Maxay iska kaashan karaan Somaliland iyo Israa'iil?

Maxay iska kaashan karaan Somaliland iyo Israa'iil?

Sida ay sheegtay warbaahinta Israa'iil, labo shirkadood oo Israa'iili ah, VisiRight iyo Amore Capital, ayaa Axaddii ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa'iil ayna ku doonayaan inay galaan suuqa Somaliland.

Hindisahan ayaa imaanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa'iil siisay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taasoo noqotay tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka, dhalisayna xiisad.

Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay sheegtayna inay tahay "xadgudub lagu sameeyay gayigeeda".

Sidoo kale dalal badan iyo ururro caalami ah ayaa garab istaagay Soomaaliya.

Haddaba, Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) waa wasiirkii hore ee qorsheynta Somaliland iyo khabiir ku takhasusay sharciga ganacsiga, wuxuu BBC-da uga warramay sida ay Somaliland uga faa'ideysan karto aqoonsiga iyo shirkadaha Israa'iil. Lifaaqa kore ka dhegeyso: