You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay muujinayaan sawirrada uu faafiyay madaxweynaha Somaliland?
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro u muuqday inay qayb ahaan ka jawaabayaan su'aalo maamlihii lasoo dhaafay ka taagnaa baraha bulshada oo ku aaddan qorsheyaasha socdaalkiisa.
Sawirrada ayaa muujinayay isaga oo saaran diyaarad helikobtar ah oo leh lambarka duullimaadka HB-ZYI.
Diiwaannada duulista ee dadweynaha, sida ADS-B ayaa tilmaamaya in helikobtarkaasi ka diiwaangashan yahay Switzerland.
Lama hubo in hadda helikabtartaasi ku sugan tahay hawada Switzerland, oo magaaladiisa Davos uu ka socdo shir-sanadeedka World Economic Forum ee 2026.
Haddaba, maxay tahay Davos, maxaase maalmahan muhiim ka ka dhigaya magaaladaas yar?
Davos waa magaalo ku taalla Buuraha Alps-ka ee Switzerland, sannad kasta bilowgiisa waxay noqotaa mid ka mid ah goobaha siyaasadda caalamka lagu qaadaa-dhigo. Tan iyo 1971, waxay martigelinaysa World Economic Forum, oo ahshir sannadle ah oo ay isugu yimaadaan madax dowladeed, hoggaamiyeyaal ganacsi, dhaqaale-yahanno, iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah.
Shirkaan Davos waxaa loo abaabulaa inuu noqdo goob ay ku wadahadlaan labada awoodood ee dunida haga, oo kala ah awoodda siyaasadeed iyo tan dhaqaale.
Marka laga soo tago khudbada rasmiga ah, Inta badan waxa ka dhaca Davos waxay u badan yihiin shirar albaabaduu xiran yihiin, iyo wada-hadallo aan rasmi ahayn oo barbar socda kulamada bulshada u furan.
Inta uu shirku socdo, ammaanka Davos iyo nawaaxigeedaba aad baa loo adkaa. Sida hay'adda madaniga ee Switzerland qabto, hawada dalka aad boo loo xaddidaa, iyadoo miisaan gaar ah la siiyo cida imanaysa Davos mudadaas.
Shirku sanadkan wuxuu imanayaa xilli ay taagan tahay xiisad caalami ah oo sii kordhaysa. Sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha, ajandaha 2026 wuxuu diiradda saaraya xasillooni-darrada siyaasadeed ee caalamka ka jidha, kala qaybsanaanta dhaqaalaha, la-jaanqaadka isbeddelka cimilada, iyo nidaaminta teknoolojiyadaha xawliga ku kobcaya ee AI-gu ugu horreeyo.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in Madaxweyne Cirro uu ka qaybgalayo shirka, ama uu ku lug leeyahay kulan doceedyada, ama uu si ku-meel-gaar ah uga sii gudbayay magaalda oo uusan shirka door ku lahayn.