Saddexda halis ee sababa dhalmo la’aanta ragga

Dhalmo la’aanta ay la kulamaan lamaanuhu, ayaa si la mid ah dumarka waxay ka dimaaddaa dhanka ragga iyada oo saameysa 7% guud ahaan ragga caalamka, hase yeeshee dhalmo la'aanta ragga ayaa aad uga yar marka loo eego tan dumarka.

Mid ka mid ah sababaha arrintani waa hab-dhaqanka bulsho ee ku wajahan arrintan ama loo arko wax aad ugu xun sharafta ragga. Cilladdan jirta awgeed, dad badan ayaan ka hadlin oo waxay door bidaan inay ka aamusaan ama qarsadaan.

Cilmi baaris ayaa muujisay in dhibaatadu ay sii kordheyso. Waxyaabo badan, oo ay ku jirto wasakhowga hawada, ayaa saameeya bacriminta taranka ragga, waxaana suurtagal ah inay saameyn qoto dheer ku yeeshaan shakhsiyaadka la kulmay arrimahan iyo guud ahaan bulshada.

Dhaqtarka ayaa ku yiri Jennifer Hennington, 'Waan xallin karnaa dhibkaaga waana ku caawin karnaa', ka dib isla dhakhtarkii ayaa u soo jeestay ninkeeda, Ciaran Hennington, oo ku yiri, 'Laakin wax badan kuuma qaban karno adiga.

Lamaanahan, oo ku nool magaalada Yorkshire, ee waqooyi-bari England, waxay isku dayayeen in ay ilmo helaan muddo laba sano ah.

Tijaabooyin caafimaad ayaa daaha ka qaaday dhibaatooyin muujinaya in Ciaran ay tirada shahwadiisu hooseyso.

'Waan naxay,' Hennington ayaa sidaasi tiri oo weli wey xasuusataa falcelintiisii ka dib markuu ogaaday natiijada. Waan murugooday, Waxaan diiday inaan xaqiiqadan aqbalo. Waxaan u maleeyay in dhakhaatiirtu ay qaldameen.'

Mar walba wuxuu doonayey inuu aabbe noqdo, waxa uuna yiri. 'Waxa aan dareemay in aan khiyaamay xaaskayga.'

Sannadihii xigay, caafimaadkiisa maskaxeed ayaa xumaaday. Waxa uu bilaabay in uu waqti badan ku qaato sariirta kaligiis oo uu seexdo oo inta badan khamri cabo si uu naftiisa u dejiyo. Kadibna waxa uu bilaabay in uu cudurka cabsida.

"Waxaan gaaray meeshii ugu sarreysey ee dhibaatada nafsiga ah," ayuu yiri. Waxay ii ahayd wakhti madow.'

Dhibaatooyinka qarsoon ee dhalmo la'aanta

Qarnigii la soo dhaafay, tirada dadka adduunka ayaa aad u korortay. Kaliya 70 sano ka hor waxaa dhulka ku noolaa laba bilyan iyo bar qof oo keliya. 2022, dadka dunidu waxa ay hadda gaareen sideed bilyan.

Hase ahaatee, heerarka dhalashada adduunka oo dhan ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay.

Sababaha hoos u dhaca heerka dhalmada waxaa ka mid ah horumarrada ay dumarku sameeyeen sida madax-bannaanida dhaqaale ee haweenka iyo xakameynta caafimaadkooda dhanka taranka.

Cilmi baaris ayaa muujisay in isku-darka dhibaatooyinka taranka ay ku soo badanayaan ragga, oo ay ku jiraan tirada shahwada oo hooseeya, heerarka hormoonka ‘testosterone’ oo hooseeya iyo khatarta sii kordheysa ee cillada dareen yarida iyo kansarka xiniinyaha.

Unugyada dabaasha

‘Unugyada shahwadu waa cajiib, ayay tiri Sarah Martins da Silva, oo ah barfasoor ku takhasustay daawaynta taranka ahna dhakhtar haweenka oo ka howl gasha UK ayaa tiri, 'Aad bay u yar yihiin, way dabaashaan, waxay ku noolaan karaan meel ka baxsan jirka. Ma jiro unug kale oo ku noolaan kara meel ka baxsan jirka. Kuwani waa awoodo gaar ah oo aan caadi ahayn.'

Qaybaha muhiimka ah ee bacriminta waxaa ka mid ah awoodda shahwadu u leedahay inay si hufan u socoto, qaabkooda iyo cabbirkooda , iyo tirada shahwada.

Marka ninku u tago dhakhtarka si loo baaro caafimaadka taranka, kuwani waa waxyaabaha la hubiyp.

Hagai Levine, oo ah barfasoor ku takhasusay cudurrada faafa oo ka tirsan jaamacadda Hebrew ee Jerusalem, ayaa isaga iyo saaxiibbadiis 2022-dii,waxa ay daabaceen dib u eegis ku saabsan isbeddellada caalamiga ah ee tirinta shahwada.

Waxa ay ogaadeen in intii u dhaxaysay 1973 iyo 2018, tirada shahwada ay hoos u dhacday celcelis ahaan 1.2 boqolkiiba sannad walba, 10.4 milyan ilaa 4.9 milyan halkii marba. Ilaa sannadkii 2000, heerkani waxa uu gaaray in ka badan 2.6 boqolkiiba sannad walba.

'Ma ogin in xaaladdu soo wanaangsanaan karto iyo inkale'

Levine waxa uu leeyahay hoos u dhacan degdega ah ee awoodda shahwada waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay isbeddelada hiddo wadaha ee u dhexeeya jiilalka, iyo arrimaha deegaanka ama hab-nololeedka.

hoos u dhaca tirada shahwada waxay tilmaan u tahay caafimaad xumida aadanaha," ayuu yiri Levine. Waxaan wajahaynaa dhibaato caafimaad oo dadweyne mana garanayno in xaaladdani ay ka soo rayn doonto iyo in kale.' Ayuu sii raaciyay.

Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in dhalmo la'aanta ragga ay tahay saadaalin kamida dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka, inkastoo xiriirka saxda ah ee xaaladaha kale aan si buuxda loo fahmin.

Mid ka mid ah suurtogalnimada ayaa ah in arrimaha hab-nololeedka qaarkood ay door ka ciyaari karaan dhalmo la'aanta iyo dhibaatooyinka kale ee caafimaadka labadaba.

Isbeddelka qaab nololeedka shakhsi ahaaneed ayaa laga yaabaa inaanay ku filnayn si looga hortago hoos u dhaca tayada shahwada. Caddaynta sii kordhaysa waxay soo jeedinaysaa in khatar deegaan oo ballaaran ay jirto: kuwaas oo ah wasakhowga sunta ah ee hawada.

Cunto xumo, kacsanaanta neerfaha iyo khamriga.

Marka laga eego arrimaha deegaanka, dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed waxay sidoo kale keeni karaan dhaawac, sida cunto xumo, qaab nololeedka fadhiidnimada, kacsanaanta neerfaha, iyo khamriga ama daroogada, iyo wixii la mid ah.

ma jiraan wax uu qofku samayn karo si uu u ilaaliyo ama u kordhiyo tayada shahwada? Jimicsi iyo cunto caafimaad leh waxay noqon kartaa bilow wanaagsan sababtoo ah waxay la xiriiraan tayo wanaagga shahwada.