TOOS, Bannaabaxyo ka socda Minneapolis iyadoo guddoomiyaha gobolka uu ku baaqay in Trump uu ka saaro ciidamada halkaa

Waxaa sidoo kale soo baanaya mas'uuliyiinta iyo madaxda sida adag uga hadlaya ficillada laamaha kala duwan ee dowladda federaalka Mareykanka ay halkaa ka wadaan

Tebin toos ah

  1. Madaxweynihii hore Barack Obama oo si adag uga hadlay howlgallada ICE ee Minnesota

    Barack Obama

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynihii hore Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay "musiibo qalbi jab leh".

    War-saxaafadeed ay soo saareen, lamaanahan ayay ku sheegeen in toogashadii "ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro".

    "Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump "uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo" iyada toogashooyinkii dhacay oo aan "wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka".

    "Tani waa inay joogsataa," ayaa lagu yiri bayaanka.

  2. Dibadbax looga soo horjeeda howlgallada ICE oo hadda ka socda Minneapolis

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE.

    Dibadbaxayaal da’ kasta leh ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ka mid yihiin “Minnesota mar dambe maya, Minneapolis shaqo-joojin ayay ku jirtaa” iyo “ICE ha baxdo hadda,” ka hor inta aysan bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada.

    Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya taageero.

    Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay “Halyeeyada Dagaalka ee Ka Soo Horjeeda ICE”.