Khariirada ay ka caroodeen dowlad goboleedyada qaar iyo sababta ay u soo bandhigtay dowladda Soomaaliya?

.

Xigashada Sawirka, DFS

Carro ayaa ka dhalatay khariidad ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay xafladii lagu soo dhaweynayay Markabka sahanka shidaalka Turkiga ee dekadda Muqdisho yimid.

"Khariidada ayaa ku tilmaantay dhul lagu muransan yahay qeybo ka mid ah gobolka Mudug", sida uu sheegay madaxweynaha Puntland. Sidoo kale khariidada ayaa dowlad goboleedka Hirshabel "u kala qeybisay Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe", sida ay ku doodeen maamulku.

Maamulada Puntland iyo Hirshabelle ayaa ka hadlay arrinkaan. Maamulka Hirshabeelle waxay cambaareeyeen khariidada lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya.

“Dowladda Hirshabeelle jiritaankeeda iyo dhismaheedaba waxa uu waafaqsan yahay dastuurka kumeel gaarka ee dowladda federal-ka Sooomaaliya qoddobadiisa 48-aad iyo 49-aad sidaas darteed, waxaa nasiibdaro ah iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheeyraadka iyo horumarka dalka in wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaybin bulsho taas oo wiiqeeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.”

Dhanka kale maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin dhul muran ku jiro oo ka dhexeeya iyaga iyo maamulka Galmudug.

“Puntland iyo Galmudug wax xuduud ah ay ku muransan yihiin ma jirto, deegaan walba waa cad yahay, waxaana ka dhexeeya wadashaqeyn iyo wadanoolaasho” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo intaas ku daray.

“Dhulka Puntland ee gobolka Mudug meel lagu muransan yahay ma ahan, cidda muranka gelineysaa iyaga ayey u taal, laakiin dadkeeda iyo dalkeedu waa uu cad yahay”

Sidoo kale madaxweyne Siciid Deni waxaa uu sheegay in aysan fiicneyn meelaha mararka qaar wax laga raadinayo

“Wax lala yaabo ma ahan in dal gudahiis ay labo gobol hal magaalo ku yaalaan, adduunka waxaa jira labo dal oo hal magaalo ku yaal oo jid kala baro, dadka ka dhiganaya mararka qaar oo halkaa wax ka raadinaya sax ma ahan”

Puntland iyo dowladda Federalka ayaa xiriirkoodu xumaa ilaa bilowgii dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Puntland ayaa sidoo kale aan ka qayb galin kulamadii golaha wadatashiga Qaranka iyagoo ku fasiray diidmadooda in ay dowladda federalku wax ka baddeshay dastuurka.

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Batroolka iyo Macdan ee dowladda Federalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si gaar ah uga hadlay hadalka uu barlamaanka Puntland ka jeediyay madaxweyne Deni ee la xiriiray arrimaha khariidada la soo bandhigay intii Muqdisho ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweynayey markabka sahminta shidaalka ee Turkiga.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay doodda ka dhalatay khariidda isagoo sheegay in ay si khaldan ku timid.

“Waxaa dhacday arrimo farsamo, khariidad aan habooneyn ayaa lagu soo daray khariidadihii meesha yaalay, wixii farsamo ah waxaa u xilsaarnaa aggaasimaha guud, baaris ayaan sameeyay, waxaana ii soo baxday in khaladka uu ka yimid isticmaalka khariidad la sameeyay 2015-kii oo si khaldan meesha ku gashay”.

Wasiirka waxa uu sheegay in khaladka farsamo uu ka dhacay shirkadii mas’uulka ka aheyd howsha munaasabadda xafladda.

“Khariidada halaga saaro ayuu yiri aggaasimaha wasaaradda, nadiibsadarro shirkadda qabanqaabineysay barnaamijka kama saarin, waxaana dhacday in khariidadaas ay ka mid noqoto kuwa kale oo wanaagsanaa”.

Wasiirka waxa uu kaloo sheegay in waqtiga la sameeyay khariidadan ay aheyd inta aan la dhisin maamulka Hirshabelle, wuxuuna ku tilmaamay in siyaasad ay ka dambeysay doodda ka dhalatay khariidadaas.

“Dadka qaarkood, siyaasiyiinta waxay u muqdaan in waxyar oo farsamo ah oo khalad oo dhacay in ay u isticmaalaan in rajadii shacabka soo galay lagu majaxaabiyo”.

Wasiirka waxa uu sheegay in ay mas’uuliyadda iyagu qaateen maadama ay aheyd in ay ka saaraan markii ay arkeen balse aysan taasi dhicin.

Burburkii dowladda Dhexe Soomaaliya kaddib waxaa jiray khariidado badan oo laga sameeyay Soomaaliya. balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku dhacay isbadalo fara badan maadaama ay dhismeen dowlad goboleedyo hor leh.