You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Eric Trump oo sheegay in uusan kulan gaar ah dhexmarin isaga iyo madaxwayanha Somaliland

Ku soo dhawaada tebinteena tooska ee maanta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Degdeg: Xaaska Trump oo hadda ka hadashay howgallada ICE ee Minneapolis

    Marwada Koowaad ee Maraykanka, Melania Trump, ayaa “ku baaqday midnimo” iyadoo xiisadaha ka dhashay xakamaynta socdaalka ee Minneapolis ay sii socdaan.

    Markii ay ka qayb gashay barnaamijka Fox & Friends maanta, waxay tiri: “Waan ogahay in ninkeyga, madaxweynaha, uu shalay wicitaan wanaagsan la yeeshay guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada, waxayna si wadajir ah uga shaqeynayaan in xaaladu noqoto mid nabad ah oo aan rabshado laheyn.

    Anigu waxaan ka soo horjeedaa rabshadaha. Haddii aad mudaharaad sameyneyso, nabad ku mudaharaad , ayay tiri”.

  2. Yaa la socda diyaaradda Milatari ee Mareyknku leeyahay ee Itoobiya ka degtay

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca aj oo Osprey ah isla markaana uu leeyahya milatariga Mareykanka ayaa ku degtay Bishoftu, iyadoo Ciidamada Cirka Itoobiya ay u dabaal-degayeen sannad-guuradii 90-aad ee aasaaskooda.

    Diyaaradda qumaatiga u kacda waxaa la socday Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Christopher Landau, kaas oo ka qayb galay munaasabadda ay Ciidamada Cirka Itoobiya qabsadeen .

    Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Christopher Landau, Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Lieutenant General Dagvin Anderson, iyo Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Masinga ayaa ka qayb galay xafladda.

    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan ciidanka, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guud ee Ciidanka Dhulka Field Marshal Birhanu Jula iyo Taliyaha Ciidamada Cirka Lieutenant General Yilma Mardasa, ayaa martida ku soo dhoweeyay xarunta Ciidamada Cirka Itoobiya.

  3. Degdeg:Ku simaha ICE oo Maxkamad la soo taagayo

    Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Patrick Schlitz ayaa amar ku bixiyay in ku-simaha Agaasimaha hay’dda socdaalk ee ICE uu ka soo hormuuqdo maxkamadda Jimcaha soo aadden.

    Schlitz wuxuu sheegay in Lyons ay waajib ku yahay inuu sharaxo sababta hay’addiisu ugu guul-darreysatay inay qabato dhageysi ku saabsan qof muhaajir ah oo xiran, muddadii ay maxkamaddu amartay.

    Schlitz wuxuu yiri “dulqaadkii maxkamaddu wuu dhammaaday,” isaga oo qaadaya tallaabo uu isagu ku tilmaamay mid “aan caadi ahayn,” taas oo ah inuu maxkamadda ugu yeero ku-simaha madaxa ICE.

    Wuxuu dalbaday in ku-simaha Agaasimaha ICE, Todd Lyons, uu si shaqsi ah uga soo hormuuqdo maxkamadda kadib markii, sida ku cad qoraal maxkamadeed oo Isniintii la gudbiyay, “tallaabooyin ka fudud la tijaabiyay balse ay fashilmeen.”

    “Dulqaadkii Maxkamaddu wuu dhammaaday. Sidaas darteed, Maxkamaddu waxay amar ku bixin doontaa in Todd Lyons, Ku-simaha Agaasimaha ICE, uu si shaqsi ah uga soo hormuuqdo Maxkamadda,” ayuu yiri.

  4. Ma markabka Mareykanka ayaa sababay hoos u dhaca lacagta Iiraan?

    Lacagta Iiraan ayaa hoos u dhacday mar kale, iyadoo gaartay heerkii ugu hooseeyay ee abid, oo ah 1.5 milyan oo riyaal ah halkii doolar ee Maraykan ah, suuqyada sarifka ee Tehran, xilli markab dagaal oo Maraykan ah uu yimid gobolka.

    Imaatinka markabka USS Abraham Lincoln ayaa kordhiyay walaaca laga qabo in Madaxweyne Trump uu fuliyo hanjabaaddiisa ah tallaabo milatari oo uu ka qaado taliska Iiraan, taasoo jawaab u ah cabburinta arxan-darrada ah ee mudaaharaadyada ballaaran.

    Kooxo u dooda xuquuqda aadanaha ee Iiraan ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in ku dhowaad lix kun oo dibadbaxayaal ah la dilay.

  5. Hoggaamiyaha Midowga Yurub oo hadal maldahan ku gantay Trump

    Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa u dabaaldegtay saxiixa heshiis ganacsi oo lala galay Hindiya, iyadoo sheegtay in heshiiskaasi uu dirayo farriin muujinaysa in iskaashiga caalamiga ahi weli shaqayn karo.

    Hadalladaas oo ka yimid hoggaamiyaha fulinta Yurub ayaa loo fasiray inay tahay dhaliil dadban oo loo jeediyay Madaxweyne Trump, iyadoo heshiiska laftiisu qayb ahaan ka dhashay dadaalka Yurub ay ku raadinayso saaxiibbo ganacsi oo ka baxsan Maraykanka.

    Cashuuraha ayaa si tartiib tartiib ah loo baabi’in doonaa, taas oo kor u qaadaysa rajada ah in ganacsiga wax kala iibsigu uu kordho. Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa sheegay in inkastoo dunidu ku jirto qalalaase, haddana heshiiskani uu xoojin doono xasilloonida nidaamka caalamiga ah.

  6. Dowladda Spain oo ku dhawaaqday war farxad galinaya dadka soo galootig ah

    Wasiirka socdaalka ee Isbaanishka ayaa xaqiijiyay in dowladda hantiwadaagga ah ee laga tirada badan yahay ay maanta soo saari doonto wareegto siinaysa sharciyad deggenaansho boqolaal kun oo muhaajiriin ah. Tallaabadan uma baahna ansixinta Baarlamaanka, halkaas oo xisbiyada garabka midig ay u badan tahay inay hor istaagi lahaayeen.

    Wareegtadu waxay khusayso dadka aan lahayn dembi hore oo dalka yimid ka hor bilowgii sannadkan, kuwaas oo dalka ku noolaa in ka badan shan bilood.

    Waxaa lagu qiyaasayaa in in ka badan nus milyan qof ay ka faa’iidaysan doonaan (kuwa codsiyadooda lagu guuleysto waxaa la siin doonaa oggolaansho deggenaansho hal sano ah, kadibna waxay codsan karaan deggenaansho joogto ah. Siyaasaddan waxay si weyn uga duwan tahay tan dalal badan oo Midowga Yurub ah oo adkeynaya siyaasadaha socdaalka.

  7. Imaaraadka oo doonaya in wax kasta oo jira lagu xalliyo hannaanka diblumaasiyadda

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in aysan oggolaan doonin in hawadeeda, birrigeeda iyo badeeedaba laga wareero dalka iiran.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa war uu soo saaray Isniintii shalay ku sheegay in dalkiisu muujinayo in uusan marnaba oggoleyn in hawadooda, dhulkooda iyo baddoodaba loo adeegsado saldhig milatari oo ka dhanah Iiraan isla markaana aysan arrintaa taageryn.

    Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa intaasi ku daraya in ay taageerayaan in hoos loo dhigo xiisadda gobolka loona hoggaamsamo sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya madax bannaanida dalkaasi.

    Imaaraadku waxaa uu sheegay in uu doonayo in dhamaan arrimaha taagan lagu xalliyo hannaanka diblumaasiyadda.

  8. Eric Trump oo sheegay in uusan kulan gaar ah dhexmarin isaga madaxwayanha Somaliland

    Wiilka madaxwaynaha Mareykanka Eric Trump ayaa beeniyay in kulan uu la qaatay madaxwaynaha jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdi Raxman Maxamed Cabdulahi (cirro)

    Sida ay baahisa wakaalada wararka ee Afhayeen u hadlay Eric Trump ayaa xaqiijiyay in Cirro uu ka qaybgalay cashadii soo dhaweynta ahayd isla markaana uu sawir la galay wiilka madaxweynaha Mareykanka, balse waxa ay beenisay in labada nin ay yeesheen kulan gaar ah, iyada oo sheegtay in ay qolka ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.

    “Marna (Eric Trump) kulan lama uusan yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale marna kama uusan hadlin arrin ku saabsan deked,” ayay tiri Kimberly Benza oo bayaanka soo saartay.

  9. Ra'isul wasaaraha Britain oo sharaxay cidda uu dalkiisa dooranayo Shiinaha iyo Mareykanka

    Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay inuusan oggolaan doonin in lagu khasbo inuu kala doorto xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, ka hor booqashadii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Ingiriis ah uu ku tago Shiinaha muddo sideed sano ah.

    Ra’iisul Wasaare Starmer wuxuu sheegay in Ingiriisku sii wadi doono xiriir dhow oo uu la yeesho Mareykanka dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo difaaca.

    Wuxuu sidoo kale yiri:“Ma aha arrin caqli ah n Shiinaha la iska indho-tiro.”

    Wareysi uu siiyay Bloomberg News, ayuu ku sheegay in booqashadan uu ku tagayo dalka labaad ee ugu weyn dhaqaalaha dunida ay keeni karto fursado waaweyn oo ganacsi shirkadaha Ingiriiska.

    Sidoo kale, tobannaan hoggaamiye ganacsi oo Ingiriis ah ayaa la socon doona safarkan uu Shiinaha ku tagayo

    Booqashadan ayaa imaneysa dhowr maalmood ka hor, Ingiriisku oggolaaday qorshe muran dhaliyay oo lagu dhisayo safaarad Shiineys ah oo aad u weyn magaalada London.

  10. Israa'iil oo ka hadashay xiriirka kala dhaxeeya Turkiga

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay:“Waxaan rajeynayaa inaan gaarno mustaqbal ka duwan, kana wanaagsan xiriirkeena Turkiga, balse arrintaasi waxay gebi ahaanba ku xiran tahay dhinaca Turkiga.”

    Saar wuxuu sheegay in bishii hore mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac ay yeesheen kulan heer sare ah si loo dhiso hannaan looga hortago xiisado ka dhasha xiriirka Turkiga.

    Saar ayaa wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka APA intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku joogay Azerbaijan.

    Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in Israa’iil ay “wado wadahadallo diblomaasiyadeed oo lagu caadiyeynayo xiriirka Suuriya iyo Turkiga,” Saar wuxuu sheegay inaysan “dooneynin in xiriirka Turkiga uu ka sii xumaado sida uu hadda yahay.”

    Saar ayaa sheegay in uusan filayn in xiriirka Israa’iil iyo Suuriya uu caadi ku soo laabto mustaqbalka dhow.

  11. Tirada la yaabka leh ee bishii Rajab booqatay Labada Masjid ee Barakaysan Maka iyo Madina

    War ka soo baxay labada masjid ee barakeysan ayaa lagu sheegay in tiro aad u badan ay sanadkan soo booqdeen labada masajid.

    Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga inside the Haramain ayaa lagu sheegay in In ka badan 78 milyan oo qof ay booqdeen Labada Masjid ee Barakaysan bishii Rajab 1447 Hijriyada.

    Tirada cumrada u timid ayaa lagu sheegay 14,875,003 qof oo cumrada gudanaya. Dadka ku cibaadeysanaya Masjidka Xaramka ayay tiradoodu gaartay 34,954,367 oo qof.

  12. Dowladda Soomaaliya oo raashiin dib ugu celisay WFP

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan caawimada bini’aadantinimo ee cuntada ee laga qaaday bakhaar wayn oo ku yaalla Dekedda Muqdisho si dhameystiran loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).

    War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay qaadeyso mas’uuliyadda buuxda ee dhacdada, isla markaana muujisay naxdin, iyada oo ku celisay ballanqaadkeeda ku aaddan mabaadi’da bini’aadantinimo iyo wada-shaqeynta la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

    “Dhammaan agabka bini’aadantinimo ee laga qaaday xarunta si buuxda ayaa loogu celiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP),” ayay sheegtay wasaaradda.

    Si looga hortago carqalad ku timaadda gaarsiinta gargaarka, dowladda ayaa sheegtay inay u qoondeysay WFP bakhaar ka ballaaran kii hore oo ku habboon, kuna dhex yaalla aagga dekedda. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xarunta cusub ay hagaajin doonto awoodda kaydinta.

    Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kana mas’uul ah gargaarka dibadda, ayaa sheegay in burburinta bakhaarka iyo habka loo maareeyay sahayda cuntada ay kicisay walaac culus oo la xiriira ixtiraamka hawlgallada bini’aadantinimo iyo heshiisyada deeq-bixiyeyaasha.

  13. Tirada iyo magacyada dalalka ilaa hadda ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

    Dalal badan iyo ururo caalami ah ayaa si cad uga hoos horjeestay aqoonsiga Israa'iil u aqoonstay Somaliland "dal madax-bannaan", iyagoo ku adkeysanaya in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aad faahfaahinta u akhriso

  14. Trump oo taliye cusub u magacaabay howlgalka ICE ee Minneapolis

    Xilli Taliyahii hogaaminayay howlagalka ICE ee Minneapolis, Gregory Bovino, iyo qaar ka mid ah saraakiisha socdaalka ay ka tagayaan Minneapolis, ayaa waxaa la magacaabay sargaal cusub.

    Tom Homan ayaa bilaabi doona inuu hoggaamiyo hawlgallada ka socda ee magaaladaas Minneapolis ka dib markii toogashadii Alex Pretti Sabtidii ay kicisay xiisad weyn.

    Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Donald Trump waxaa laga yaabaa inuu muujinayo in maamulka uu uu doonayo inuu dib u dhigo tallaabooyin federaal hadana ololaha wali wuu socdaa.

    Inkastoo lagu dhawaaqay go’aankaas, raadraaca internet-ka ayaa muujinaya in weerarrada socdaalka ay weli socdaan.

  15. Maxay ka tiri Hillary clinton rabshadaha Minnesota?

    Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillary clinton ayaa ka hadshay howlgalada ay ciidamada laanta socdaalka ka wadaan Minnesota.

    Clinton ayaa amaanta shacabka gobolka oo tiri: "Minnesota, dad badan oo caadi ah ayaa si geesinimo leh u ilaalinaya deriskooda, u difaacaya bulshadooda, kana dibadbaxaya rabshadaha sharci‑darada ah.

    Qoraal ay ku daabacday barteeda X waxaa ay intaa ku dartay :"Waxay yihiin dadka ugu fiican ee Maraykanka"

  16. Duqa magaalada New York Zohran Mamdani oo si kulul uga hadlay xaaladda Minnesota

    Duqa magaalada New York Zohran Mamdani ayaa si kulul uga hadlay xaalada adag ee ka taagan gobolka Minnesota.

    Zohran oo wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta ayaa yiri: "ICE wxaay maalin cad toogteen Renée Good . Wax ka yar 3 toddobaad kadib, waxay dileen Alex Pretti, iyagoo toogtay 10 jeer. Maalin kasta, waxaan aragnaa sida dadka looga soo jiido gaadiidkooda, guryahooda, iyo noloshooda.

    Waxaa uu intaa ku daray: "Annagu ma oggolaan karno in aan indhaha ka leexino gardaradaas, Jooji ICE"

  17. Ururka Xisbullahi oo war ka dhan ah Mareykanka soo saaray

    Naciim Qaasim, Xoghayaha Guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, ayaa u sheegay taageerayaashiisa khudbad telefishin laga baahiyay iyo isu-soo-bax uu ku taageerayay Iiraan: “Haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal ka bilaabaan Iiraan, annagu dhexdhexaad kama ahaan doonno.”

    Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa yiri:“Waxaan u aragnaa hanjabaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan mid annagana nagu wajahan, waxaana leenahay awood buuxda oo aan ku qaadno tallaabo kasta oo aan ku aragno inay ku habboon tahay ka hortaggeeda.”

    Khudbadda Naciim Qaasim ayaa si toos ah looga baahiyay Telefishinka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Wuxuu intaas ku daray:“Arrinta Iiraan kama nihin dhexdhexaad, waxaana ku dhawaaqi doonnaa tallaabadeenna waqtiga ku habboon,” isaga oo ka digay in dagaal cusub oo lagula kaco Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu “dab qabsan doono guud ahaan gobolka.”

    Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dhanka afka ah oo u dhaxeeyay saraakiisha Iran iyo dowladda Lubnaan oo ka dhashay hub ka dhigis lagu sameeyay kooxdan.

  18. Taliska Dhexe ee Mareykanka oo soo saaray sawirro cusub oo laga qaaday gudaha markabka diyaaradaha xambaara Abraham Lincoln.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa soo saaray sawirro cusub oo laga qaaday gudaha markabka diyaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln.

    “Badmaaxiinta markabka diyaaradaha xambaara USS Abraham Lincoln (CVN-72) ayaa fulinaya hawlo dayactir oo caadi ah iyadoo markabku ku jiro socdaal, Badweynta Hindiya, 26-ka Janaayo.”

    Faahfaahinta ayaa intaa ku dartay:“Kooxda weerarka ee markabka diyaaradaha xambaara Abraham Lincoln ayaa hadda loo diray Bariga Dhexe si ay u xoojiso amniga iyo xasilloonida gobolka.”

    Horaantii, mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay CBS ku xaqiijiyay in kooxda weerarka ee markabka Abraham Lincoln ay gashay aagga taliska CENTCOM ee Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Iiraan.

    Markabku wuxuu qiyaastii laba toddobaad ka hor ka soo dhaqaaqay gobolka Baasifigga ee Bariga Aasiya isagoo u jiheystay Badweynta Hindiya iyo Badda Cumaan, kadib markii ay sii kordheen xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

  19. Iran oo shaacisay warar sirdoon oo ay ka heshay Israa'iil ka hor dibadbaxyadii

    Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ee dalka ay hore uga war hayeen xiriirrada ay Israa’iil la lahayd waxa uu ku tilmaamay “dambiilayaal ku sugan Iiraan,” ka hor intii aanay bilaaban mudaharaadyadii dhawaan dhacay.

    Muuqaal uu kula hadlayo masuuliyiin rayid iyo milatari ah, Cali Laarijaani ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan ama tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada ammaanka, balse wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa in mudaharaadyadii bishii Janaayo ay ahaayeen “sii socodkii dagaalkii 12-ka maalmood.”

    Dagaalka 12-ka maalmood ah waxaa loola jeedaa dagaalkii ballaarnaa ee Israa'iil ay la gashay Iran bishii Juun 2025.

    Mudaharaadyadii bishii Janaayo, oo markii hore ka billowday isu-soo-bax ay sameeyeen ganacsatada suuqyada Tehran kana cabanayay kororka qiimaha dollarka, ayaa si degdeg ah isugu badalay mudaharaadyo guud oo ka dhacay dalka oo dhan, kuwaas oo looga soo horjeeday siyaasadaha guud ee dowladda iyo Cali Khamenei.

  20. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Minnesota

    Afhayeenka aqalka cad, Karoline Leavitt, ayaa ka hadashay dilkii ka dhacay Minnesota dhammaadkii usbuuca.

    Waxay sheegtay in dilka Alex Pretti Sabtidii uu hadda uu baaritaan xoogganay ku waddo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) iyo Hay’adda Baarista Federaalka (FBI) — waana baaritaano socda oo aan weli la soo afjarin.

    Dhanka kale Iska caabbinta Minnesota ee ka dhanka ah kororka saraakiisha socdaalka ee federaalka ah kuma koobna oo keliya mudaharaadyada waddooyinka, balse sidoo kale waxay ka socotaa maxkamadaha.

    Garsoore federaal ah ayaa dhageystay doodaha xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota, kuwaas oo ka hortagaya kuna murmaya dastuur-waafaqsanaanta kororka wakiillada federaalka ee loo diray Minneapolis iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka.

    Dhanka kale Madaxa Ilaalada Xuduudaha, Dan Bovino, iyo qaar ka mid ah wakiilladiisa ayaa ka tagi doona Minneapolis kaddib markii Alex Pretti la toogtay Sabtidii, sida ay sheegtay CBS News oo wada shaqayn la leh BBC-du.

    Tani waxay ka dambeysay cadho xooggan ay ka dhalatay sida saraakiisha sare ee federaalka, oo ay ku jiraan Bovino iyo Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ay uga jawaabeen toogashada.