Sidee Itoobiya ula tacaali doontaa tartanka adag ee geeska Afrika?

Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa ku lug leh dagaallada ka socda Yemen iyo Suudaan. Jawar Maxamed oo ka faaallooda siyaasada ayaa ka walaacsan in Itoobiya ay noqon karto dalka ku xiga.

Xiisada ka taagan geeska Afrika waa mid ka sii dareysaa. Xaalada waxay sii xumaatay markii Israa'iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, oo Soomaaliya u aragto in ay ka mid tahay dhulkeeda.

Tallaabada Israa'iil waxaa ka horyimid dalal iyo hay'ado badan, mana jirto cid si cad u taageertay ilaa hadda.

Wadamada loo yaqaan Quwadaha Dhexe oo ay ka mid yihiin, Imaaraadka, Sacuudiga, Turkiga iyo Qatar, ayaa kordhiyay tartanka ay ugu jiraan maamulidda xeebaha Badda Cas.

Waddanka ugu weyn Afrika, Itoobiya, ayaa doonaya in uu gaaro danahiisa qaran.Waxaa jira dalal ka soo horjeeda rabitaanka Itoobiya ee ah in ay gaarto Badda Cas. Hadaba sidee Itoobiya ula tacaali doontaa xiisaddan? Maxayse tahay in ay sameyso?

Geeska Afrika waa gobolka labaad ee ugu nugul qalalaasaha marka laga soo tago Bariga Dhexe. Waxaa tartan loogu jiraa cidda hoggaanka u qaban laheyd gobolka.

Mohammed wuxuu qabaa in Itoobiya gaarto Badda Cas, balse wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in sida dowladda ku socoto aysan guul keeneyn.

Heshiiskii af-garadka ahaa ee Itoobiya laba sano ka hor la gashay maamulka Somaliland ayaa ka caraysiiyay Soomaaliya, wuxuuna sababay qalalaase weyn oo ugu dambeyn horseeday in heshiiskaas la hakiyo, waxaana la saxiixay heshiiska Ankara ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo dhigaya in Soomaaliya ay Itoobiya siiso saamiga ay rabto.

Si kastaba ha ahaatee, safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleiman Daddafo, ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi aysan hirgelin.

Markii BBC-du waydiisay sababta uusan u guuleysan, wuxuu yiri: "Waxba ma dhicin sida aad aragtaan."

Itoobiya marar badan ayay sheegtay in ay kordhin doonto dadaallada la xiriira sidii ay ku heli laheyd Badda Cas.

Dhanka kale, xiisad culus ayaa ka dhex qaraxday Sacuudi Carabiya iyo UAE.

Safiirka waxa uu sheegay in Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka ay ahaayeen dalalkii ku xooganaa gobolka.

Balse, hadda waddamo kale ayaa ku tartamaya Badda Cas si ay u ballaariyaan saameyntooda.

"Ku lug lahaanshahooda dalalkan waa mid soo jirtay muddo, haddase way kasii dareysaa," ayuu yiri.

Sidee Itoobiya uga gudbi doontaa xiisadda gobolka?

"Haddii aan xiriir la sameysano dalal kale, saddex arrimood ayaan ka faa'iidi doonnaa oo kala ah horumar, amni iyo dhismaha dimuqraadiyadda."

Xiriirka Itoobiya iyo UAE ayaa si weyn u xoogeystay tan iyo markii raysalwasaare, Abiy Ahmed, uu xilka la wareegay.

Mas'uuliyiinta dowladda waxay sheegeen in xiriirkan faa'iido u leeyahay Itoobiya, iyadoo la sheegay in maalgelinta UAE ee Itoobiya ay sii kordhayso.

Jawar Mohammed, oo caan ku ah dhaliilidda xukuumadda raysalwasaare Aby, wuxuu sheegay in xiriirka Itoobiya iyo imaaraadka uusan saddexdaas dhinacba laheyn.

Wuxuu ku tilmaamay xiriirkaas mid ku dhisan "ku-tiirsanaan", wuxuu ku eedeeyay UAE in ay "kaga sii dartay" xaaladda amniga ee Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay xoogga saartay xiriirka amniga ee imaaraadka iyadoo dayacday horumarinta dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda, taasna waxay keentay in "colaadda Itoobiya sii kororto".

'Fursad ayey Itoobiya lumisay'

Itoobiya markii hore waxay la heshiisay Somaliland, oo Soomaaliya u aragto in ay ka mid tahay, si ay u hesho marin badeed. Heshiiskaasi ma miro dhalin. Kadibna Israa'iil ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland.

Dal kale oo ku xigay ma jirto. Somalilandse waxay sheegaysaa in ay jiraan dalal daneynaya.

Jawar wuxuu sheegay in xilligii raysalwasaare Mallas Zenawi, Itoobiya ay lahayd siyaasad ah in aanay iyadu noqon tan ugu horreysa ee aqoonsata Somaliland, balse ay sugto inta kuwa kale sameynayaan.

Itoobiya ma noqon kartaa dalka labaad ee aqoonsada Somaliland?

Jawar wuxuu aaminsan yahay in mas'uuliyiinta Itoobiya ay "taasi khaldeen".

"Waxay aheyd in heshiisk is-afgaradka aysan la gelin Somaliland marka hore, markii ay galeenna waxay aheyd in ay ku adkeystaan" ayuu yiri Jawar.

Hadda oo Israa'iil aqoonsatay, kuwa kalena la sugayo, "ma u maleynayo in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan wixii Itoobiya dalbatay," ayuu yiri.

Jawar wuxuu sheegay in Itoobiya ay "ka baxday" heshiiskii is-afgaradka kaddib markii mas'uuliyiinta Soomaaliya ay ka horyimaadeen.

"way adagtahay in lagu kalsoonaado Itoobiya."

Markii hore, Somaliland waxay raadinayeen cid aqoonsata, haddase maadaama aysan noqon karin dalka ugu horreeya, "ma jirto wax ku qasbaya in ay maanta bixiyaan wixii ay bixin lahaayeen laba sano ka hor."

"Maadaama ay jiraan dalal kale oo aqoonsan kara, awoodda Itoobiya ee gorgortan iyo difaaca danaha gobolka way daciiftay," ayuu yiri Jawar.

Jawar wuxuu ka mid ahaa dadkii dhaliili jiray geeddi-socodka heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiskaas, ayuu yiri, "wuxuu sababay masiibo weyn; wuxuu Turkiga iyo Masar keenay Soomaaliya iyo Jabuuti."

"Wuxuu keenay Eritrea, dhinaca Suudaan, wuxuuna nagu riday go'doon."

"Sidaas darteed, Soomaalidu waxay fahmeen in awoodda Itoobiya ay ka daciifsan tahay sidii ay ahayd laba sano ka hor."

Heshiiska Itoobiya la gashay maamulka Somaliland wuxuu keenay in Soomaaliya ay xiriir la sameysato dalal Itoobiya u taqaan 'cadow'.

Sacuudiga oo ka carrooday Itoobiya

Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku jira "tartan adag" laga bilaabo Libiya, Suudaan, Yemen, Itoobiya, Soomaaliya ilaa Suuriya, ayuu yiri Jawar.

Kaddib colaadaha Yemen iyo Suudaan, "hadda waxay isku horfadhiyaan Itoobiya," ayuu yiri.

Jawar wuxuu ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay saldhigyo siisay xoogagga RSF ee la dagaallamaya ciidanka Suudaan.

Tani waxay "ka caraysiisay Sacuudiyaan badan," ayuu yiri. Inkastoo BBC-da aysan si gaar ah u xaqiijin sheegashadaas.

Falanqeeye Afrikaan ah, Cameron Hudson, ayaa BBC-da u sheegay in "aysan jirin caddayn" ilaa hadda ku saabsan arrintaas. Balse, taliyayaal ka tirsan ciidanka Suudaan ayaa ku eedeeyay Itoobiya in ay martigelinayso dagaalyahannada RSF.

Jawar wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan ciidammo hubeysan oo TPLF ah oo ku sugan Suudaan, warar kala duwanna hore ayay arrintan u xuseen.

Waxaa jiray warar sheegaya in TPLF ay la dagaallamayeen RSF iyagoo garab siinaya ciidanka Suudaan.

Sacuudi Carabiya waxaa la sheegay in ay xiriir adag la leedahay ciidanka Suudaan.

Intii uu booqashada ku joogay Sacuudi Carabiya, madaxweynaha Eritrea wuxuu ugu baaqay Sacuudiga in door weyn ay ka qaataan siyaasadda Afrika.

Itoobiya waxay xiriirro xooggan la sameystay Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Labada dalba waxay haystaan dhaqaale badan, sidoo kalena waxay ku jiraan tartan adag.

Si kastaba ha ahaatee, Jawar wuxuu sheegay in tartanka labadaas quwadood uu ka xoog badan yahay kana saameyn badan yahay khilaafka Itoobiya iyo Eritrea.

Itoobiya si cad ayay u sheegtay in Badda Cas ay tahay dano qaran.

Ciidanka Itoobiya ayaa hore u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta qorshahan.

Sidee ayey Itoobiya uga bixi doontaa xaaladdan? Ma ku guuleysan kartaa dowladdu habka hadda socda? Jawar wuxuu sheegay in Itoobiya u baahan tahay Badda Cas. "Waxa ugu muhiimsan waa awoodda," ayuu yiri.

Mas'uuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in ay dhisayaan ciidan iyo hub xooggan.

Raysalwasaare, Abiy Ahmed, ayaa hore u sheegay in dalka uu bilaabay soo saarista hub badan.

Jawar ma aaminsana taas. "Itoobiya waxay ku jirtaa qalalaase aad u adag," ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray, "Dhanka diblomaasiyadda, militariga, siyaasadda gudaha iyo xasilloonida, xaqiiqada ah in Itoobiya ay xoog ku qabsan doonto dhul yar dabadeedna ka faa'iideysan doonto. Taasi ma aha fikrad wanaagsan."

Wuxuu kaloo soo jeediyay in qalalaasaha Afrika uu ka dhalanayo danaha iyo is-khilaafaadka dalalka Bariga Dhexe.

"Arrinta Assab waa mid adag. Imaaraadku wuxuu doonayaa in uu ku lug yeesho, Sacuudiguna wuu soo socdaa.

Deked yeelashadu waa muhiim dhanka amniga iyo dhaqaalaha, balse laba arrimood waa in laga fogaadaa," ayuu yiri.

Tani waxay Itoobiya gelinaysaa dhibaatooyin gudaha iyo derisba, iyadoo dalalka cadowga loo yaqaan ay "gacanta u galayaan Masar."

Wuxuu sheegay in Itoobiya u baahan tahay in ay "si diblomaasiyadeed u diyaar garowdo" si ay u hesho bad.

Wuxuu ku boorriyay in arrinta lagu xalliyo wada-hadal goboleed oo faa'iido u leh Eritrea iyo Soomaaliya.

Xaaladda hadda jirta "waxay si weyn u kordhisay nuglaanshaha Itoobiya, waxaana aragnaa in waxyeelladu maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayso halkii ay faa'iido ka iman lahayd."

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in sumcadda iyo cadaadiska dalka ay sii kordheen, gaar ahaan kacdib dhammeystirka Biyo-xireenka Nile iyo kuwo kale.

Waxay sheegtay in Itoobiya loo doortay martigelinta shirarka isbeddelka cimilada, ku biirista BRICS iyo arrimo kale.

Raysalwasaare, Abiy, wuxuu ku tilmaamay Itoobiya "mid soo kabanaysa."

Laakiin Jawar wuxuu ku doodayaa in diblomaasiyadda Itoobiya aysan horumar sameyn ee ay "qaansada jebisay."

Toddobadii sano ee la soo dhaafay, ciidamada iyo hay'adaha amniga Itoobiya "waxay noqdeen kuwo curyaamay colaado," ayuu yiri.

Tani waxay "bur-burisay" dhaqaalaha Itoobiya, ayuu Jawar sheegay.Wuxuu yiri dalal badan waxay rabaan oo Itoobiya xasilloon oo amni.

"Sumcadda dal waxaa lagu cabbiraa ciidan xooggan iyo dhaqaale. Kadibna waxaa yimaada xiriirka diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay militari ahaan xoog badnayd xilligii boqor Xaylesilaase iyo raysalwasaare, Mallas Zenawi.