You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump: "Ilhaan Cumar iyadoon waxba heysan ayay Soomaaliya ka timid, haddana malaayiin doollar ayay heysataa"
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee (DOJ) ay baarayaan hantida xildhibaanad Ilhaan Cumar, xilli maamulkiisu uu la daalaa dhacayo carada ka dhalatay dilkii Sabtidii Minneapolis loogu geystay Alex Pretti.
Madaxweynaha ayaa shalay sidoo kale sheegay in sarkaalkiisa xadka, Tom Homan, uu u dirayo Minnesota, oo dhowaanahan ay ka dhacayeen dibadbaxyo tan iyo markii sarkaal laanta socdaalka ka tirsan uu dilay Pretti, oo ahaa 37 jir kalkaaliye ahaa.
"Tom waa nin adag balse dhexdhexaad ah, aniga ayuuna toos iigu warbixin doonaa," ayuu Trump ku qoray bartiisa baraha bulshada. "Qoraal kale, ayuu ku sheegay in baaritaan ballaaran lagu sameynayo balaayiinka doollar ee la sheegay in lagu lunsaday Minnesota."
"Waxaa intaa dheer, DOJ iyo Congress-ku waxay eegayaan 'Haweeneyda Kongareeska Illhaan Cumar, oo kasoo tagtay Soomaaliya iyadoo aan waxba heysan, haatanna la sheegay inay heysato in ka badan 44 milyan oo doollar. Waqtiga ayaa wax walba sheegi doona."
Ilhaan oo jawaabtay
Ilhaan ayaa u jawaabtay Trump, iyadoo ku eedeysay inuu iyada kusoo jeestay si uu isaga indha tiro "caannimadiisa sii yaraaneysa."
"Waan ka xumahay, Trump, taageeradaadu way sii dhacaysaa, waadna argagaxaysaa," Cumar ayaa ku qortay X.
"Sida saxda ah, waxaad ka weecanaysaa guuldarrooyinkaaga beenta iyo fikradaha shirqoolka ah ee aniga igu saabsan. Sanado 'baaritaan' waxba ma helin. Ciidankaaga ka soo saar Minnesota."
Markii hore, Trump wuxuu si fagaare ah ugu boorriyay xeer ilaaliyaha guud Pam Bondi inuu furo baaritaannada lagu hayo dadka ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.
Toddobaadkii hore, Trump wuxuu sheegay in Ilhaan "laga baaro dambiyada maaliyadeed iyo kuwa siyaasadeed, baaritaankaasna waa inuu billowdaa, HADDA".
Trump oo dhowaan ka hadlayay shirka dhaqaalaha adduunka ayaa sidoo kale ka hadlay Soomaaliya iyo Ilhaan.
Wuxuu yiri: "Xaaladda ka jirta Minnesota waxay ina xusuusinaysaa in Reer Galbeedku aysan si ballaaran u soo dhaweysan karin. dhaqammo shisheeye oo horey ugu guuldarreystay inay dhistaan bulshoooyinkooda iyaga u gaarka ah."
"Waxaan ula jeedaa, bal u fiirso waxaan dalka keensanynaa dad ka yimid Soomaaliya, Soomaaliya-na waa dal fashilmay, ma aha qaran. Ma leh dowlad, ma leh boolis, ma leh waxba. Sidoo kale waxaa inoo joogta xildhibaan been abuur ah oo hadda la ii sheegayo in hantideedu gaareyso 30 milyan oo doolar. Bal ka waran waxaa, ma rumeysan kartaa?."
Ilhaan Omar oo xiganaysa dastuurka waxay leedahay,".
Hadalkiisa ayuu sii watay, wuxuuna yiri: "Dastuurka ayaa ii dammaanad qaadaya lacagtaas."
Hadde waa iyadoo ka timid dal aan dowlad ahayn, haddana waxay noo sheegaysaa sida loo maamulo Mareykanka. Arrintaasna muddo dheer kuma sii socon doonto, I aamin," Ayuu yiri.
Dhowr jeer oo hore ayuu sidoo kale weeraray. Donald Trump ayaa xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania.
Ilhaan Cumar ayuu ku tilmaamay ''naag xun'' kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ''dib u celiya''.
Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ''koofiyad yar'' isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.
"Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.
''Way timaaddaa, waxba ma qabato marka laga reebo inay hadasho oo cabato,'' ayuu Trump yiri. ''Mar walba waa ay cabanaysaa. Waxa ay ka timid waddankeeda oo runtii loo arko inuu yahay kan ugu xun adduunka, sax?''
"Waa dal aan booliis lahayn, xitaa booliiska qudhooda ayaa is dila" ayuu intaa sii raaciyay. Ayuu sidoo kale yiri.
Xaaladda Minneapolis
Weli magaalada waxaa meelaha qaar ka socda dibadbaxyo, iyadoo dadku ay joogaan goobtii lagu dilay Pretti iyagoo xusaya.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda socdaalka ee Maraykanka ayaa isna la filayaa inuu ka baxo magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, arrintan oo laga yaabo inay wax ka beddesho Aqalka Cad, ka dib markii toddobaadkii hore ay saraakiisha federaalku toogasho ku dileen muwaadin labaad oo Maraykan ah.
Iyadoo Taliyaha Ilaalada Xudduudaha Gregory Bovino iyo qaar ka mid ah wakiillada socdaalka ay baxayaan, sarkaalka dhanka xadka Tom Homan wuxuu bilaabi doonaa inuu hoggaamiyo dadaallada dhulka ee magaalada Minnesota ka dib markii toogashadii Alex Pretti ee Sabtidii ay sii kordhisay xiisadda.
Go'aanka Madaxweyne Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu muujiyo xiisaha maamulka ee ah inuu dib ugu laabto tallaabo federaali ah oo gardarro badan oo ka dhan ah socdaalka ee waddanka oo dhan.
Inkastoo lagu dhawaaqay arrintan, haddana dabagalka dhanka online-ka ee beegsiga muhaajiriinta ayaa muujinaya in dadaalka maamulka uu wali sii socdo.
Bovino wuxuu ahaa wejiga hawlgalka markii Pretti—oo ahaa kalkaaliye haystay kamarad lagu arkay isagoo sawiraya saraakiisha—uuna la galay iska horimaad sababay in dhowr jeer lagu toogto waddo ku taal Minneapolis. Taliyaha ilaalada xudduudaha ayaa sii huriyay xaaladda ka dib toogashada, isagoo ku sheegay in Pretti uu damacsanaa inuu "xasuuqo" saraakiisha federaalka.