Khilaafka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka: Maxay tahay lacagta ay isku hayaan?

.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday isqabqabsi u dhaxeeya wasaaradda maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Hirshabeelle, kaasoo la xiriira maareynta fatahaadaha iyo bixinta lacagaha loogu talo-galay.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo ah wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay sheegay in mashruucaas uu u hirgalay sidii loogu talo-galay, isagoo iska fogeeyay eedeyn uga timid dhinaca Hirshabeelle.

Hase yeeshee war saxaafadeed kasoo baxay guddida arrimaha fatahaadaha ee Hirshabeelle ayaa lagu qeexay in wasaaradda uu hoggaamiyo Beyle aysan waqtigii loo baahnaa billaabin mashruuca, welina aan waxba la qabanin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cali Caadle, ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay mas'uul ka tahay dib u dhaca ku yimid hirgelinta mashruuca kasoo kabashada musiibooyinka iyo wax ka qabashada fatahaadaha deegaannadaas.

Wuxuu sharraxaad ka bixiyay arrimaha ku saabsan isqabqabsiga ay warbaahintu tabinayeen.

Webiga Shabeelle ayaa khasaare xoog leh geysta marka uu qararka jabsado

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Webiga Shabeelle ayaa khasaare xoog leh geysta marka uu qararka jabsado

"Hadda ka hor waxaa naga soo baxay qoraal ay Hirshabeelle qortay, oo guddiga fatahaadaha uu soo saaray, kaasoo uu eed ugu jeedinaayay wasaaradda maaliyadda oo culeys keentay, fatahaadda hadda dhacdayna ay ahayd mid laga baaqsan karay,"

"Kaddib wasaaradda maaliyadda ee federaalka waxay soo saartay qoraal ay ku leedahay 'ha nalagu caddeeyo eedda annaga naloo soo jeediyay', marka loogama jeedin isu jawaabid,"

"Markii ay warqaddaas soo baxday waxaad mooddaa in baraha bulshada iyo shacabka intiisa badanba la is weydiinayay Hirshabeelle maxay uga jawaabi weysay hadalkii wasaaradda maaliyadda ay ku dalbatay caddeynta, marka faahfaahinta sidii ay wax u dhacey ayay ahayd laakiin ma aha wax dowladda si gaar ah loogu eedeynayo," ayuu yidhi Caadle.

Maxay guddiga fatahaadaha si hoose ula hadli waayeen wasaaradda?

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle ayaa sheegay in sababta ay u shaaciyeen dhaliishooda ay tahay maadaama markii horeba arrinta la soo mariyay warbaahinta.

"Warbaahinta ayagaa horay ula wadaagay, waxaa qoray website-yo iyo baraha bulshada, halkaasna waxaa kasoo baxday dhaliil loo jeedinaayo Hirshabeelle, oo la leeyahay 'khalad ayagu ay galeen ayay dadka la raadsanayaan. Marka maadaama ay dadku warkaas horay uga arkeen baraha bulshada dantu waxay kalliftay in jawaabtana ay ka arkaan," ayuu yidhi.

Saameyn dad iyo duunyo gaartay ayaa ka dhalatay fatahaadaha wabiga Shabeelle

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Saameyn dad iyo duunyo gaartay ayaa ka dhalatay fatahaadaha webiga Shabeelle

Labada dhinac ayuu midba kan kale u muuqdaa inuu saarayo mas'uuliyadda ku aaddan habacsanaanta wax ka qabashada musiibooyinka, waxaana mashruucan uu soo billowday bishii May ee sanadkii 2020, sida ay sheegtay Hirshabeelle.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare , ayaa sheegay in lacagta uu muranku ka dhashay "ay ka badan tahay $35 milyan oo dollar".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi; "Waa nasiib darro in lacag ka badan 35 milyan oo doolar oo in fatahaadaha wabiga Shabeelle wax looga qabto ay ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ay xayiraan Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha ee ee dowladda Federaalka. Ceeb!"

Maxay arrintan ka tidhi wasaaradda maaliyada federaalka?

14-kii bishan, bayaan kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa lagu sheegay "in Mahruuca Maareynta musiibooyinka uu 27-kii bishii March 2021 billaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba".

"Qorsheynta howlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay mashruuca kasoo kabashada musiibooyinka (SCRP) iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle," ayaa lagu yidhi Bayaanka.

Hase yeeshee Hirshabeelle ayaa ku andacooneysa in ilaa hadda aan la qaadin tallaabo wax ku ool ah.