la soo sheegin wax dhaawac ah.

    Warbixinno loo diray booliiska ayaa tilmaamaya in gaaska ilmada keena lagu tuuray gudaha Kaniisadda Anglican ee St Peters taasoo carqaladeysay howlihii Kiisadda ka socday.Booliisku waxay intaas ku dareen in dhowr baabuur ay ku waxyeeloobeen gudaha xarunta kaniisadda.

    Gachagua, oo ah ganacsade ka soo jeeda bartamaha Mount Kenya haddana ah dhaleeceeye aad uga soo horjeeda madaxweynaha Kenya , ayaa sheegay in kooxdiisa amniga ay u galbiyeen meel ammaan ah markii weerarka lagu soo qaaday sida u uku andacoonayo.

  13. "Trump oo lagu yiri sharciga kama sarreysid, cid kastana xuquub ayay leedahay"

    Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom oo aad uga soo horjeeda tallaabooyinka madaxweyne Trump ee dadka soo galootiga ah ayaa qoraal uu barihiisa bulshada ku baahiyay waxaa u uku yiri:

    Madaxweyne iyo maamul midna kama sarreeyo Dastuurka dalkeenna, mana jiro qof dalkan ku nool oo aan xuquuq lahayn. Wuxuu intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo nabadda isla markaana la taageero dadka wajahaya dhibaatooyinka.

    “Taageer bulshadaada adigoo nabadda aaminsanoo diyaarsan. U sheeg xadgudubyada wakiillada federaalka,”

  14. Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo ku sii jeeda gacanka Faaris iyo cabsi sii kordhaysa

    Markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln, kuna sii jeeda Gacanka Faaris, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kiciyay falcelinno badan, gaar ahaan tan iyo markii uu galay aagga amniga ee CENTCOM.

    Dhinaca kale, qaar ka mid ah mudaharaadayaasha Iiraan oo ka careysan dilka kumannaan qof intii lagu jiray tallaabooyinkii adkaa ee dhowaan la qaaday, ayaa laga yaabaa inay rajeynayaan in Maraykanku qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo kuwa cabburinta ku haya. Dhinaca kale, waxaa jira hadal-hayn ka jirta gobolka, iyo sidoo kale Yurub iyo Maraykanka, oo ku saabsan in dagaal cusub uu ka qarxi karo Bariga Dhexe.

  15. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo waxa ka dhacay Minnesota ku tilmaamay wax aanu fileyn

    Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.

    Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey “muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.

    Wuxuu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.

    Madaxweyne hore Clinton ayaa si gaar ah uga hadlay labadii qof ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee Renee Good iyo Alex Pretti.

    Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.,

    Bayaanka Clinton waxaa sidoo kale ku jiray baaq ah in dadka Mareykanka ah ay codkooda u istaagaan si ay u muujiyan in dalku weli leeyahay mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo inay ku jirto gacanta shacabka.

  16. Shirkadaha ganacsiga gobolka Minnesota oo war ka soo saaray xaaladda halkaa ka taagan

    Madaxda sare ee shirkadaha 3M, Best Buy, Target, iyo UnitedHealth Group - oo ay weheliyaan tiro kale oo ganacsiyo kale ah oo fadhigoodu yahay Minnesota - ayaa saxiixay warqad furan oo ku baaqaysa "in si degdeg ah loo yareeyo xiisadda" iyo in mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo kuwa federaalkuba "ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal dhab ah".

    Warqadda waxaa soo saartay Rugta Ganacsiga ee Minnesota waxaana ku jira in ka badan 60 shirkadood oo ah saxiixay warqaddaas.

    "Waqtigan adag ee bulshadeenna," ayay leeyihiin hoggaamiyeyaasha ganacsigu, "waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo iskaashi diiradda saaraya hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, gobolka iyo federaalka si loo gaaro xal degdeg ah oo waara oo u suurtagelinaya qoysaska, ganacsiyada, shaqaalaheenna, iyo bulshooyinka Minnesota oo dhan inay dib u bilaabaan shaqooyinka si aan u dhisno baa la yiri mustaqbal ifaya oo barwaaqo ah."

  17. Madaxweynihii hore Barack Obama oo si adag uga hadlay howlgallada ICE ee Minnesota

    Madaxweynihii hore Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay "musiibo qalbi jab leh".

    War-saxaafadeed ay soo saareen, lamaanahan ayay ku sheegeen in toogashadii "ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro".

    "Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump "uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo" iyada toogashooyinkii dhacay oo aan "wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka".

    "Tani waa inay joogsataa," ayaa lagu yiri bayaanka.

  18. Dibadbax looga soo horjeeda howlgallada ICE oo hadda ka socda Minneapolis

    Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE.

    Dibadbaxayaal da’ kasta leh ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ka mid yihiin “Minnesota mar dambe maya, Minneapolis shaqo-joojin ayay ku jirtaa” iyo “ICE ha baxdo hadda,” ka hor inta aysan bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada.

    Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya taageero.

    Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay “Halyeeyada Dagaalka ee Ka Soo Horjeeda ICE”.