Sida Trump u xaqiijiyey horumarka laga gaaray Qasa ee uu Biden ku guuldaraystay

Trump

Waqtigaas, weerarkii cirka ee Israa'iil ay ku qaaday kooxda wadaxaajoodka ee Xamaas ee dalka Qatar wuxuu u muuqday mid kale oo sii xoojinaya colaadda, isla markaana sii fogeynaya rajadii nabadda.

Weerarkii dhacay 9-kii Sebtembar wuxuu jabiyay madaxbannaanida xulafada Mareykanka, wuxuuna khatar u ahaa inuu fidiyo colaadda una beddelo dagaal gobol dhan ah.

Diblomaasiyaddu waxay u muuqatay mid burburtay.

Laakiin taa beddelkeeda, waxay noqotay waqti muhiim ah oo horseeday heshiis uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump, kaasoo lagu sii deynayo dhammaan la haystayaasha.

Tani waa yool uu isaga, iyo madaxweynihii isaga ka horreeyay Joe Biden, raadinayeen ku dhawaad laba sano.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee loo qaaday dhanka nabad waarta, hase yeeshee faahfaahinta ku saabsan hub-ka-dhigista Xamaas, maamulka Qasa, iyo ka bixitaanka buuxa ee Israa'iil wali waa in lagu heshiiyo.

Laakiin haddii heshiiskan uu hirgalo, wuxuu noqon karaa guusha ugu weyn ee Trump ee muddo-xileedkiisa labaad – middaas oo ku guuldarreystay Biden iyo kooxdiisa diblomaasiyadeed.

Qaabka gaarka ah ee Trump iyo xiriirka muhiimka ah ee uu la leeyahay Israa'iil iyo dunida Carabta waxay u muuqdaan kuwo kaalin ku lahaa horumarkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida badanaa dhacda marka ay timaado guulo diblomaasiyadeed, waxaa jiray arrimo kale oo aan labada nin toona si buuxda gacanta ugu haynin.

Xiriir dhow oo uusan Biden waligiis yeelan

Trump iyo Netenyahu

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Meel fagaare ah, Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa dhammaantood dhoola cadeynaya.

Trump waxa uu jecel yahay in uu sheego in Israa'iil aysan lahayn saaxiib ka wanaagsan, Netanyahu waxa uu ku tilmaamay Trump in uu yahay saaxiibkii ugu weynaa ee abid ku dhex lahaa Aqalka Cad. Waxaana ereyadan diirran weheliya tallaabooyin dhab ah.

Muddadii ugu horreysay ee madaxweyne Trump uu safaaradda Maraykanka ee Israa'iil ka raray Tel Aviv una guuray magaalada Quddus, waxa uu Maraykanku ka tagay mawqif uumuddo dheer ku taagnaa oo ahaa in deegaamaynta Israa'iil ee Daanta Galbeed ee Falastiin ay tahay sharci-darro, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Markii Israa'iil billowday weerarada cirka ee ay ku qaaday Iran bishii Juun, Trump wuxuu amray in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay beegsadaan xarumaha Iran ee lagu kobciyo tamarta nukliyeerka, isagoo adeegsanaya bambaanooyinkii ugu awoodda badnaa ee aan nukliyeerka ahayn.

Bannaanbaxyadaas dadweynaha ee taageerada ah ayaa laga yaabaa inay siiyeen Trump inuu cadaadis dheeraad ah saaro Israa'iil si qarsoodi ah. Sida laga soo xigtay warbixinno, dhexdhexaadiyaha Trump, Steve Witkoff, ayaa cadaadis adag saaray Netanyahu dabayaaqadii 2024-kii inuu aqbalo xabbad-joojin ku meel gaar ah si loo sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha.

Markii Israa'iil ay billowday duqeymo ka dhan ah ciidamada Suuriya bishii Luulyo, oo ay ku jirto duqaymo ay ku garaacday kaniisad Masiixi ah, Trump wuxuu ku cadaadiyay Netanyahu inuu beddelo jihada.

Trump wuxuu muujiyay heer awood iyo cadaadis ah oo ku saabsan ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo kaas oo aan hore loo arag, ayuu yiri Aaron David Miller oo ka tirsan Machadka Carnegie ee Nabadda Caalamiga ah. "Ma jiro tusaale ah in madaxweyne Maraykan ah uu si dhab ah ugu sheegay ra'iisul wasaaraha Israa'iil inaad u hoggaansanto ama haddii kale."

Xiriirka Biden iyo dowladdii Netanyahu mar walba wuxuu ahaa mid khatar badan.

Istaraatiijiyadda maamulka Biden ee loo yaqaan "bear hug" waxay ku saleysneyd in Maraykanku si guud u taageero Israa'iil si uu ugu oggolaado in si qarsoodi ah ay u dhexdhexaadiso hab-dhaqanka dagaalka qaran.

Asalka waxaa jirtay taageerada Biden ee ku dhow nus qarni ee u janjeertay Israa'iil, iyo sidoo kale kala qeybsanaanta xoogan ee ka dhex jirtay isbahaysigiisa Dimuqraadiga ah ee ku saabsan Dagaalka Qasa. Talaabo kasta oo Biden qaaday waxay halis gelisay taageeradiisa gudaha, halka aasaaska adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu u oggolaaday inuu si xor ah u dhaqaaqo.

Ugu dambeyn, siyaasadda gudaha ama xiriirka shaqsiga ah waxay u badan tahay inay ka yar yihiin muhiimadda xaqiiqada fudud ee ah in, intii uu Biden xilka hayay, Israa'iil aysan diyaar u ahayn inay nabad sameyso.

Siddeed bilood kadib muddo xileedka labaad ee Trump, iyadoo Iran la ciqaabay, daciifintii Xisbullah ee waqooyiga iyo Qasa oo burburtay, dhammaan yoolalkii istaraatiijiyadeed ee waaweynaa waa la gaaray.

Taariikhda ganacsi ayaa caawisay inuu xaqiijiyo taageerada Khaliijka

Trump iyo dalalka carabta

Xigashada Sawirka, Reuters

Weerarkii gantaaladda ee Israa'iil ka geysatay Doha, kaasoo uu ku dhintay muwaadin Qatari ah laakiin aanu waxba ka soo gaarin saraakiisha Hamas, ayaa ku qasbay Trump inuu soo saaro amar kama-dambays ah oo ku wajahan Netanyahu. Dagaalku wuxuu ahaa inuu joogsado.

Trump wuxuu Israa'iil siiyey xoriyad dhanka Qasa. Wuxuu siinayay Israa'iil taageero milatari oo Mareykan ah oo ku saabsan olole ay ka wadeen Iran. Laakiin weerarkii ka dhacay caasimada Qadar wuxuu ahaa arrin gebi ahaanba ka duwan, taasoo u leexisay Trump dhinaca mowqifka Carabta ee ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo joojin karo dagaalka.

Masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Trump ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka, CBS, in tani ay ahayd barta isbeddelka ah ee dhiirrigelisay madaxweynaha inuu cadaadis ugu badnaan saaro si heshiis nabadeed loo gaaro.

Madaxweynaha Mareykanka ee hadda talada haya xiriir dhow oo la leh waddamada Khaliijka, waana arrin si fiican loo diiwaangeliyay. Wuxuu leeyahay xiriirro ganacsi oo uu la leeyahay Qatar iyo Imaaraadka Carabta. Labadiisii xilli ee madaxweynenimo wuxuu ku bilaabay booqashooyin rasmi ah oo uu ku tegay Sacuudi Carabiya. Sannadkan, sidoo kale wuu tagay Doha iyo Abu Dhabi.

Heshiisyadiisa Abraham, kuwaas oo caadiyeeyay xiriirka u dhexeeya Israa'iil iyo dhowr dal Muslim ah oo ay ku jirto UAE, ayaa noqday guushii diblumaasiyadeed ee ugu weynayd muddadii uu xukunka hayay markii ugu horreysay.

Waqtigii uu sannadkan ku qaatay caasimadaha jasiiradda Carabta waxay beddeshay fikirkiisa, sida uu sheegay Ed Husain oo ka tirsan Golaha Xiriirka Caalamiga ah (Council on Foreign Relations). Madaxweynaha Mareykanka safarkiisii Bariga Dhexe kama uusan tegin Israa'iil, balse wuxuu booqday UAE, Sacuudi Carabiya, iyo Qatar – halkaas oo uu ka maqlay baaqyo isdaba joog ah oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka.

Wax ka yar bil kadib weerarkii Israa'iil ee Doha, Trump wuxuu oo uu ag fadhiyey Netanyahu, xilli uu ra'iisul wasaaraha Israa'iil si shaqsi ah u wacay dowladda Qatar si uu raalli-gelin u bixiyo. Isla maalintaas, Netanyahu wuxuu saxiixay qorshaha nabadeed ee Trump ee 20 qodob ka kooban oo ku saabsan Qasa – qorshe sidoo kale taageero ka helay dalal Muslim ah oo muhiim ah gobolka.

Haddii xiriirka Trump iyo Netanyahu uu u oggolaaday inuu cadaadis saaro Israa'iil si ay heshiis u gasho, taariikhdiisa iyo xiriirka uu la lahaa hogaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa u muuqata inay taageeradooda u sahashay, isla markaana ay ka caawiyeen inay Xamaas ku qanciyaan inay heshiiska aqbasho.

"Mid ka mid ah waxyaabaha si cad u dhacay waxay ahayd in Madaxweyne Trump uu yeeshay awood uu ku cadaadiyo Israa'iil, si dadbanna Xamaas" ayuu yiri Jon Alterman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda Caalamiga ah (CSIS).

"Tani waxay wax ka beddeshay xaaladda. Awooddiisa uu ku wajahayo arrinta waqtigiisa oo uusan u jilicsaneyn rabitaanka dhinacyada dagaallamaya waxay ahayd dhibaato ay madaxweynayaal badan la tacaaleen, isaga se wuu uga guulaystay si isbarbardhig ahaan wanaagsan."

Alterman wuxuu intaas ku daray in xaqiiqda ah in Trump uu Israa'iil si aad ah ugu caan yahay – xitaa ka badan Netanyahu laftiisa – ay ahayd awood uu si xeeladeysan u adeegsaday.

Hadda, Israa'iil waxay oggolaatay sii deynta in ka badan 1,000 maxbuus Falastiini ah oo ku jira xabsiyada Israa'iil, waxayna sidoo kale aqbashay in si qeyb ah ay uga baxdo Qasa.

Dhinaca kale, Xamas waxay sii deyn doontaa dhammaan la haystayaasha weli harsanaa – kuwa nool iyo kuwa dhintay – kuwaas oo la qafaashay intii lagu jiray weerarkii ay Xamas qaaday 7-dii Oktoobar, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 1,200 oo Israa'iiliyiin ah.

Marka la eego heshiiskan, dhammaadka dagaalka, oo sababay burburka weyn oo gaaray Qasa iyo dhimashada in ka badan 67,000 oo Falastiiniyiin ah, hadda waa arrin muuqata oo la rumeysan karo.

Reer Yurub ayaa saameyntooda adeegsaday

Yurub iyo Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Cambaareynta caalamiga ah ee Israa'iil loogu jeediyay ficilladeeda Qasawaxay sidoo kale saameyn ku yeelatay fikirka Trump.

Xaaladda dhulka ka jirta waxay ahayd mid aan horrey loo arag marka la eego burburka iyo musiibada bani'aadamnimo ee qabsatay shacabka Falastiin. Bilooyinkii u dambeeyay, dowladda Netanyahu waxay si isa soo taraysa ugu go'doontay beesha caalamka.

Markii Israa'iil la wareegtay xakameynta sahayda cuntada ee Falastiiniyiinta, kaddibna ay ku dhawaaqday weerar qorshaysan oo lagu qaadayo magaalada Qasa, dalal badan oo Yurub ah — oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron — ayaa go'aansaday inaysan sii taageeri karin mowqifka Mareykanka ee ahaa taageerada buuxda ee Israa'iil.

Kala qeybsanaan taariikhi ah ayaa ka dhalatay xiriirka Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub marka la eego arrimaha muhiimka ah ee diblumaasiyadda iyo mustaqbalka khilaafka Israa'iil iyo Falastiin.

Maamulka Trump wuxuu si adag u dhaleeceeyay Faransiiska markii uu ku dhawaaqay inuu aqoonsanayo dowlad Falastiini ah — tallaabo ay markii dembe ku raacday UK. Dalalkaasi waxay isku dayayeen inay sii hayaan rajada xal laba dowladood ah, lana soo nooleeyo waddo diblomaasiyadeed oo horseedi karta mustaqbal la wadaago oo Israa'iil iyo Falastiin ay yeelan karaan.

Macron wuxuu si xeeladeysan ugu guuleystay inuu Sacuudi Carabiya ku qanciyo qorshihiisa nabadeed.

Ugu dambeyntii, Trump wuxuu wajahay isbaheysi Reer Yurub iyo Carab ah oo ku wajahan sidii loo qorsheyn lahaa mustaqbalka fog ee Qasa.

Qaab-dhaqanka gaar ahaaneed ee Trump oo jebiyay ismari-waagii

Hab-dhaqanka aan caadiga ahayn ee Trump weli wuxuu leeyahay awood uu dadka kaga yaabiyo. Wuxuu badanaa ku bilaabmaa hadal weyn ama hanjabaad, balse ugu dambeyntii wuxuu isu rogaa wax badan oo caadi ah.

Xilligii koowaad ee madaxweynenimadiisa, aflagaadooyinkiisa sida "nin yar oo gantaal ah" iyo hanjabaadaha "dab iyo caro" waxay u muuqatay in Mareykanka uu galay waddadii dagaal ee Waqooyiga Kuuriya. Laakiin halkii laga filayay dagaal, wuxuu la galay wadahadal toos ah.

Trump wuxuu xilli labaadkiisa ku furay talo yaab leh oo ahayd in Falastiiniyiinta laga raro Qasa, si halkaas loogu beddelo goob dalxiis xeebeed oo caalami ah.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa si weyn uga carooday. Diblomaasiyiinta Khaliijka iyo Bariga Dhexe waxay u arkeen mid argagax leh.

Si kastaba ha ahaatee, qorshihiisa nabadeed ee 20-ka qodob ka kooban aad ayuu uga duwan yahay fikraddii xeebta loo rogi lahaa "Gaza Riviera." Runtii, qorshahan cusub wax badan kuma kala duwana heshiiskii Biden laga filan lahaa, waana nooca heshiis ee xulafada Mareykanka ay muddo dheer taageerayeen.

Trump wuxuu u maray waddo aan caadi ahayn si uu u gaaro natiijo caadi ah. Arrintu waxay ahayd mid qallafsan, aan qurxoonayn, mana ahan sida diblomaasiyadda loogu dhigo jaamacadaha Ivy League-ka. Laakiin, ugu yaraan kiiskan iyo xilligan la joogo, waxay u muuqatay mid wax ku ool ah.