Sida ciidamada Sudan u soo afjareen go'doomintii ay RSF ku haysay magaalada muhiimka ah ee El-Obeid


Ciidamada Suudaan ayaa sheegay in ay jebiyeen go’doomin muddo ku dhawaad labo sano ah oo ay jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ku hayeen caasimadda gobolka muhiimka ah ee el-Obeid.

Xigashada Sawirka, AFP

Ciidamada Suudaan ayaa sheegay in ay jebiyeen go'doomin muddo ku dhawaad labo sano ah oo ay jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ku hayeen caasimadda gobolka muhiimka ah ee el-Obeid.

Tallaabadan horumarka leh ayaa timid saacado kadib markii RSF ay caasimadda Kenya ee Nairobi ku saxiixday axdi siyaasadeed oo lagu dhisayo dowlad laga hirgelinayo deegaannada ay ka taliso.

RSF iyo ciidanku Sudan ayaa ku jiray dagaal ba'an oo xagga awoodda ah tan iyo bishii April 2023, iyadoo tobanaan kun oo qof lagu dilay, malaayiin kalena laga saaray guryahoodii.

Dagaalka ayaa dalka u kala jaray, qeyb ay ciidamadu ka taliyaan ee waqooyiga iyo bariga iyo RSF oo gacanta ku hayso inta badan gobolka Darfur ee galbeedka ku yaal iyo qaybo ka mid ah koonfurta.

El-Obeid, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan, waa xarun istiraatiiji ah oo isku xirta caasimadda Khartoum, iyo Darfur. Kani waa horumarkii ugu dambeeyay ee ciidanku gaarayeen dhawaanahan.

Waddooyinka waxaa ka ka dhacayey dabbaaldeg iyadoo askarta Suudaan ay gudaha u galeen magaalada.

Afhayeen u hadlay milateriga, Nabiil Cabdallah, ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay guulaha ay gaareen, isagoo sheegay in ciidamada xoogga dalka ay burburiyeen cutubyo ka tirsan RSF-ta.

Wasiirka maaliyadda Jibriil Ibraahim ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay "tallaabo weyn" oo lagu qaadayo go'doominta RSF ay ku heyso magaalada El-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur, sidoo kalena ay ogolaan doonto in gargaar bini'aadannimo la gaarsiiyo Kordofan.

Dallia Abdlemoniem oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah ee Suudaan ayaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC in dib u qabsashada magaalada "ay ahayd guul weyn" oo "muhiim ah".

Waxa ay sheegtay in RSF ay "ku dhawaad laba sano ku haysteen dadka rayidka ah" gudaha magaalada.

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xaaladda halkaas ka jirta ayaa ahayd mid aad u xun, ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in aanay jirin wax gargaar dawo iyo cunto ah oo laga helay aagga loo arkay in uu "aad khatar u yahay marka loo eego macluusha iyo nafaqo-xumada". Waxay sheegtay inay rajaynayso in gargaar dheeraad ah hadda loo ogolaan doono.

"In la qaado go'doominta waxay dib u soo celinaysaa nolosha magaalada," Axmed Xuseen, oo ah 53-jir ka ganacsada el-Obeid, ayaa sdiaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Ms Abdelmoniem ayaa sheegtay in ciidanku "ay samaynayaan howlgal muhiim ah ah oo ku saabsan u dhaqaaqida dhanka galbeedka, oo ah xuddunta RSF".

Dagaalladii ugu dambeeyay ee agagaarka el-Fasher ayaa ku qasbay hay'adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) inay joojiso howlihii ay ka waday Zamzam, oo ah xero ay macaluul ku dhufatay oo goobta ka dhaw, taas oo ay ku nool yihiin ilaa 500,000 oo qof oo soo barakacay.

MSF waxa ay sheegtay in uu ahaa "go'aan qalbi jab leh" balse ay haysteen"doorasho yar" sababtoo ah aad ayay halis ugu ahayd shaqaalaheena in ay ka hawlgalaan halkaas.

Ciidamada iyo RSF ayaa labaduba lagu eedeeyay in ay xasuuq ba'an u geysteen dad rayid ah intii uu socday dagaalka, iyadoo hoggaamiyaashooda uu Maraykanku cunaqabatayn saaray. Intaa waxaa sii dheera in RSF lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysatay Darfur.

Labaduba way beeniyeen eedeymaha.

Kenya oo marti gelisay shir RSF toddobaadkii lasoo dhaafay si ay u dhisaan dowlad dhinacooda ah ayaa waxa dhaleeceeyay qaar ka mid ah ururada xuquuqda aadanaha.

Axaddii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Cali Yuusuf ayaa sheegay in waddankiisu "uusan aqbali doonin" waddan kasta oo aqoonsada "waxa loogu yeero dawlad hal dhinac ah".

Mar sii horreysay, dowladda milateriga ee Suudaan ayaa ka digtay inay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah Kenya, iyadoo tan iyo markaas ay u yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Iyada oo ka jawaabeysa, wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in aysan jirin "ajendo qarsoon" oo ku saabsan "in la siiyo martigeling aan dhinacna u xaglineynin oo loo fidiyo dhinacyada is haya".