Madaxweyne Donald Trump ayaa laga dalbaday in baaris buuxda
lagu sameeyo toogashadii Alex Pretti kaas oo ay toogteen ciidamada federalka ee
loo yaqaan ICE.
Geerida Preetti ayaa ku soo aaday wax ka yar saddex
toddobaad kaddib markii Renee Good ay ku dileen ciidamada waaxda socaalka Minneapolis.
Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa ku celiyay dalabkiisa
maamulka Trump in ay ka saaraan ciidamada faderalka gobolka isagoo sheegay in
Mareykanka uu joogo “halkii ugu dambeysay”.
Wargeyska Wall Street Journal oo Axadii wareysi la yeeshay madaxweyne
Trump ayuu ku sheegay in maamulkiisa uu “dib u eegis ku sameynayo waxkasta” iyo
sidoo kale in ugu dambeyn uu ciidamada xuduudaha iyo kastamka ee ICE uu ka
saarayo magaalada. Madaxweynaha ma bixin waqti cayiman uu arrintan sameynayo.
Madaxda fedealka iyo gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga
hadlay daqiiqadihii ugu horeeyay geerida Pretti.
Maamulka Trump ayaa difaacay sarkaalka toogtay Pretti iyadoo
xoghayaha ammaanka, Kristi Noem, ay sheegtay in Pretti loo toogtay maadama uu “haystay”
bistoolad.
Madaxda gobolka ayaa beeniyay arrintan iyagoo sheegay in
bistoolada ay aheyd sharci, waxaana Pretti la toogtay markii laga qaaday
bistooladda.
Dibadbaxayaal ayaa u soo baxay wadooyinka Minneapolis iyo
qeybho kale oo kale oo Mareykanka ah kaddib toogashadii dhimashada keentay.