Somaliland: Waddada laamiga ah ee u dhexeeysa Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn oo la furay

Axmed Siciid Cige

BBC, Hargeysa

Dhismaha waddada Cerigaabo - Burco
Qoraalka sawirka, Dhismaha waddada Cerigaabo - Burco

Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada wayn ee u dhexeeysa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ee Jahmuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Waddadan laamiga ah oo dheereerkeedu yahay 86 kilomitar waxaa xariga ka jaray maanta wasiirka wasaaradda gaadidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor.

Waddada Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ayaa ka qayb ah mashruuca dhismaha laamiga ilaa magaalada Burco oo dhan 284 kilomitar.

Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaaabay oo shanti sanno ee lasoo dhaafay soo socday, waxaana ilaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doolar.

Qoraalka Codka, Daraasad laga sameeyay khasaarihii ka dhashay dabaylihii bartamihii sanadkan ku dhuftay Somaliland

Dadka deegaanka ayaa weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige u sheegay in horraan shacabka deegaanka ay 12 saacaadood ay ku qaadan jireen waddada Ceergaabo iyo Burco, mararka ay roobabka da'aana dadka ay habeen u dhixi jireen balse hadda waxay ku qaataan 4 ilaa 5 saacadood.