You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xabsiyadii Imaaraadku maamulayay ee Yemen oo laga soo sheegayo tacadiyo iyo xadgudubyo daran
BBC-da ayaa la siiyey ogolaasha xabsiyada ku yaalla saldhigyo militari oo horey uu maamulayey Imaaraadka Carabta oo ku yaalla Yemen, taasoo xaqiijinaysa eedeymo muddo dheer jiray oo ku saabsan shabakad xeryo qarsoon maamusha oo Imaaraadka maalgaliay iyo ciidamada isaga la howl gala ee ku jiray dagaalka sokeeye ee muddo tobanka sano ah ka socday Yemen.
Mid ka mid ah dadka halkaasi horey loogu xiray ayaa u sheegay BBC-da in la garaacay laguna faraxumeeyay meel ka mid ah goobahaas.
Waxaan aragnay xabsiyo ku yaal laba saldhig oo koonfurta dalka ah, oo ay ku jiraan kontoneerada wax lagu qaado oo ay ku qornaayeen magacyada - maxaabiista - iyo taariikho laga qoray dhinacyada.
Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsigeena ah in uu ka jawaabo arinkan, laakiin horey ayuu beeniyay eedeymo la mid ah.
Ilaa iyo mar dhaw, dowladda Yemen ee ay Sacuudigu taageeraan ayaa waxa ay xulufo ahaayeen Imaaraadka Carabta dagaalka lagula jira kooxda mucaardka ah ee Xuutiyiinta ee maamusha Waqooyi Galbeed ee Yemen.
Laakiin isbahaysiga u dhexeeya labada dowladood ee saaxibka ah ee gobolka Khaliijka ayaa kala fogaaday. Ciidamada Imaaraadka ayaa ka baxay Yemen horaantii bishaan Janaayo, ciidamada dowladda Yemen iyo kooxaha iyaga la mideysan ayaa dib u qabsaday qaybaha waaweyn ee koonfurta ee ay ka talinayeen gooni u goosatada taageero ka helaya Imaaraadka.
Taaasi waxaa ku jira dekedda Mukalla, halkaas oo aan ku soo degnay diyaarad ciidan oo Sacuudigu leeyahay, waxaana naloo kaxeeyey si aan u booqanno saldhigyada milateri ee hore ee Imaaradka Carabta ee aagga Dhoofinta Saliidda Al-Dhaba.
Waxa ku dhawaad ahayd wax aan macquul aheyn in suxufiyiinta caalamiga ah ay helaan fiisooyin ay kagasoo warramaan Yemen sannadihii ugu dambeeyay, laakiin dowladdu waxay martiqaadday wariyeyaasha si ay u eegaan labada goobood, iyagoo la socda Wasiirka Warfaafinta Yemen Moammar al-Eryani.
Waxa aan aragnay, waxay la jaanqaadaysaa warbixinno aan si madaxbannaan u ururinay, labadaba warbixinnadii hore ee aan tabinay iyo sidoo kale wareysiyo lagu sameeyey Yemen, oo gooni ka ah booqashada goobta ee ay maamusho dowladda.
'Ma jirto meel la jiifsado'
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa muddo sanado ah diiwaangelisay caddeymo ka hadlaya xarumaha noocaas ah.Qareen u dhashay dalka Yemen oo la yiraahdo Huda al-Sarari ayaa ururinayay kiisaskaas.
BBC-du si madax bannaan ayay uga qayb gashay kulan ay abaabushay, halkaas oo ku dhawaad 70 qof ay joogeen kuwaasoo sheegay in lagu hayay Mukalla, iyo sidoo kale qoysaska 30 kale oo ay sheegeen in qaraabadooda ay wali xiran yihiin.
Qaar ka mid ah maxaabiis hore ayaa noo sheegay in xabsi kasta oo konteenar ah uu qaadi karo ilaa 60 nin halkii mar.
Waxay sheegeen in maxaabiista indhaha laga xiray, gacmahana laga xiray, laguna qasbay inay taagnaadaan saacad kasta.
"Meel la jiifsado ma laha," mid ka mid ah maxaabiistii hore ayaa sdiaasi u sheegay BBC. "Haddii qof istaaga ka dhaco, kuwa kale waa inay hayaan."
Nooc kasta oo jirdil ah
Ninkaasi waxa uu sidoo kale u sheegay BBC in la garaacay muddo saddex maalmood ah ka dib markii la xiray, iyadoo kuwa su'aalaha weydiinaya ku qsabayeen inuu qirto inuu ka tirsan yahay al-Qaacida.
"Waxay i dhaheen haddii aadan qiran, waxaa laguu diri doonaa 'Guantanamo'," ayuu yiri, isagoo tixraacaya xarunta xabsiga millatariga Mareykanka ee Guantanamo Bay ee Cuba.
"Xitaa ma garanayn waxa ay ka wadeen Guantanamo ilaa ay i geeyeen xabsigooda. Markaas ayaan fahmay."
Waxa uu sheegay in halkaas lagu hayay hal sano iyo bar, maalin kastana la garaaci jiray laguna xadgudbi jiray.
"Xitaa si wanaagsan cunto nooma siin jirin," ayuu yiri. "Haddii aad musqusha u baahato, mar kaliya ayaa lagu ogolaanayaa. Mararka qaar oo aad si daran ugu baahantahay musqusha, waad isku kaadineysaa."
Wuxuu sheegay in dadka xabsiga ku hayey ay ka mid ahaayeen askarta Imaaraadka iyo maleeshiyaad Yemeni ah: "Nooc kasta oo jirdil ah - markii su'aalahnala weydiinayo waxay ahayd tan ugu xumeyd. Xitaa way na farxumeeyeen, waxayna yiraahdeen waxan idiin geyn doonaa 'dhakhtarka'.
"Dhakhtar ku sheegu waxa uu ahaa Imaaraad. Wuu na garaacay wuxuuna askarta Yemen u sheegay inay na garaacaan sidoo kale. Marar badan ayaan isku dayay inaan is dilo si aan u dhinto."
Imaaraadku waxa uu hormuud ka ahaa ololaha ka dhanka ah argagixisada ee koonfurta Yemen, laakiin kooxaha xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in kumanaan qof la xiray intii lagu jiray xakameynta siyaasiyiinta mucaardka iyo dadka wax dhaliila.
Hooyo ayaa noo sheegtay in wiilkeedu la xiray isagoo dhallinyaro ah isla markaana xabsiga lagu hayey 9 sano.
"Wiilkaygu wuxuu ahaa ciyaaryahan," ayay tiri. "Waxuu ka soo laabtay tartan dibadda ah. Maalintaas wuxuu aaday jimicsiga welina dib uma soo noqon."
"Muddo 7 bilood ah wax war ah kama maqal," ayay tiri.
"Markaas kadib ayay ii oggolaadeen inaan 10 daqiiqo arko. Waxa aan arkay dhammaan nabarrada dhaaawac ee jirdilka."
Caddeeymaha eedeymaha
Intii lagu jiray tobankii sano ee la soo dhaafay, kooxaha xuquuqda aadanaha iyo ururrada warbaahinta - oo ay ku jiraan BBC iyo Associated Press - ayaa diiwaangeliyay eedeymo ku saabsan xabsi aan sharciyeysneyn, dad qasab lagu qabtay oo la waayey iyo jirdil xarumahaa xabsiyada ay maamulaan Imaaraadka Carabta iyo xulafadiisa.
Ururka xuquuda aaadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay sannadkii 2017 inay uruurisay caddeymo ka yimid maxaabiis la hayay iyada oo aan wac dacwad ah lagusoo oogin ama aan la hor keenin garsoor, loona geystay in lagu garaaco koronto iyo noocyo kale oo jirdilka.
Imaaraadku waa uu beeniyay eedeymahaas loosoo jeediyay.
BBC-da waxay dowladda Imaaraadka u dirtay eedeymo faahfaahsan oo ku saabsan goobaha xabsiyada ee aan booqannay iyo kiisaaska ku saabsan tacaddiyada, laakiin wax jawaab ah kama aysan bixin.
Dhammaan dhinacyada waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah ee dagaalka sokeeye, kaas oo keenay xaalad bani'aadamnimo ee ba'an ee dalka.
Su'aalaha qoysaska
Qoysaska maxaabiista ayaa u sheegay BBC-da inay marar badan cabashadooda u sheegeen maamulka Yemen.
Waxay aaminsan yihiin in aanay suurta gal ahayn in Imaaraadka Carabta iyo xulafadeeda ay maamulaan shabakad xabsi iyada oo aan dowladda Yemen iyo Sacuudiga oo taageera aanay ka warqabin.
Laakin Wasiirka warfaafinta, Eryani, ayaa yiri: "Ma yanan awoodin inaan galno goobaha ay maamulayeen Imaaraadka Carabta ilaa lagasoo gaaro hadda."
"Markii aan ka xoreynay waxa aan ogaanay xabsiyadan, dad badan oo dhibbane ah ayaa noo sheegay inay jireen, laakiin ma aaminsaneyn inay run tahay."
Go'aanka xukuumaddiisu ku ogolaatay warbaahinta caalamiga ah ayaa imaanaya iyadoo khilaafka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta uu sii kordhayo.
Maxaabiis 'wali la hayo'
12-kii Janaayo 2026, Madaxweynaha Golaha Hoggaaminta Madasha Madaxtooyada Yemen, kaas oo kormeera dowladda, Rashad al-Alimi, ayaa amray in la xiro dhammaan xabsiyada 'sharci-darrada ah' ee gobollada koonfureed ee horey ay gacanta ugu hayeen STC, isaga oo dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo kuwa 'lagu hayo meel ka baxsan xabsiyadaas'.
Eryani waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka la xiray lagu helay gudaha xabsiyadaas, laakiin ma uusa bixin tiro ama faahfaahin dheeraad ah.
Qaar ka mid ah qaraabada - oo ay ku jirto hooyada ciyaaryahanka - ayaa BBC u sheegay in dadka la xiray tan iyo markii loo wareejiyay xabsiyo hadda ay si magac u yaal ah u hoos yimaada xukuumadda.
Mas'uuliyiinta Yeman ayaa sheegaya in wareejinta maxaabiista nidaamka caddaaladda rasmiga ah ay tahay arrin adag, iyadoo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ka digayaan in xariga sharci darada ah uu u sii socon karo iyadoo ay mamaulayaan kooxa kala duwan.
"Argagixisadu waxay joogaan meel ka baxsan waddooyinka," ayay hooyadu tiri.
"Wiilasheenu ma aha argagixiso."