Maraykanka oo shaaca ka qaaday qorshaha lagu abuurayo "Qasa cusub" oo leh daaro dhaadheer

Maraykanka ayaa daaha ka qaaday qorshayaal uu ku abuurayo "Qaza cusub" taas oo dhulka Falastiin ee burburay dib looga soo dhisi doono meel eber ah.

Qorshahaas la soo bandhigay ayaa muujinaya tiro dhismayaal dhaadheer oo ku fidsan xeebta Mediterranean-ka iyo kuwo la dego oo ku yaala aagga Rafax, iyo sidoo kale khariidad muujinaysa horumarinta wejiyada leh ee deegaamaynta, beeraha iyo warshadaha cusub ee dhulka ay ku nool yihiin 2.1 milyan ee qof.

Arrintan waxay timid intii lagu jiray xaflad lagu saxiixayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ee Golaha Nabadda ee cusub ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo loo xilsaaray soo afjarida dagaalka labada sano socday ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas iyo kormeerida dib u dhiska.

Trump ayaa ku yiri "Guul weyn ayaan ka gaari doonnaa Qaza, waxay noqon doontaa wax cajiib ah in la daawado".

Trump waxa uu intaa ku daray, "Anigu waxaan ahay nin hanti ma guurto ka shaqeeya, waxayna arrintan ku saabsan tahay goobta, waxaan iri, 'Bal u fiirso meeshan badda u dhow, bal u fiirso goobtan quruxda badan, maxay uga dhigan tahay dad badan".

Jared Kushner oo ah wiilka uu Trump soddogga u yahay, oo gacan ka geystay dhexdhexaadinta xabbad-joojintii hirgashay bishii Oktoobar, ayaa sheegay in 90,000 oo tan oo rasaas ah lagu riday Qaza, wuxuuna sheegay inay jiraan 60 milyan oo tan oo burbur ah oo loo baahan yahay in la nadiifiyo.

Khariidadda "qorshaha guud" ee Maraykanka ayaa muujisay aag loo qoondeeyay "dalxiiska xeebta," halkaas oo ay jiri doonaan 180 dhismeyaal dhaadheer marka lagu daro tiro deegaanno ah oo ah "goobaha ay ddku degayaan," "qalabka warshadaha, xarumaha xogta iyo wax soo saarka sare," iyo "goobaha, beeraha iyo goobaha ciyaaraha."

Deked cusub iyo garoon diyaaradeed ayaa laga dhisi doonaa meel u dhow xuduudka Masar, waxaana jiri doona "isgoys saddex geesood ah" oo ay ku kulmaan xudduudaha Masar iyo Israa'iil.

Geedi socodka dib u dhiska ayaa loo qaybin doonaa afar waji, laga bilaabo Rafax ka dibna si tartiib tartiib ah ayaa loogu dhaqaaqi doona waqooyiga dhanka magaalada Gaza.

Khariidadda ayaa sidoo kale muujinaysa dhul maran oo ku yaalla xadka Masar iyo Israa'iil. Tani waxay u muuqataa inay u taagan tahay waxa qorshaha Trump ee 20-ka ah uu ku tilmaamayo "aagga amniga" halkaasoo ciidamada Israa'iil ay sii joogayaan "ilaa ay Qasa noqonayso meel amni waafi ah uu ka jiro".

Qayb kale ayaa tilmaamaysa in "Rafax Cusub" ay ka koobnaan doonta in ka badan 100,000 guri oo joogto ah, 200 xarumo waxbarasho, iyo 75 xarumo caafimaad.

Magaaladan oo ku taalla koonfurta fog ee marinka Qaza ayaa waxaa ku noolaa ilaa 280,000 oo qof, balse waxaa inta badan dhulka la simay duqeymo ay Israa'iil ka intii uu socday dagaalka, waxayna hadda ku taallaa gudaha dhulka ay Israa'iil maamusho.

Kushner waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in ay suurtogal tahay in lagu dhamaystiro dhismaha "Rafax Cusub" laba ilaa saddex sano gudahood.

"Waxaan horeyba u bilownay inaan qaadno burburka oo aan fulinno qaar ka mid ah hawlgallada burburinta. Kadib Gaza cusub. Waxay noqon kartaa rajo, ama meel loo socdo, oo leh warshado badan."

Waxa uu intaa ku daray in toddobaadyada soo socda uu magaalada Washington ka dhici doono shir lagu shaacinayo deeqaha ay waddamadu ka geysanayaan, isla markaana lagu ogaanayo "fursadaha maalgashiga ee yaabka leh" ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Bishii Febraayo, Trump wuxuu caro ka dhaliyay adduunka oo dhan markii uu soo jeediyay suurtagalnimada in si joogto ah Falastiiniyiinta Qaza loogu raro waddamada deriska ah, iyada oo Maraykanku la wareegay aagga si uu u beddelo "Riviera-da Bariga Dhexe."

Kushner ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in hub ka dhigista Gaza "ay bilaabanayso hadda," isagoo xusay "ammaan la'aan, qofna ma samayn doono maalgashi".

Waxa uu sheegay in guddiga farsamada cusub ee Falastiiniyiinta ee arrintan, oo ah Guddiga Qaranka ee Maamulka Qaza, "waxay la shaqeyn doonaan Xamaas hub ka dhigista si ay u guurto mabaadi'da lagu heshiiyey dukumeentiga marxaladda xigta."

Xamaas ayaa horay u diiday in ay hubka iska dhiibto iyada oo aan la dhisin dowlad madax banaan ee Falastiin.

Balse Trump ayaa u digay Xamaas, isagoo yiri: "Waa inay iska dhiibaan hubkooda, haddii aysan taasi dhicinna waa ay dhammaan doontaa".

Trump ayaa sidoo kale ku adkeystay in Xamaas ay ku soo wareejiso meydkii la haystayaashii ugu dambeeyay ee Israa'iil lagu dilay Qaza, arrin ay Israa'iil sheegtay in ay ahayd in ay dhacdo ka hor inta aan la billaabin wajiga labaad ee qorshaha nabadda todobaadkii hore.

Wajigii koowaad, Xamaas iyo Israa'iil waxay ku heshiiyeen xabbad joojin, in dhammaan la haystayaasha Israa'iil ee nool iyo kuwa dhintay ee Qaza lagu haysto lagu beddelo falastiiniyiinta ku jira xabsiyada Israa'iil, in Israa'iil qayb ka baxdo, iyo kordhinta shixnadaha gargaarka bini'aadannimo.

Xabbad-joojinta ayaa ah mid weli jilicsan, iyadoo ugu yaraan 477 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqaymaha Israa'iil saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza. Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in saddex ka mid ah askartooda lagu dilay weerarro ay qaadeen kooxo hubeysan oo Falastiiniyiin ah.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas, oo maamulkiisu uu maamulo qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa ku baaqay in si buuxda loo fuliyo qorshaha nabadda, oo ay ku jirto ka bixitaanka ciidamada Israa'iil iyo in maamulka Falastiin la siiyo doorka dhexe ee maamulka Gaza.

Madaxa guddiga farsamada ee Falastiiniyiinta ee maamula Qaza, Cli Shaath, ayaa ku dhawaaqay in xadka Rafax ee Masar uu dib u furmi doono toddobaadka soo socda labada dhinac. Waxa ay xirneyd tan iyo bishii May 2014, markaasoo ciidamada Israa'iil ay qabsadeen dhanka Falastiin.