Yemen iyo marinnadeeda badda: Tartanka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka

Xiisaddu u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii kordhaysa , waxaana ugu dambeeyay cambaarayn adag oo ka timid telefishinka dawladda Sacuudiga ee Al-Ekhbariya, kaas oo ku eedeeyay dowladda Imaaraadka inay hurinayso olole warbaahineed oo ka dhan ah Boqortooyada.

Warbixin laga baahiyay Axaddii, kanaalkaasi wuxuu sheegay in Sacuudi Carabiya aysan ka waaban doonin inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ka dhanka ah cid kasta oo wax u dhimaysa ama khatar gelisa amniga qaranka.

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi, waxaa soo baxaya su'aalo ka baxsan khilaafaadka muuqda, kuna wajahan xudunta khilaafka juqraafi-siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

Mid ka mid ah su'aalaha ugu muhiimsan ayaa ah: ma marinnada biyaha ayaa noqday goob tartan qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin oo u dhexeysa labada dal oo deriska ah kana wada tirsan Khaliijka?

Su'aashani waxay si toos ah inoogu hoggaaminaysaa Yemen, oo leh in ka badan 2,000 kiiloomitir oo xeeb ah oo ku teedsan Badweynta Hindiya, Badda Carabta, iyo Badda Cas, isla markaana ay maraan qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga caalamka. Yemen sidoo kale waxay gacanta ku haysaa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, kaas oo ay maraan maraakiib ganacsi iyo kuwo milatari, kuwa sida shidaalka Sacuudiga.

Ahmiyadda Yemen iyo marinkeeda badda ay u leeyihiin ganacsiga iyo amniga gobolka

Cilmi-baare Yemeni ah oo ku takhasusay arrimaha Yemen, Baraa Shiban, kana tirsan Machadka Royal United Services Institute for Defence and Security, ayaa tilmaamaya in Imaaraadka Carabta uu leeyahay joogitaan ballaaran oo ka jira biyaha gobolka, taas oo uu ku xaqiijiyay maalgelin uu ka sameeyay meelo kala duwan sida Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera, sidoo kale saldhigyo milatari oo Imaaraadku ku leeyahay Eritrea, iyo kuwo kale oo uu hore uga lahaa Yemen ka hor inta uusan ka bixin halkaas dhamaadkii 2025.

Wareysi uu siiyay BBC laanta Caribiga, Shiban wuxuu ku dooday in joogitaanka gobolka ee Imaaraadka Carabta uu ku saleysan yahay joogitaan xooggan oo ka jira biyaha dhuleed, iyo xiriir dhow oo uu la leeyahay Mareykanka, si uu uga fududeeyo Mareykanka qayb ka mid ah culayska la xiriira sugidda amniga badda iyo badbaadada marin-badeedka caalamiga ah. Sida uu aragtidiisa qabo, arrintani waxay keentay nooc tartan ah oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya.

Shiban wuxuu sharraxay in Imaaraadka Carabta, iyada oo loo marayo maalgelinta ay ku sameysay dhisidda shabakad ciidan hubeysan iyo saldhigyo milatari oo ka jira Yemen, iyo sidoo kale maalgelinteeda dekedda Berbera ee Somaliland, ay ku dadaashay inay xoojiso joogitaankeeda iyo saamaynteeda dekedda Cadan. Wuxuu xusay in gacanta ku haynta dekeddan ay siin lahayd joogitaan muuqda oo ay ku yeelato badda. Hase yeeshee, Shiban wuxuu adkeeyay in mashruucan uu dhammaaday kaddib markii Sacuudi Carabiya, iyada oo taageeraysa dawladda Yemen, ay ku guulaysatay inay Imaaraadka ka saarto dekedaha Yemen iyo guud ahaan dalka.

Dhanka kale, Amjad Taha, oo ah istiraatiijiyahan siyaasadeed oo u dhashay Imaaraadka, wuxuu aaminsan yahay in arrintan loo eegi karo dhowr heer: "Marka koowaad, Cadan waa albaabka dabiiciga ah ee koonfurta Yemen, xasilloonideeduna waxay u adeegtaa Yemen gaar ahaan iyo guud ahaan gobolka. Marka labaad, Somaliland waxay tahay goob saadka ah oo ku taalla dhinaca kale, kana caawinaysa kala-duwanaanshaha marinada, yaraynta cadaadiska, iyo taageeridda horumarinta maxalliga ah."

Wuxuu u arkaa in xiriirka u dhexeeya labada dhinac (Cadan iyo Somaliland) uu yahay mid is-dhammeystiraya, isla markaana horumarinta adeegyada labada dhinac ay yareynayso burcad-badeednimada, tahriibinta, iyo hawlaha kooxaha xagjirka ah.

Wareysi uu siiyay BBC Laanta Carabiga, Taha wuxuu intaas ku daray: "Bab al-Mandab maanta waa marin ciriiri ah oo caalami ah, wax kasta oo carqalad ku yimaaddana waxay saameyn ku yeelanayaan ganacsiga, tamarta, cuntada, xitaa caymiska maraakiibta. Sidaa awgeed, amnigiisa laguma ilaaliyo hadallo oo keliya, balse waxaa lagu xaqiijiyaa dhaqaale firfircoon oo ka jira labada dhinac, kaas oo ka hortaga fowdada iyo soo dhex-galka argagixisada, oo ay ku jiraan kooxo sida Ikhwaanul Muslimiin iyo jihaadiyiinta," sida uu aaminsan yahay.

Sidee ayuu iskaashiga Imaaraatka iyo Israa'iil kor ugu qaadi karaa walaaca Sucuudiga?

Is-ballaarintan Imaaraadka waxay loo fasiray inay tahay nooc iskaashi la leh Israa'iil kaddib marka labada dhinac ay caadiyeeyeen xiriirkooda, iyo kaddib markii Israa'iil ay u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Habkan ayaa isku dhacay aragti kale oo Sacuudiga ah, gaar ahaan marka la eego Badda Cas.

Cilmi-baaraha reer Yemeni Baraa Shiban ayaa yiri: "Haddii aan rabno inaan aragno aragtida Sacuudiga, ugu yaraan marka la eego gobolka Somaliland, Sacuudigu waxay aaminsan yihiin in ay jirto nooc isbahaysi ah oo u dhexeeya Israa'iil iyo Imaaraadka si loo xoojiyo joogitaanka Israel meelaha aan sida caadiga ah saaxiib la aheyn Israel," taasoo tilmaamaysa in Israa'iil ay isku dayayso inay ka faa'iideysato Heshiisyada Abraham ee ay la gashay Imaaraadka 2020 si loo xoojiyo joogitaankeeda qaybtan muhiimka ah ee adduunka.

Dhankiisa, Amjad Taha wuxuu ku dooday in marin-biyoodku uusan u ahayn Imaaraadka Carabta kaliya muhiimad juqraafi-siyaasadeed, balse uu yahay laf-dhabarta kaabayaasha dhaqaalaha ee barwaaqadiisa. Imaaraadku wuxuu ku tiirsan yahay booskiisa sidii inuu yahay isku-xiraha Bariga iyo Galbeedka, soo-saaraha iyo macaamilka, iyo suuqa iyo fursadda. Wuxuu adkeeyay in wax kasta oo carqaladeeya marinadan ay si toos ah u saameeyaan sicir-bararka iyo silsiladaha badeecooyinka, arrintaasi oo ay Imaaraadku ku dadaalayso inay ka fogaato.

Marinnada badda ee u dhaxeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka

Danta is-dul-saaran ee dhinacyada ka jira gobolkaas iyo isbeddellada ku imaan kara miisaanka awoodda ayaa ka dhigay sawirka mid aad u adag.

Aragtida Baraa Shiban, Imaaraadka Carabta ayaa ku guul-darraysatay Yemen, taasoo ka faa'iiday Sacuudi Carabiya, kadib markii uu si weyn u maalgeliyay dhisidda joogitaan milatari oo ballaaran iyo taageeridda Golaha Kala-guurka Koonfureed (Southern Transitional Council). Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in Imaaraadku weli leeyahay joogitaan iyada oo loo marayo hawlgalladiisa milatari ee Eritrea iyo taageeradiisa Ciidamada Taageerada Degdegga ah (Rapid Support Forces) ee Suudaan. Wuxuu ku doodayaa in wax kasta oo faragelin mustaqbalka ah oo Imaaraadku sameeyo ay ku xirnaan doonto qiimeynta uu ka sameeyo khataraha ka iman kara tartanka Sacuudi Carabiya ee marinnada biyaha.

Xaaladdan, Amjad Taha wuxuu aaminsan yahay in danaha Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ee Badda Cas ay is-dhammeystiraan oo isku xiran yihiin, inkastoo ay jiraan meelo ay iska hor imanayaan dhaqaale ahaan, sida dekedaha iyo maalgelinta.

Wuxuu xusay in tani ay tahay arrin dabiici ah oo ka dhex jirta labo dal oo waaweyn. Taha wuxuu tilmaamay in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadku ay wajahaan khataro isku mid ah, oo ay ka mid yihiin caqabadaha maraakiibta, tahriibka hubka iyo daroogada, kooxaha argagixisada, hanjabaadaha ka imanaya dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, iyo carqaladeynta ganacsiga.

Sidaa darteed, falanqeeyaha Imaaraadka wuxuu aaminsan yahay in mashruuca Imaaraadka ee Badda Cas uusan ahayn mashruuc khilaaf, balse uu yahay mashruuc lagu xaqiijinayo xasilloonida.

Wuxuu ku dooday in haddii saamaynta laga wado ay tahay awoodda iyo masuuliyadda lagu ilaalinayo ganacsiga, lagu hagaajinayo waxtarka dekedaha, laguna taageerayo xasilloonida, markaa Imaaraadka Carabta, sida uu aaminsan yahay, uu ku dhaqmo xaqaas dabiici ah oo uu u leeyahay isagoo ah dal ganacsi caalami ah.

Wuxuu xusay in Abu Dhabi ay ku dadaalayso xoojinta amniga badda, oo ay ku jirto la-d

Sacuudi Carabiya: Isbahaysiga Milatari ee Soomaaliya iyo Masar

Dhammaan arrimahan waxay kusoo beegmayaan warbixinno ay daabaceen wargeysyada Galbeedka, kuwaas oo ka hadlayay dadaal Sacuudi Carabiya ay ku doonayso inay ku yareyso saameynta Imaaraadka Carabta ee gobolka Geeska Afrika iyada oo la samaynayo isbahaysi militari oo cusub oo ay la yeeshaan Soomaaliya iyo Masar.

Macluumaadkan ayaa soo baxay kaddib dhacdooyin muhiim ah, gaar ahaan joojinta Soomaaliya ee heshiisyadeeda amni iyo dekedaha la lahayd Imaaraadka, taasoo ay ku caddeysay waxa ay u aragtay xad-gudubka Imaaraadka ee madaxbannaanideeda, kaddib markii Imaaraadku uu si qarsoodi ah u soo dhaweeyay hoggaamiyaha Golaha Kumeel-gaarka Koonfureed ee Yemen, Aidarus al-Zubaidi, isagoo ka soo maray Somaliland, sida lagu sheegay bayaanka ciidamada isbahaysiga ee Sacuudigu hoggaamiyo ee taageera sharcinimada Yemen.

Arrinta madaxbannaanida ayaa u muuqata mid xasaasi u noqotay Soomaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay waxa ay u aragto isku soo dhawaanshaha Imaaraadka iyo Israel ee Somaliland, halka Sacuudi Carabiya iyo Masar ay muujiyeen taageeradooda midnimada dhulka Soomaaliyeed oo ay cambaareeyeen aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Sidaas darteed, waxa la sheegay dadaalka Sacuudi Carabiya ee ah samaynta isbahaysi militari oo cusub oo ay la yeelato Soomaaliya iyo Masar ayaa lagu fahmi karaa qaab ka hortag ah isku-dayada Imaaraadka iyo Israel ee lagu ballaarinayo joogitaankooda gobolka.

Tani waxay sharraxaysaa sababaha xiisadaha istaraatiijiga ah ee ka taagan dekedaha muhiimka ah iyo marinada badda ee gobolka, kuwaasoo laga yaabo inay la kulmaan isbeddelo lama filaan ah oo ka dhasha tartanka Sacuudiga iyo maaraad ee dhawaan soo if-baxay iyo saameynta tartanka cusub.