You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yaan ka garanay cashadii Cirro kula kulmay wiilka Trump iyo madaxweynaha Israa'iil?
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan casho-sharaf oo gaar ah kula yeeshay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, is-arag ka dhacay magaalada Davos, oo uu ka socdo shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF).
Madaxweyne Herzog ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dhismaha xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dhinac, isla markaana uu rajeynayo in la xoojiyo iskaashiga labada dal si ay uga faa'iidaystaan labada shacab.
Qoraal uu ku daabacay Facebook-ga, Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in cashada ay ka soo qayb-galeen siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal ganacsi oo caalami ah, kuwaas oo uu ka mid yahay Eric Trump, wiilka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Eric Trump ayaa ka hor cashada ka qayb-galay kulan kale oo gaar ah oo ay martigelisay isla madasha Davos Lodge, kaas oo cinwaankiisu ahaa Isbeddellada Caalamiga ah iyo Fursadaha Suuqyada Horumaray.
Inkasta oo uusan ahayn mas'uul dowladeed, Eric Trump waa Madaxweyne Ku-xigeenka Fulinta ee ururka qoyska Trump, isla markaana madaxweynaha Mareykanka waxyaabo badan kala taliya.
Laakiin yaa kale oo goobta joogay?
Liiska buuxa ee martida si rasmi ah looma shaacin. Kulanku wuxuu ahaa mid martiqaad kaliya lagu galayay, oo qabanqaabiyeyaasha ayaa dad gaar ah casuumayay kuwaas oo aysan shaacin.
Laakiin BBC Somali ayaa gaarkeeda u fiirisay sawirrada uu Madaxweyne Cirro la wadaagay bulshada, waxaana ka aqoonsanay magacyo waaweyn oo cashada joogay, anagoo kaashaynaa, xogta khadka ku jirta, aaladaha aqoonsi wajiyeedka iyo keydka munaasabada oo qeyb kamid ah martidu cinwaanadooda gaarka ah soo galiyeen.
Mas'uuliyiinta ugu sarreeya ee aanu xaqiijinay waxaa ka mid ahaa Nir Barkat, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee Israel. Waa xubin ka tirsan golaha wasiirrada, horeyna u soo noqday duqa magaalada Qudus, isaga oo door muhiim ah ka ciyaara diblomaasiyadda dhaqaale ee Israel iyo xiriirka ay la leedahay maalgashadayaasha caalamiga ah.
Waxaa sidoo kale cashada joogay hoggaamiyeyaal ganacsi oo caalami ah.
Margarita Louis-Dreyfus, Guddoomiyaha shirkadda Louis Dreyfus Group, ayaa ka mid ahayd dadka goobta joogay. Shirkaddeedu waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ganacsiga badeecadaha caalamka, iyadoo ka shaqaysa beeraha, tamarta iyo gaadiidka caalamiga ah.
Luděk Sekyra, oo ah maalqabeen Czech ah kuna lug leh hantida maguurtada ah, kaabayaasha iyo samafalka, ayaa sidoo kale aanu ka aqoonsanay sawirrada. Waa shakhsiyad si weyn looga yaqaan suuqyada maalgashiga Yurub.
Sidoo kale waxaa goobta lagu arkay Evangelos Marinakis, oo ah maalqabeen Giriig ah kuna xeel dheer maraakiibta iyo gaadiidka tamarta,sidoo kalena ah mulkiilaha naadiga horyaalka Ingiriiska ka ciyaara ee Nottingham Forest.
Iyo John S. Koudounis, Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee shirkadda maalgashiga Maraykanka ee Calamos Investments.
Dadka kale ee laga aqoonsaday sawirrada waxaa ka mid ahaa Rainer Schorr, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda hantida maguurtada ah ee Standard Land SA; iyo Nadav Sarfir, oo ah masuul ka tirsan waaxda tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka ee Israel.
Cashadan waxay ka mid ahayd barnaamij ballaaran oo ay martigelisay Greek House Davos, taas oo ay hoggaaminayso Eirini Vantaraki.
Vantaraki ayaa Greek House ku qeexday madal diiradda saarta kulammo gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin, iyada oo sheegtay in Davos ay ka guurayso doodaha fagaareyaasha una wareegayso kulammo gaar ah oo ay isugu yimaadaan awoodda siyaasadeed, raasamaalka iyo danaha istiraatiijiga ah.
Haddaba maxaan weli caddeyn?
Maadaama cashadu ahayd mid gaar ah oo martiqaad ku kooban, suurtagal ma aha in la xaqiijiyo dhammaan dadkii ka soo qayb-galay ama faahfaahinta waxa laga wada hadlay.
Waxa la hubo ayaa ah in cashadu ay isu keentay mas'uuliyiin sare oo Israeli ah, shaqsiyaad si dhow ula xiriira awoodda siyaasadeed ee Maraykanka, iyo maalqabeenno caalami ah, dhammaantoodna ku kulmay jawi si gaar ah loo habeeyay oo ku dhisnaa qarsoodi iyo taxaddar.
In kulankan ay joogto Somaliland, oo aan weli aqoonsi caalami ah helin, marka laga reebo kii Israa'iil, waxay muujinaysaa muhiimadda diblomaasiyadeed ee israa'iil u leedahay Somaliland, xilli ay isku arkayaan xitaa meelo ka baxsan kulamada rasmiga ah ee Davos ka socda.