You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa ka jira in ICE ay xireen ilmo 5 jir ah, maxayse tahay sababta
Wiil 5 jir ah ayay Talaadadii xireen askarta Waaxda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE) xilli uu socday howlgal ka dhan ah socdaalka aan caadiga ahayn ee Minnesota, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dugsiyada gobolka.
Liam Ramos oo ku dhow da'da iskuulka lagu geeyo carruurta ayaa la joogay aabihiis, kaas oo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ay u aqoonsatay Adrian Alexander Conejo Arias, markii ay askartu ugu yimaadeen albaabka gurigooda.
"ICE ma beegsan ilmo," DHS ayaa ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta X.
"January 20-keedii, ICE waxay samaysay hawlgal qorshaysan oo lagu xidhay Adrian Alexander Conejo Arias, oo ah soo galooti bilaa dukumenti ah oo ka yimid Ecuador kaas oo maamulka Biden uu ku sii daayay Maraykanka".
Inkastoo DHS ay sharraxaad ka bixisay, misna xarigga waxaa su'aal ka keenay maamulka dugsiga deegaanka.
"Maxay u xirayaan ilmo 5 jir ah?" ayey su'aashay Zena Stenvik, Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Columbia Heights, intii lagu jiray shir jaraa'id oo dhacay Arbacadii.
"Ha ii sheegin ilmahan waxaa lagu sifeynayaa dambiile rabshado wata".
Sawirro uu siiyay BBC-da iskuulka degmada ayaa muujinaya wiil lagu magacaabo Liam Ramos, oo xiran koofiyad kuwa qaboobaha u eg, oo taagan waddada halka askari uu gacanta ku hayo boorsadiisa.
Ruqsad la'aan tarxiil
Marc Prokosch, qareenka u doodaya qoyska, ayaa u sheegay suxufiyiinta in Liam iyo aabihiis ay u badan tahay inay hadda ku jiraan xarun lagu hayo oo ku taal Texas.
Saraakiisha iskuulka ayaa tilmaamay in aabaha kiiskiisa magangalyo doonka uu weli socdo, oo uusa n shaqo ku lahayn wax amar masaafurin ah.
Ilmuhu waxa uu ka yimid guriga wakhtiga la xirayay, sida uu sheegay Stenvik.
Xilliga la xirayay, mas'uuliyiinta iskuulka ayaa ku sugnaa guriga Ramos si ay taageero ugu fidiyaan, sida uu sheegay maamulaha iskuullada.
Stenvik waxa uu sheegay in ICE ay dhawaan xirtay afar arday oo aan qaan-gaarin oo ku nool dugsigiisa, oo ay ku jiraan wiil 10 jir ah iyo laba dhallinyaro ah oo 17 jir ah.
Waaxda amiga gudaha ee DHS si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsigii BBC ee ahaa inay ka faalloodaan kiiskan.
Qoraalkeeda ay soo dhigtay X, ayaa waaxda DHS waxay ku tilmaantay xarigga "hawlgal la beegsaday".
"Si loo xaqiijiyo badbaadada ilmaha, mid ka mid ah askarteenna ICE ayaa la joogay isaga halka askarta kale ay xireen Conejo Arias," ayaa lagu daray bayaanka.
"Waalidiinta waxaa la waydiiyaa haddii ay rabaan in lala tarxiilo carruurtooda, ama haddii ay doorbidaan in ICE ay carruurta ku wareejiso qof la aamini karo oo ay u qoondeeyeen. Tani waxay waafaqsan tahay siyaasadaha fulinta socdaalka ee maamuladii hore".
Sida laga soo xigtay Stenvik, qof kale oo weyn oo guriga ku nool ayaa codsaday in ilmaha la keeno, laakiin waa loo diiday. Sababta ma cadda.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha dugsiga ayaa ku andacoonaya in sarkaalka uu wiilka ka codsaday inuu garaaco albaabka guriga si uu u eego haddii qof kale uu ku jiro.
Guddoomiyaha Guddida Dugsiyada Dadweynaha Columbia Heights Mary Granlund ayaa hadal ay soo saartay ku tir, "Caruurteenu waa in aanay ka cabsan in ay aadaan dugsiga ama aanay sugin meesha baska laga raaco".
"Qoysaskoodu waa inaysan ka baqin inay carruurtooda geeyaan ama ka soo qaadaan dugsiga".
DHS waxay ku andacoonaysaa inay xirayso "dambiilayaasha aan sharciga lahayn ee ugu khatarta badan" si loo soo celiyo nabadgelyada dadweynaha ee Minnesota.
Shir jaraa'id oo uu qabtay Talaadadii, Gregory Bovino oo ka tirsan Ilaalada Xuduudaha Mareykanka ayaa ka hadlay howlgalka guud ahaan, wuxuuna yiri "Howlgalladeennu waa kuwo sharci ah, oo bartilmaameed leh, waxayna diiradda u saaran tahay shakhsiyaadka khatarta weyn ku haya bulshadan".
Howlgalka ayaa waxa uu caro ku dhaliyay dadka ku nool Minneapolis, St.Paul iyo magaalooyinka kale ee gobolka.
7dii Janaayo, haweeney lagu magacaabo Renee Good ayaa dhimatay ka dib markii uu toogtay askari ka tirsan ICE markii ay soo faragelisay weerar ka dhacay Minneapolis, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo dhan ah iyo cambaareyn uga timid mas'uuliyiinta deegaanka iyo gobolka.