Maxaad Kala Socotaa Magaalada Aadan Gali Doonin Haddii Aadan Bixin Lacag

Xigashada Sawirka, GIOVANNA GIRARDI
Maamulka magaalada Venice ee dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay in dadka dalxiisayaasha ah ee soo booqda magaaladan ay bixiyaan lacag dhan €5 Yuuro oo u dhiganta $5.35 dollar, si sare looga qaado daqliga magaaladan ka soo gala dalxiisayaasheeda.
Dhammaan dalxiisayaasha da'doodu ka weyn tahay 14 sano ayaa bixin doona kharashkaan si ay u galaan magaalada sida uu sheegay maamulkeeda.
Simone Venturini oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka ee dhinaca dalxiiska ayaa sheegay in tijaabadani ay socon doonto inta lagu jiro xilliyada dalxiiska ee sanadka soo socda 2023-ka.
"Venice waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka Yurub ee sida aadka ah loo soo booqdo, sidaas darteed waxaa soo booqda dalxiisayaal xad dhaaf ah," ayuu yidhi.
Magaalada ayaa cabbir ahaan dhan 7.6 km² (2.7 mayl laba jibaaran), laakiin waxaa ay martigelisay ku dhawaad 13 milyan oo dalxiisayaal ah sanadkii 2019-kii, sida uu qabo machadka tirakoobka qaranka Talyaaniga. Tirada dadka soo booqda ayaa la filayaa in ay korodho sanadaha soo socda.
Dalxiisayaasha habeenkii ku hoyda magaaladan ayaa laga dhaafi doonaa khidmada.
"Waxaan dooneynaa inaan tijaabino qiimaha, haddii loo baahdo, waanu kordhin doona.” Ayuu yidhi Venturini
Horraantii sanadkan hay’ada UNESCO waxaa ay soo jeedisay in magaaladan lagu daro liiska dhaxalka adduunka ee khatarta ugu jiro in uu dabar go'o, maadaama saamaynta isbeddelka cimilada iyo dalxiiska xad dhaafka ah ay khatar ku yihiin magaaladan.
Sannadkii 2021-kii, maraakiibta waaweyn ee dalxiiska ayaa laga mamnuucay inay soo galaan magaaladan taariikhiga ah ee Venice iyagoo sii maraya kanaalka Giudecca ka dib markii uu markab ku qallibmay dekeda Venice. Dadka dhaleeceeyay dhacdadaasi waxaa ay sidoo kale ku doodeen in maraakiibtaasi ay wadaan wasakh, isla markaana ay qeyb ka yihiin yihiin saameynta isbadalka cimiladda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma cadda, in qorshaha lagu soo rogay magaaladan ee ah kharashka maalinlaha ah uu joojin doono dalxiisayaasha xad dhaafka ah.
Karina, oo u dhalatay Jarmalka, ayaa sheegtay in aanay wax dhib ah ku jirin bixinta kharashkaasi. "Waxaan ku jirnaa fasax, €5 Yuuro ma ahan mid aad u badan." Ayaay tidhi.
Dad badan oo degganaa magaalada taariikhiga ah Venice ayaa dooranaya inay baxaan, ka dib markii ay buux dhaafiyeen dalxiisayaashu.
Valentini Rizzi, oo shahaadadda PhD-da ka diyaarisa Jaamacadda Iuav, waxa uu ku nooleyd Venice muddo shan sano ah. Waxay ku dhibtootay inay hesho meel ay ku noolaato, laakiin ugu dambeyntii waxay heshay milkiile doonaya inuu qandaraas dheer siiyo ardeyda si ay uga kireystaan gurigiisa. Si kastaba ha ahaatee, dad badan nasiib uma yeelan in ay helaan guryo.
Ururrada maxalliga ah ee Ocio iyo Venissa ayaa bilaabay daraasado lagu sameynayo tirada sariiraha dalxiisayaasha iyo tirada sariiraha dadka degan magaaladan.
Marka loo eego daraasadihii ugu dambeysay, magaaladan ayaa leh 49,693 sariirood oo ay adeegsadaan dalxiisaasha, waxaana jira 49,308 sariirood oo ay degan yihiin dadka deegaanka ah, taasoo la macno ah in sariiraha dadka dalxiisayaasha ahi ay ka sarreeyaan sariiraha dadka sida rasmiga ah u dagan.

Xigashada Sawirka, GIOVANNA GIRARDI
Maria Fiano, oo ah macalimad maamusha ururka Ocio, ayaa sheegtay inay la yaabtay arrinta ay xogtan daaha ka qaaday ka dib markii ururkeedu bilaabay daraasaddiisa bishii Abriil ee sanadkaan.
"Shan bilood gudahood, tirada sariiraha dalxiisayaasha ayaa kordhay 1,000 sariirood," ayay sharaxday.
Waxay sheegtay in dhismayaal badan oo ay lahaayeen dawladii hore sida Rugta Ganacsiga hadda laga dhigay Hoteelo.
"Waa xaalad cajiib ah, sababtoo ah waxay calaamad u tahay isbeddelka ka yimid magaalo gabigeedba la camiimay, oo ay ku nool yihiin dalxiisayaal ku meel gaarka ah."
Ms Fiano waxay aaminsan tahay in habka wax looga qaban karo arrinta ay tahay in la xaddido guryaha laga kireeyo dalxiisayaasha, kumana qanacsana in khidmadda maalinlaha ah ee la soo rogay ay shaqayn doonto.














