Meta oo si tijaabo ah lacag ugu soo rogaysa qaar ka mid ah adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp

Shirkadda tiknoloojiyada ee meta ayaa isku diyaarinaysa inay tijaabiso in dadku ay lacag ka bixiyaan adeegyadeeda Instagram, Facebook iyo WahstApp bilaha soo socda, taasoo qayb ka ah tijaabooyinkii u dambeeyey ee adeegyada lacagta ah.

Adeegyadan la iibsan doono waxay qofka awood u siinayaan inuu isticmaali karo barnaamijyada ay ka midka yihiin garaadka macmalka (AI) oo la sii balaariyey.

Shirkaddu waxay kaloo qorshaynaysaa inay lacag ka dhigto adeegyada Vibes video generation app, kaasoo Meta ay sheegtay "inuu fikradaada ka dhigayo mid la rumayn karo ayadoo la isticmaalayo qalabka garaadka macmalka ee wax lagu abuuro".

Shirkadda ayaa barnaamijka Vibes shaaca ka qaad ay bishii Siteembar, taasoo qayb ka ahayd nooca garaadka macmalka ee ugu dambeeyey ee ay soo bandhigto.

Waxay kaloo ku talo jirtaa inay isticmaasho Manus, oo ah hay'ad garaad macmal ah oo shiinaha uu sameeyey, taasoo ay ogolaatay inay iibsato bishii Disembar, lacag lagu sheegay inay gaarayso $2 Bilyan, waxayna qayb ka noqonaysaa qorshaha ay dadka adeegga lacagta ah ku bixinayaan sida laga soo xigtay TechCrunch oo markii ugu horreeysay sheekadan tabiyey.

Meta waxay kaloo lacag ka dhigi doontaa carbuunashada Manus ee ganacsiyada.

Shirkaddu waxay sheegtay in heshiiskan uu gacan ka gaysan doono in la hagaajiyo garaadkiisa macmalka, ayadoo dadka loo suurto galinayo inay adeegsan karaan, barnaamijyo waxyaabo adag oo cakiran samayn kara ayadoo faragalinta uu qofku fara galinayo ay yar tahay sida qorshaynta safarrada iyo soo bandhigidda mashaariicda.

"Tayada gaarka ah ee Manus ayaa ku biiri doonta kooxda Meta si ay u gaarsiiyaan ujeedada guud macaamiishayada iyo alaabada ganacsiga, oo ay ku jiraan Meta AI," ayaa lagu yiri qoraal ay meta soo saartay.

Iyada oo hadda uu saldhigiisu yahay Singapore ka dib markii uu ka soo guuray Shiinaha, Manus wuxuu isku dayay inuu ka dhex muuqdo garaadyada macmalka ee ay xafiiltamaan isagoo ku andacoonaya inuu noqon karo mid gaar u taagan.

Si ka duwan qaar badan oo ah barnaamijyada chatbot-ka oo u baahan in si isdaba joog ah wax loo weydiiyo ka hor inta uusan isticmaaluhu helin jawaabta uu rabo, Manus wuxuu awood u leeyahay inuu qorsheyn karo, oo uu oofin karo, isla markaana oo dhammays tiri karo hawlaha si madax bannaan oo waafaqsan tilmaamaha.

Bishii Janaayo, Beijing waxay sheegtay inay baari doonto heshiiska Meta si loo qiimeeyo inuu jabiyay sharciyada dhoofinta tignoolajiyada Shiinaha ama xeerarka amniga qaranka.

Sannadkii hore, Facebook waxa ay tijaabisay in ay xaddidayso inta xiriir ee isticmaaleyaasha qaarkood ay la wadaagi karaan marka ay soo dhigaan warbaahinta bulshada.

Ogeysiisyada ay arkeen isticmaalayaasha qaar ee ku saleysan UK iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay wadaagi karaan oo kaliya tiro cayiman oo xiriir ah qoraallada Facebook iyada oo aan la diiwaan gelin.

Shirkaddu waxay ku tilmaantay "imtixaan xaddidan si loo fahmo in awoodda lagu daabaco mugga kor u kaca ee boostiyada leh xiriiriyeyaasha ay ku kordhineyso qiimo dheeraad ah" macaamiisha.

Dabayaaqadii Jannaayo, dadka ku nool UK waxaa la ogeysiiyay lacag dhan £2.99 bishiiba oo rukumasho ah ay bixin karaan si ay u galaan noocyada xayeysiiska ee Facebook iyo Instagram.