Isbedalka Cimilada: Deegaan Soomaaliyeed oo kuleyl dartii looga cararay

.

Xigashada Sawirka, Wakeup Tourism

Deegaanka Xiis oo dhaca galbeedka gobolka Sanaag ayaa sanad waliba waxaa ka xagaa-baxa dadka halkaa ku nool, cimillada deegaanka oo xilliyadaas aad u kulul awgeed.

Gebi ahaanba dadka ku nool deegaanka waxay sanad waliba halkaa ka maqnaadaan muddo lix bilood ah ilaa ay cimiladu caadi ku soo noqoto.

Xiis waa deegaan aad u kulul oo ay ku taalla xeebaha gacanka Caddan, xilliyada kuleylaha dadka waxay isaga qaxaan halkaas iyagoo u guuro deegaan aan sidaa uga fogeyn oo buuraley ah.

"Waa dhul aad u kulul oo xeeb baa ku taalla. Marka dadka degan lixdii biloodba mar bey ka xaggaa baxaan, magaalada oo dhan waa laga wada tegaa oo cidna ma joogeyso," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdiweli Maxamuud oo kamid ah dadka deegaankaa.

Wuxuu intaa ku daray in dadka ku nool Xiis marka ay isaga guuraan waxay tegaan dhul qabow ah oo ay ku hareereysan yihiin buuro oo ku dhaw halkaas.

Marka laga baxo xilliga kuleylaha ayay dib ugu laabtaan deegaanka.

"Dadka waxay yimaadaan labo tuulo, waa dhul beeraley ah, bey'ada wey ka baxdaa, halkaas bey kusoo xaggaa baxaan, marka aad afar saac kasoo socoto Xiis dhul qabow baad soo galeysaa, dhulkaa qabow bey lix bilood deganaadaan, marka laga baxo kuleylaha ayay dib ugu laabtaan" ayuu yiri Cabdiraxmaan.

'Magaalo qurux badan'

Cabdiraxmaan oo dhawaan booqsho ku tagey deegaanka ayaa BBC u sheegay in Xiis ay tahay deegaan qurux badan balse dadka ay lixdaa bilood sanadkii uga cararaan oo kaliya ah in aysan u adkeysan karin kuleylaha daran ee ka jira halkaas.

"Waa magaalo aad iyo aad u qurux badan waxay leedahay xeeb qurux badan, dadka kuleylkaas oo keliya bey uga tegaan, wax dhibaata ah kama jirto magaalada"

Wuxuu sheegay in xeebta Xiis ay kusoo arkeen buur weyn oo dadka deegaanka u yaqaanaan 'Mac-Jabaleyn'

"Marka aad badda tegto waxaad arkeysaa waa labo buurood ay dhexdooda doonta ka dhex baxeysaa, waxaa sidoo ku yaalla buur dhan oo la moodo sidii saxaraha."

'Waxaa ku haraa ilaalada mayarka magaalada'

Inkasta oo kuleylka dartii ay dadka uga guuraan halkan, waxaa ku hara oo keliya ah ilaalada guriga mayarka magaalada iyo ciidamo degan duleedka Xiis.

Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdiweli booqashadii uu dhawaan ku tegay Xiis wuxuu ku sheegay in uu arkay magaalada uu hawaneyso oo cidna aanan joogin marka laga reebo labo kamid ah ilaalada guriga mayarka Xiis iyo ciidamo yar oo ku sugan meel ka baxsan halkaas.

"Keliya ah waxaa ku hara, ilaalada guriga mayarka iyo ciidamo yar oo ku sugan oo degan duleedka magaalada," ayuu yiri Cabdiraxmaan.