You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jaamacadda Faransiiska ku taalla ee ay basaasiintu ku tababartaan
- Author, Chris Bockman
- Reporting from, Paris
Xavier Crettiez oo bare jaamacadeed ah waxa uu ogaaday inuusan aqoonin inta badan magacyada rasimga ah ee ardayda uu wax u dhigo.
Tani waa xaalad aan inta badan caadi ahayn marka loo eego goobaha waxbarashada, balse shaqada Prof. Crettiez aad bay uga fog tahay mid caadi ah, waxa uuna basaasiinta Faransiiska ah ka caawiyaa tababarka.
"Marar dhif ah ayaan ogaadaa, xarunta laga soo diray qofkaan sirdoonka ah, marka loo eego koorsada, waxaana shaki ka qabaa magacyada la ii sheego in ay yihiin kuwa saxda ah", ayuu yiri macallinka.
Haddii la rabo in la aas-aaso iskuul ay basaasiintu wax ku bartaan halka ugu haboon waa xarunta jaamacadda Sciences Po Saint-Germain ee duleedka Paris waxay u muuqataa mid si weyn ugu habboon.
Iyadoo leh dhismayaal qarnigii 20-aad ee bilowgiisii la dhisay oo muuqaal aan cajiib ahayn leh, xitaa u eg kuwo mugdi ah, ayna ku hareeraysan yihiin waddooyin mashquul badan oo caajis ah iyo albaabbo bir ah oo waaweyn oo cabsi gelinaya, goobtu waxay leedahay dareen aad u qarsoon.
Meeshu waxa ay jaamacadaha kale uga soocan tahay shahaadadooda iyo in ay isku keento arday kala duwan oo badankoodu ku jira da'dooda 20-meeyada iyo xubno firfircoon oo ka tirsan sirdoonka qarsoon ee Faransiiska, kuwaas oo inta badan da'doodu u dhaxayso 35 ilaa 50 sano.
Koorsadan waxaa la yiraahdaa Diplôme sur le Renseignement et les Menaces Globales taas oo noqon karta"Shahaadada Sirdoonka iyo Hanjabaadaha Caalamiga ah.
Waxa ay jaamacaddu diyaarintayda iska kaashadeeem Académie du Renseignement, oo ah la'anta tababarka ee arrimaha sirdoonka Faransiiska.
Tani waxay timid kadib codsi ay mas'uuliyiinta Faransiisku sameeyeen toban sano ka hor. Kadib weerarradii argagixiso ee 2015 ka dhacay Paris, dawladda Faransiisku waxay billowday olole ballaaran oo shaqaaleysiin ah oo laga dhex sameeyey hay'adaha sirdoonka.
Waxay ka codsatay Sciences Po, oo ka mid ah jaamacadaha ugu sarreeya Faransiiska, in ay dejiso koorso cusub oo labadaba lagu tababaro basaasiin cusub oo oo macquul ah, isla markaana la siiyo tababar joogto ah wakiillada hadda shaqeeya.
Shirkado waaweyn oo Faransiis ah ayaa iyaguna si degdeg ah u muujiyay xiisaha ay u qabaan, iyagoo doonayay in shaqaalahooda amniga lagu daro koorsada, isla markaana ay shaqaalaysiiyaan qaar badan oo ka mid ah ardayda da'da yar ee ka qalin-jabisa
Koorsada ayaa loo qorsheeyey 120 saacadood oo cashir la qaadanayo, cashiraduna waxa ay soconayaan in ka badan afar bilood. Arday ka baxsan kuwa dowladda ee sirdoonka ka socda ama xarumaha ka yimid waxaa laga qaadaya lacag gaareysa €5,000 ($5,900; £4,400).
Ujeeddada ugu weyn ee koorsadu waa in la aqoonsado khataraha meel kasta oo ay ka jiraan, iyo sida loo daba galo loona wajaho loogana adkaado. Mawduucyada muhiimka ah waxaa ka mid ah dhaqaalaha, dambiyada abaabulan, kooxaha argagixisada ah, iyo rabshadaha siyaasadaha.
Si aan uga qayb-galo mid ka mid ah fasallada oo aan ula hadlo ardayda, waxa la ii mariyey hubin iyo baaritaan ay sameeyeen laamaha amniga Faransiiska. Mawduuca casharkii aan ka qayb galay waxa uu ahaa "sirdoonka iyo ku-tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee tignoolajiyada".
Mid ka mid ah ardayda aan la hadlay oo da' ahaan 40-tameeyada ku jira, waxa uu magaciisa iigu sheegay Roger. Waxa uu igula hadlayey af Ingiriisi aad u kooban oo sax ah, waxa uuna ii sheegay inuu yahay nin ka sahqeeya maalgelinta bangiyada Waxa uuna intaa ku daray: "Waxaan la taliye ahaan uga shaqeeyey galbeedka Afrika, waxa aan koorsadaan ugu soo biiray inaan macaamiishayda halkaas u sameeyn karo qiimeynta khataraha."
Prof. Crettiez, oo dhiga maaddada culuumta siyaasadda, ayaa sheegay in laamaha sirdoonka Faransiiska aad loo ballaariyey sanadihii u dambeeyay. waxa uuna intaas ku daray in hadda ay jiraan qiyaastii 20,000 oo sargaal oo ka tirsan waxa uu ugu yeeray " sirdoonka gudaha".
Kuwaas waxaa ka mid ah DGSE, oo ka shaqaysa arrimaha dibadda, kana ah Faransiiska waxa MI6 u yahay UK ama CIA-da Maraykanka. Sidoo kale waxaa jira DGSI, oo diiradda saarta khataraha gudaha Faransiiska, kana dhiganta MI5 ee UK ama FBI-da Maraykanka.
Laakiin, sida uu sheegay, arrintu kaliya ma aha argagixiso. "Waxaa jira labada hay'adood oo waaweyn oo ka shaqo leh aminga, balse sidoo kale waxaa jira Tracfin, oo ah hay'adda sirdoon oo si gaar ah ugu shaqo leh la dagaallanka lacag-dhaqidda.
"Waxay si gaar ah uga walaacsan tahay kororka dhaqdhaqaaqyada maafiyada, gaar ahaan koonfurta Faransiiska, iyo sidoo kale, musuqmaasuqa ka jira qaybaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, taas oo inta badan ka dhalata faa'iidooyinka waaweyn ee ka yimaadda ka ganacsiga daroogada sharci-darrada ah."
Macallimiinta kale ee koorsada waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan DGSE oo hore uga soo shaqeeyay Moscow, safiir hore oo Faransiis u fadhiyay Liibiya, iyo mas'uul sare oo ka tirsan Tracfin. Sidoo kale madaxa amniga ee shirkadda tamarta Faransiiska ee EDF,waxa uu bixiyaa mid ka mid ah cutubyada koorsada.
Waxaa sii kodheysa xiisaha iyo sida ay u daneenayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Shirkado waaweyn, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya aminga iyo hawada sare, balse sidoo kale shirkadaha Faransiiska ee ka shaqeeya alaabaha xafiisyada, ayaa si isa soo taraysa u doonaya inay shaqaalaysiiyaan ardaydan, maaddaama ay wajahayaan hanjabaado joogto ah oo la xiriira amniga internetka, basaasnimo iyo weeraro dhanka online-ka ah.
Qalin-jabiyeyaashii ugu dambeeyay waxaa si degdeg ah u shaqaalaysiiyay shirkadda isgaarsiinta ee Faransiiska Orange, shirkadda weyn ee hawada sare iyo difaaca ee Thales, iyo LVMH, oo leh magacyo caan ah sida Louis Vuitton, Dior, iyo shirkadaha khamriga shampaynka ee Dom Perignon iyo Krug.
Sanadkan, 28 arday ayaa dhigata fasalka. Lix ka mid ah waa basaasiin. Waad garan kartaa cidda ay yihiin, maadaama ay yihiin kuwa inta lagu jiro nasashada casharrada iskugu yimaada meel ka fog ardayda da'da yar, isla markaana aan aad ugu faraxsanayn marka aad usoo dhowaado.
Iyagoo aan sheegin meesha ay ka socdaan iyo waxa ay qabtaan, gacmahooduna isku laaban yihiin, midkood ayaa yiri in koorsadan waxaa loo arkaa waddo degdeg ah oo qofka uga gudbi karo shaqada xafiiska una wareego hawlaha goobta. Mid kale ayaa sheegay inuu ka helo fikrado cusub joogitaanka jawi tacliimeed oo sidan oo kale ah. Foomka xaadirinta maalintaas waxay ku saxiixeen oo keliya magacyadooda hore.
Mid ka mid ah ardayda da'da Alexandre Hubert, oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayay faham qoto dheer oo ku saabsan dagaalka dhaqaale ee soo food saaray Yurub iyo Shiinaha. "In sirdoonka laga eego aragtida James Bond ma aha mid ku habboon; shaqadu waa falanqaynta khataraha iyo helidda sida looga hortagi karo," ayuu ii sheegay.
Arday kale, Valentine Guillot, oo iyaduna 21 jir ah, ayaa sheegtay in ay ku dhiirrigelisay taxanaha TV-ga Faransiiska ee caanka ah ee mala-awaalka ah, Le Bureau. "In aan halkan imaado si aan u ogaado adduun aanan waxba ka aqoon marka laga reebo taxanaha TV-ga waxay ahayd fursad aad u weyn, hadda se aad ayaan u doonayaa inaan ku biiro laamaha amniga," ayay tiri.
Ku dhowaad kala bar ardayda fasalka ku jira waa dumar. Tanina waa arrin soo kordhay waayadii dambe, sida uu sheegay mid ka mid ah macallimiinta, Sebastien-Yves Laurent, oo ku takhasusay doorka tignoolajiyada ee basaasnimada.
"Xiisaha haweenka ee kusoo biiritaanka sirdoonka waa arrin cusub," ayuu yiri. "Waa ay danaynayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in ay ka qayb ka noqon karaan dhisidda adduun ka wanaagsan.
"Haddii ay jirto hal qodob oo ay wadaagaan dhammaan ardaydan da'da yar, waa in ay yihiin kuwa aad u jecel dalkooda, taasina waa wax cusub marka loo eego 20 sano ka hor."
Haddii aad xiisaynayso inaad codsato ka mid noqoshada koorsadan, dhalashada Faransiiska waa shuruud lama huraan ah, inkastoo muwaadiniin sita laba dhalasho la aqbalo mararka qaar.
Si kastaba ha ahaatee, Prof. Crettiez waxa uu sheegay inuu khasab ku tahay inuu aad u feejignaado. "Si joogto ah ayaan u helnaa codsiyo ka imanaya haween aad u qurxoon oo u dhashay Israa'iil iyo Ruush, kuwaas oo leh CV-yo cajiib ah. Sida la filan karo, isla markiiba waa laga reebaa," ayuu yiri.
Sawir kooxeed dhawaan laga qaaday fasalka, si degdeg ah ayaa loo garan karaa cidda basaas/sirdoon ah iyagu waa ay ka jeestaan kamaradda.
Inkasta oo dhammaan ardayda iyo sirdoonka xirfadlayaasha ah ee aan la kulmay ay ahaayeen kuwo jirdhiskoodu fiican yahay oo firfircoon.
"Qaar yar oo ka mid ah dadka cusub ee la qoro ayaa ku dambayn doona shaqooyinka bannaanka laga soo qabto," ayuu yiri. "Inta badan shaqooyinka hay'adaha sirdoonka Faransiiska waa kuwo xafiisyada ku kooban."