Iimaan: Sirta ka dambeysa quruxda gabadha Soomaaliyeed ee xayeysiiska dharka caanka ku ah

Iimaan Maxamed Cabdulmajiid, ayaa maanta u dabaal-degeysa dhalashadeeda 68 sano.

Waxay 25 July, 1955 ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caaismadda Soomaaliya. Waa atariisho iyo ganacsato sidoo kale, waxayna heysataa dhalashada dalka Mareykanka.

Waxaa ka geeriyooday heesaagii caanka ahaa David Bowie oo ay is guursadeen sanadkii 1992, waxayna isu dhaleen gabadhooda Alexandria ("Lexi") Zahra Jones.

Iman iyo Bowie ayaa isla noolaa tan iyo sanadkii 2016, markaas oo uu u geeriyooday cudurka kansarka isagoo 69 jir ah.

Labadooda ayaa la sheegay inay aad isu jeclaayeen. Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa hadal heyn badan baraha bulshada caalamka ka dhaliyay qoraal ay soo dhigtay barteeda Instagram oo ay ku xuseysay geeridiisa.

Iyadoo dib usoo xasuusaneysa taariikhdiisa iyo dhaxalkiisa fannaannimo ayay Iman kusoo qortay barteeda Instagram-ka: "Xasuusta aan dhammaadka lahayn ee 8-da January #BowieForever."

Shan arrimood oo aadan ka ogeyn Iman

1. Haweeneydan caanka ku ah xayeysiiska dharka, kuna dhalatay magaalada Muqdisho, waxay kusoo barbaartay dalalka Carabta.

Waxay dhalinyaronimadeedii ku nooleyd dalalka Sacuudiga iyo Masar, kaddib qalalaasihii ka dhacay Soomaaliya.

“Waxaan ahay Muslimad Masarna waxay ahayd meel aad u horumarsan. Gabdhaha sideyda oo kale iskuul ayay aadi jireen. Waan jeclaaday dadka iyo dhaqanka,” ayay u sheegtay joornaalka Vogue.

2. Aad ayay uga cago-jiideysay inuu sawir ka qaado Peter Beard oo ahaa sawir qaade markii ugu horreysay ee uu arkay.

“Sanadkii ugu horreeyay ee aan joogay Nairobi, nin ayaa i istaajiyay waddada dhexdeeda wuxuuna i weydiiyay in weligey ley sawiray iyo in kale. Waxaan u qaatay inuu i afduuban rabo, marka waan iska indho tiray, balse wuu ku adkeystay. Si aan isaga reebo, waxaan iri, ‘Haa, dabcan.’ Niyaddeyda waxaan ku fekereyay, maxay dadku u maleeyaan– inaan weligey kaamiro arag?” ayay tiri.

Way u oggolaatay inuu sawiro, balse shuruud ayay ku xirtay oo ah inuu ka bixiyo lacagta jaamacadda, isagana wuu ka oggolaaday sidaas ayuuna sawirro uga qaaday, kuwaasoo caalamka ku baahya markii dambe.

3. Markii ugu horreysay ee ay billowday xayeysiiska dharka sanadkii 1976, waxay iska dhigtay qof aan ku hadli karin amaba fahmi karin Ingiriiska si ay u ogaato waxa ya dadku u maleeyaan iyada. “Khibraddan waxay i bartay wax badan oo Mareykanka ku saabsan. Dadku waxay igu sheegeen sida qof aan bani'aadan ahayn, sida inaan duni kale ka imid,” ayya u sheegtay wargeyska Vogue Arabia.

Xaqiiqdii, Iman waxay ka mid ahayd haweenka madowga ah ee dharka xayeysiiya ee xilligaas, waxaana markaas la siin jiray lacag ka yar tan ay dhiggeeda qaadan jireen.

“Markii xirfaddeyda ay sii horumartay, waxaan noqday haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee diidda inay lacag yar ku shaqeyso. Aniga ahaan, isla hal shaqo ayaan qaban jirnay, marka waxay ahayd in lacag la mid ah tooda la si siiyo,” ayay tiri.

4. Sababo la xiriira sidii loo soo barbaariyay ee dhaqanka Soomaalida waafaqsaneyd, sawirradeeda qaawan ee uu ka qaaday Richard Avedon way qarin jirtay markii ay soo booqdaan waaliddiinteeda. “Inaan isku dhex wado shaqadeyda iyo diinteyda waxay ka mid ahayd waxyaabaha ugu adag. Way adag tahay in sawirro qaawan lagaa qaado, xitaa haddii sawirradu ay farshaxan yihiin. Sawirradii ugu ficnaa abid ayuu iga qaaday Richard Avedon, inkastoo aan ku faraxsanaa sawirradaas, haddana marka ay waaliddiinteydu isoo booqdaan waxaan ku qarin jiray sariirta hoosteeda,”ayay tiri.

“Ma jirin sabab aan aabbahay ugu sharxi karay in sawirradu ay yihiin kuwo farshaxan. Xaqiiqdii, weligey isma qabadsiin sawirrada qaawan iyo diinteyda iyo qoyskeyga. Mar walba waxaan dhahaa, Allaha ii naxariisto haddii aanan wax saxan sameyn.”

5. Waa ganacsato, waxayna leedahay shirkadda makeup-ka ee Iman Cosmetics iyo shirkadda soo saarta barafuunka ee Love Memoir.

Maxay isku qurxisaa?

Iman, inkastoo ay 68 jirsatay, haddana weli waxaa muuqata quruxdeeda dabiiciga ah.

Mar ay u warrameysay wargeyska ka hadla arrimaha dadka caanka ah ee Vogue, waxay tiri “Tallaabada ugu horreysa quruxu waa gudaha,” .

Mar la weydiiyay waxyaabaha ka dambeeya qruxdeeda ayay sheegtay inay cabto biyo laga sameeyay sanjabiil iyo huruud, oo ay sheegtay inay sare u qaadaan difaaca jirka.

Wajiga ayay sheegtay inay marsato waxyaabaha ya isku qurxiyaan haweenka Soomaalida, kuwaasoo la baray yaraanteedii.

“Sirta quruxda aan isticmaalayay tan iyo markii aan 12 jir ahaa, waa mid kasoo jeedda Soomaaliya. Annagoo yar ayaa nala baraa in maqaarka aad ka taxadarto adoo 20 jir ah uu ku anfacayo markaad 60 iyo 70 gaarto,” ayya tiri.

Waxay isku dartaa labo macalgad oo caano ah, hal macalgadda shaaha oo huruud ah iyo wax yar oo malab ah. Waxay marsataa wejiga waxayna ku deysaa 20 daqiiqdo.

Arrintan ayay sheegtay inay isticmaaleysay muddo dheer, ayna ka mid tahay sirta waxyaabaha ay isku qurxiso ee dabiiciga ah.