You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wasiirkii Shiinaha ee baajiyay booqashadii taariikhiga ee uu ku tegi lahaa Soomaaliya oo hadlay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay taageerayso Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed, isagoo hadalkan ka sheegay khadka taleefanka oo uu Axaddii shalay kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda Shiinaha.
Wang Yi ayaa wada hadalka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya intii uu ku guda jiray booqashadiisa Afrika, isagoo sheegay in Shiinuhu ka soo horjeedo "isbahaysiga Somaliland ay la leedahay maamulka Taiwan si ay madax-bannaani u raadsato".
Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa inay qayb ka noqoto booqashada sanadlaha ah ee sannadka cusub ee diblomaasiga Shiinaha uu ku marayo Afrika, taas oo sidoo kale ay ku jiraan dalalka Itoobiya, Tansaaniya iyo Lesotho, balse booqashadaas ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira waxa safaaradda Shiinaha ay ku sheegtay "isbeddel ku yimid jadwalka".
Wang Yi ayaa baajiyay booqasho taariikhi ah oo uu Jimcihii ku tegi lahaa Soomaaliya, isagoo taa beddelkeeda si toos ah ugu gudbay dalka Tansaaniya intii uu ku guda jiray socdaalkiisa waddamada Afrika.
Booqashadan ayaa noqon lahayd tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiine ah uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii ay dowladdii duntay 1991-kii, waxaana la qorsheeyay xilli xasaasi ah oo ku soo beegantay wax yar ka dib markii Israa'iil ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.
"Booqashadii wafdiga dowladda Shiinaha ee maanta (Jimcaha) ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya waa ay dib u dhacday sababo la xiriira arrimo farsamo. Dowladda Shiinaha ayaa bayaan rasmi ah ka soo saari doonta arrintan," ayuu yiri mas'uul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Wang ayaa taas beddelkeeda si toos ah ugu duulay halka xigta ee qorshihiisa socdaalka, oo ah dalka Tansaaniya, waxaana la filayay inuu kula kulmo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan magaalada Daarusalaam.
Shiinaha ayaa maalgashi ballaaran ku sameeyay Tansaaniya sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan aagga canshuurta yar ee dhaqaalaha gaarka ah, halkaas oo laga diiwaan geliyay 343 mashruuc oo uu Shiinuhu maalgeliyay oo qiimahoodu dhan yahay $3.1 bilyan sannadkii 2025 oo keliya, sida ay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay bayaan.
Booqashadan ayaa sidoo kale timid xilli xiriirka Tansaaniya iyo reer Galbeedka ay wax u dhimeen dhaleeceyn loo jeediyay olole iska dhicin ah oo lagu qaaday dibadbaxayaashii doorashada sannadkii hore.
"Booqashadu waxay ujeeddadeedu tahay in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed iyo iskaashiga," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Tansaaniya ku tiri bayaan ay soo saartay.
Wang ayaa Khamiistii joogay dalka Itoobiya si uu ula kulmo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxa Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Wang iyo Midowga Afrika ayaa lagu dhaleeceeyay aqoonsiga ay Israa'iil u aqoonsatay Somaliland.