You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo dib uga gurtay hanjabaaddii uu horey ugu diray Yurub
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuusan mar dambe qorshaynayn inuu canshuuro ku soo rogo dalalka Yurub ee horay uga soo horjeestay hammigiisa ah in Maraykanku helo Greenland.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Trump wuxuu sheegay in go'aankiisu yimid kaddib "kulan wax-ku-ool ah" oo uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Nato, Mark Rutte.
"Xalkan, haddii la dhammaystiro, wuxuu noqon doonaa mid aad ugu wanaagsan Maraykanka iyo dhammaan waddamada Nato," ayuu qoray. Xooghayaha Nato weli ma xaqiijin natiijada kulankaas.
Horey Arbacadii, Trump wuxuu Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland, ka sheegay inuusan adeegsan doonin xoog militari, balse uu doonayo wadahadallo degdeg ah si loo sugo lahaanshaha dhulkaas, oo uu ku adkaystay inuu muhiim u yahay amniga qaranka Maraykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark, Lars Løkke Rasmussen, ayaa bayaan ku sheegay: "Maalintu waxay ku dhammaanaysaa xaalad ka wanaagsan sidii ay ku bilaabatay."
Wuxuu intaas ku daray: "Hadda aynu wada fariisanno oo aynu ogaano sida aan uga jawaabi karno welwelka amni ee Maraykanka ee Arctic-ga, annagoo ixtiraamayna xuduudaha aan la gudbi karin ee Boqortooyada Denmark."
Markuu Arbacadii go'aankiisa ku shaaciyay Truth Social, Trump wuxuu sheegay in faahfaahin dheeraad ah la bixin doono "marka wada-xaajoodyadu sii socdaan."
Wuxuu kaloo sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, iyo Ergeyga Gaarka ah, Steve Witkoff, ay "si toos ah" ugu soo warrami doonaan isaga inta wada-hadalladu socdaan.
Trump wax faahfaahin ah oo kale ma bixin, taasoo dhalisay su'aalo ku saabsan in laga wada hadlay iib ama kirayn, sida heshiis suurtagal ah uga jawaabi doono welwelka amni ee uu mar walba sheegay, iyo waxa ay Denmark oo maamusha dhulkaas ka qabto heshiis noocaas ah.
Saacado kaddib, qaar ka mid ah faahfaahinada ayaa bilaabatay inay soo baxaan.
Trump wuxuu CNBC u sheegay in heshiisku socon doono "weligiis," isla markaana uu ku jiri karo xuquuqda macdanta iyo nidaamka difaaca gantaallada ee la qorsheeyay ee Golden Dome, kaas oo loo arko gaashaan, si Maraykanka looga ilaaliyo weerarro gantaallo fog-fog ah.
Marka lagu daro goobta juqraafiyadeed ee ay dhacdo Greenland, maamulka Trump wuxuu ka hadlay kaydkeeda ballaaran oo inta badan aan weli la qodin ee macdanta naadirka ah, kuwaas oo muhiimad u leh tignoolajiyada sida taleefannada gacanta iyo gaadiidka korontada ku shaqeeya.
Kaddib qoraalkaas, Trump wuxuu CNN uga sheegay Davos in qaabka heshiiska Greenland uu "si aad ah u horumarsan yahay" isla markaana uu "na siinayo wax walba oo aan u baahnayn," gaar ahaan "amniga dhabta ah ee qaranka iyo amniga caalamiga ah."
Si kastaba ha ahaatee, ma uusan sheegin in qaabkaasi uu ku jiro lahaanshaha buuxa ee Maraykanka ee Greenland.
Trump horay ayuu u diiday fikradda kiraynta Greenland, isagoo sheegay: "Waxaad difaacdaa lahaansho. Ma difaacdid kirayn."
Sida ay qortay New York Times, qorshuhu wuxuu Maraykanka siin lahaa lahaanshaha qaybo yar-yar oo dhulka Greenland ah, halkaas oo Maraykanku ka dhisi karo saldhigyo militari.
Saraakiil ka qaybgalay kulan Nato ah oo arrintan looga hadlay Arbacadii ayaa wargeyska u sheegay in nidaamka la filayo uu la mid noqon doono saldhigyada Ingiriiska ee Qubrus, kuwaas oo ka mid ah Dhulalka Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska.
Heshiisyada hadda jira ee u dhexeeya Denmark iyo Maraykanka, Maraykanku wuxuu Greenland keeni karaa ciidamo intii uu rabo. Wuxuu horey ugu lahaa in ka badan 100 askari oo si joogto ah u jooga saldhigga Pituffik ee waqooyi-galbeed ee dhulkaas.
Afhayeenka Nato, Allison Hart, ayaa bayaan ku sheegtay in kulanka ay Trump iyo Rutte "kaga wada hadleen muhiimadda weyn ee amniga gobolka Arctic-ga u leeyahay dhammaan xulafada, oo ay ku jirto Maraykanka."
Waxay kaloo tiri: "Wada-xaajoodyo u dhexeeya Denmark, Greenland, iyo Maraykanka ayaa sii socon doona, si loo hubiyo in Ruushka iyo Shiinuhu waligood helin meel ay ka qabsadaan—dhaqaale ama militari—Greenland."
Trump horay ayuu u sheegay inuu qorshaynayay inuu saaro canshuur 10% ah "dhammaan badeecadaha" laga soo diro Ingiriiska ee la geeyo Maraykanka laga bilaabo 1 Febraayo, uuna ku kordhinayo 25% laga bilaabo 1da Juun, ilaa heshiis laga gaarayo in Washington ay Denmark ka iibsato Greenland.
Waxaa ay isla arrintaasi ay khuseen lahayd badeecadaha ka imaanaya Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, Netherlands iyo Finland—kuwaas oo dhammaantood xubno ka ah Nato, oo la aasaasay 1949.
Khudbad uu Arbacadii ka jeediyay Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, Trump wuxuu sheegay inuu "raadinayo wada-xaajoodyo degdeg ah" si loo helo Greenland, balse uu ku adkaystay in Maraykanku uusan xoog ku qabsan doonin dhulkaas.
"Malaha waxba ma heli doonno ilaa aan go'aansado inaan adeegsado xoog xad-dhaaf ah. Ma jiri lahayn cid naga hor istaagta, balse sidaas ma samaynayno," ayuu yiri Trump. "Uma baahni inaan xoog adeegsado. Ma doonayo inaan adeegsado xoog. Ma adeegsan doono xoog."
Wuxuu kaloo ku boorriyay hoggaamiyeyaasha adduunka inay u oggolaadaan Maraykanka inuu kala wareego Denmark maamulka Greenland, isagoo yiri: "Waad dhihi kartaan haa, annaguna aad baan idiinku mahadcelin doonnaa. Ama waad dhihi kartaan maya, annaguna waan xusuusan doonnaa."
Si kastaba, Trump wuxuu muujiyay inuusan aqbali doonin heshiisyo ku saabsan isticmaalka Maraykanka ee Greenland oo aan gaarin lahaansho buuxda.
Khudbad uu Davos ka jeediyay maalin ka hor, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhaleeceeyay hanjabaaddii hore ee Trump ee canshuuraha, isagoo sheegay in "ururin aan dhammaad lahayn oo canshuuro cusub ah" oo ka imanaya Maraykanka ay tahay "wax aan gebi ahaanba la aqbali karin."
Macron wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ku boorinayay Midowga Yurub inuu tixgeliyo tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah canshuuraha cusub ee Maraykanka.
Khudbaddiisa, Trump wuxuu weerar afka ah ku qaaday Macron, isagoo sheegay in Faransiisku uu "Maraykanka khiyaamaynayay" tobannaan sano.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday Ra'iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, oo Talaadadii ka hadlay Davos, kuna baaqay in "dalalka awoodda dhexe" sida Australia, Argentina iyo dalkiisa ay midoobaan, isagoo yiri: "Haddii aynaan miiska joogin, annaga ayaa miiska saaran."
Jawaab ahaan, Trump wuxuu ku eedeeyay Carney inuusan Maraykanka u mahadcelin.
"Canada waa ay nooshahay Maraykanka sababtiisa," ayuu yiri Trump. "Xusuusnow taas, Mark, marka xigta ee aad hadallo jeedinayso."