Shiinaha oo xil ka qaadis ku sameeyey saraakiil looga shakiyey in ay garab siinayaan Taiwan

Xil ka qaadisitii lagu sameeyey toddobaadkii hore dhammaadkiisa taliyihii ugu sarreeyey ciidanka Shiina Zhang Youxia iyo saraakiil kale ayaa dhaliyey su'aalo badan oo ku aadan waxa keenay khilaafka iyo loolanka ka dhexjira madaxda sare ee gudaha Shiinaha, weli ma cadda in tani la xiriirto arrinta ah in Taiwan dagaal lagu qaado oo loo adeegsado awood iyo inuu la xiriiro loolanka colaadeed ee ka jira gobolka.

Zhang, oo da'diisu tahay 75 jira, waxa uu ahaa guddomiye ku xigeenkii guddiga dhexe ee ciidanka, taas oo ah hay'add uu maamulo Xisbiga Shuuciga ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka Xi Jinping, ahna taliska ciidamada qalabka-sida Shiinaha.

Guddiga dhexe ee ciiidanka waxa uu ka kooban yahay toddoba xubneed ayaa hadda lagu soo koobay laba xubnod oo kaliya oo kala ah Xi iyo Jeneraal Zhang Shengmin.

Dhammaan xubnahaan ayaa meesha laga saaray intii uu socday ololihii la dagaallanka musmaasuqa, kaas oo lagu xirxiray dhawr qof oo xil hayey.

Sidoo kale, guddiga waxa uu maamuulaa xakamaynta malaayiin askari, waa hay'ad aad u awood badan, tan iyo markii uu hogaaminayey in Deng Xiaoping, oo ahaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalka intii u dhaxaysay 1979 iyo 1989-kii.

Lyle Morris oo ka tirsan Machadka Siyaasadda ee Asia Society ayaa sheegay In ay Xi iyo hal jeneraal oo kaliya ku haraan ay tahay arrin ugub ah oo aan hore loo arag.

Mar wax laga weydiiyey, sababta keeni karta ee ka dambeysa xil ka qaadista masuuliyiinta sare-sare, ayuu yiri "warar kala duwan oo xan ah ayaa wareegaya, ma ogin hadda waxa run ah iyo waxa been ah, balse waxaa dhab ah in arrintaan tahay waji gabax iyo tallaabo xun oo uu ku dhaqaaqay Xi Jinping.

Chong Ja Ian oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore ayaa isna sheegay inuusan hubin sababta dhabta ah ee keentay awood dhimistaan, balse ay jiraan arrimo badan oo loo maleyn karo. "Wax walba, laga bilaabo xogaha nukliyeerka ee loo dusiyay Maraykanka, isku day afgambi iyo loollan kooxeed oo gudaha ka jira, xitaa waxaa jira warar xan ah oo ku saabsan in iska horimaad hubeysan uu ka dhacay Beijing, laakiin xil ka qaadista Zhang iyo Liu, iyo waxyaabaha qarsoon ee ku xeeran, waxay muujinayaan laba arrimood; in Xi weli yahay mid aan la ogaan Karin qorsheyaashiisa, isla markaana ay jiraan arrimo waaweyn iyo culeesyo badan oo dhanka macluumaadka ah oo ka jira Beijing, kuwaas oo kordhinaya hubanti-la'aanta iyo marin habaabinta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa si rasmi ah loogu sheegay in Zhang iyo Liu ay "lagu sameyn doono baaritaan", iyada oo lagu eedeeyey "xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga", taas oo ah eray sarbeed ah oo loola jeedo musuqmaasuq.

Intaas kadib wargeyska the PLA Daily ayaa qoray faahfaahin tilmaameysa in tani tahay mid muujineysa in xisbiga shuucigu isku dayayo inuu ku shaqeeyo "siyaasad dulqaad la'aan".

Eedeymaha gaarka ah ee loo soo jeedinayo saraakiishaan lama shaacin weli, hasa ahaatee magacyadooda ayaa lagu daray liiska magacyada dadka xilka laga qaadayo, waxa ay muujineysaa baaritaan iyo maxkamad kadib ay xabsi galaan.

Bartilmaameedsiga jeneraallada waxaa laga yaabaa inuu la xiriiro musuqmaasuq, balse sidoo kale waxa uu noqon karaa arrin la xiriirta awoodda siyaasadda jirta, marka la eego sida xil ka qaadistani u dhacday. Go'aamadaan ayaa u muuqda kuwo aan loo eegin waxa ka iman kara sida ay u saameyn karta ciidanka dhexdiisa.

In meesha laga saaro jeneraallada ugu sarreeya waxay sidoo kale keentay in daymo gaar ah loo lahaado saraakiisha ku xiga masuuliyad ahaan, kuwaas oo laga yaabo inay is weydiinayaan cidda xigta.

Iyagoo eegaya waxa ku dhacay kuwii ka sarreeyay, waxaa suurtagal ah inaysan ku farxin dallacsiin loo dallacsiiyo dhanka sare, halkaas oo tooshka lagu qaban karo waqti kasta

Dhammaan arrimahan ayaa kusoo beegmay, xilli Beijing ay kordhinayso cadaadiska ay saarayso Taiwan, iyadoo ku hanjabaysa in mar uun ay xoog ku qabsan doonto jasiiradda is-maamusha iyada oo loo marayo duullaan dagaal.

Dadka ka faallooda arrimahaan waxay sheegayaan in xil ka qaadistaan aysan marna weyn ku yeelan doonin hamiga Beijing.

"Xayuubintaan ma saameyneyso hamiga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee ah inay Taiwan gacanta ku dhigto. Arrintaasi waxa ay ku xirnaan doontaa Xisbiga Shuuciga guud ahaan, gaar ahaan Xi," ayuu yiri Chong.