You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay yihiin dhalinyarada TikTok-leyda Soomaalida ah ee lagu xiray Nairobi?
Booliiska xaafadda Pangani ee magaalada Nairobi, dalka Kenya ayaa shalay xiray tiro dhalinyaro ah oo ah kuwa wax ku so gudbiya barta bulshada eeTikTok.
Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay inay dhib iyo iyo fowdo ay ku hayeen dadka waddooyinka isticmaala gaar ahaan Waddada loo yaqaano General Wariungi ee xaaafdda Islii.
Sida la sheegay dhalinyaradan ayaa waxaa cabasho ka soo gudbiyay bulshada adeegsata waddadaasi oo sheegay in dhibaateyn ay ku hayaan islamarkana ay muuqaalo ka duubaan bulshada iyaga oo ana fasax ama ogolaanshiyo ka haysan.
Xarigga dhalinyaradan ayaa waxaa BBC u xaqiijiyay wakiilka laga soo doorto waqooyiga Islii Ahmed Qadar Mohamed Dabar.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhalinyaradan sababta loo xiray ay tahay dhibaato ay ku hayeen bulshada waddooyiinka mara marka ay duubanayaan Tiktok ay ku xad-gudbi jireen.
"Muuqaallada ay duubanayaan lagu haysto,waxaa lagu haystaa xad-gudubka ay ku sameynayaan shacabka jidka maraya oo lagu xadgudbayo, oo dadka iyaga raali ka ahayn muuqaal ka duubi jireen" ayuu yiri mr Dhabar.
Mr Dhabar ayaa xusay in muddooyinkii u dambeeyay cabsho laga muujinayay dhalinyarada wax ku soo gudbisa barta TikTok.
Waxaa uu dhanka kale xusay in dhalinyaradan xitaa mararka qaar ay dhibaato ka soo gaarto iyaga oo muuqaal waddooyiinka ku duubaya.
"Waa dhalinyaro duuba oo baraha bulshada wax ku gudbiya oo maalmahan xaafadda aad ugu soo badatay, sad la socotana laamaha amniga dhowr mar ayay ka hadleen, bilooyiin ka hor wiilal dhalinyaro ah iyagoo Tiktok duubanya baabuur baa ku dhacay wiil ka mid ah dhaawac ayaa ka soo gaaray" ayuu yiri Mr Dhabar.
Mr Dhabar ayaa intaa ku daray in muddooyiinkii u dambeeyay ay wadeen wacyigalin arrintan ku saabsan ka dib cabashooyiin badan oo dadka Kenyaanka ay ka muujiyeen falalka dhalinyaradan.
"Anaga oo arrintan wacyigalin fara badan aan ka bixinaynay yaa hadana waxaa ku soo darmatay in in shacabkii Kenyanka ee kale in la faraxumeeyo oo qofkii isaga oo iska socdo raali ka ahayn in qoorta inta la qabto muuqaal laga duubayo oo qara xitaa dhib loo gaysto ayuu yiri" ayuu intaa ku daray.
Kuwa qaan-gaarka ah sharciga ayaa la marinayaa
Malaayiin dhalinyaro ah ayaa guud ahaan caalamka isticmaala barta Tiktok oo sanooyiinkii ugu dambeeyay noqotay mid ka mid ah shirkadaha ugu caansan caalamka.
Soomaalida gaar ahaan dhalinyarada ayaa ka mid ah dadka sida wyan u isticmala Tiktok iyaga oo ku soo gudbiyo waxyaabo kala duwan.
Wakiilka laga soo doorto waqooyiga Islii Ahmed Qadar Mohamed Dabar ayaaa sheegay in dhalinyarada hadda xiran la kala saari doono islamarkana inta qaan-gaadhka ah sharciga la marin doono inta kala la wacyigalin doono oo waalidiinta lala wadagi doono.
Waxaan rajeynaynaa sida sharciga in wixii dhalinyaro ah oo da'dooda yartahay wacyi galin in loo sameeyo, wixii qaan-gaadh ah oo sharciga si kas ah u jabiyay-na sharciga ayaa la marinayaa" ayuu yiri Mr Dhabar.
Wakiilka laga soo doorto waqooyiga Islii Ahmed Qadar Mohamed Dabar ayaa sheegay in maadaama ay arrimahan soo noqnoqdeen ay bilaabayaan wacyigalin diiradda ay ku saarayaan waalidiinta dhalay dhalinyaradan.
"Anaga hooyooyiinka iyo waalidiinta iyo dadkii ilamahan dhalay mar walba waan la hadalnaa in la wacyigaliyo lala hadlo mar walba waan ku baraarujinaa hadana waan leenahay oo ilmaheena aan xifdino" ayuu yiri Mr Dhabar.
Bishii November ee snadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii hadal hayn badan ay ka dhalatay dhlainyarada soomaalida ah ee waddooyiinka dhexdooda ku duubanaya muuqaalo ay soo dhigaan cinwaanada ay ku leeyihiin Tiktok.
Qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiin Kenyaan iyo Soomaali isugu jira ayaa xilligaa arrintaan walaac ka muujiyay kuna tilmaamay arrin ceeb ah, halka qaarna ay dalbadeen in dhalinyaradan tallaabo laga qaado.