Somaliland: Ciyaarihi kubadda cagta ee muddo laba bilood ah ka socday Hargeysa oo soo gabogaboobay

Garoonka kubadda cagta Hargeysa
Qoraalka sawirka, Garoonka kubadda cagta Hargeysa

Tantanki Koobka kubadda cagta oo muddo laba bilood ah ka socday garoonka Hargeysa Stadium ayaa galabta soo gabagaboobay waxayna guusha ku raacday kooxda Dawladda Hoose.

Qoraalka Codka, Ramadaanka iyo ciyaaraha kubada cagta

Ciyaarti kama dambeysta oo ay isugu soo hadheen Kooxda Dawladda Hoose iyo Kooxda Ciidanka Asluubta waxay ku soo dhammaatay hal gool iyo Eber iyada oo hal gool ay guushu ku raacday kooxda Dowladda Hoose.

Sida uu ku soo waramaayo weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige waxaa tartankan mudadada labada bilood ah soo socday ka qayb galayey 29 kooxood oo ah kooxaha heerka kowaad, labaad, iyo saddexaad ee ka jira magaalada Hargeysa.

Wariyaha BBC Axmed Saciid Cige
Qoraalka sawirka, Wariyaha BBC Axmed Saciid Cige

Iyada ciyaarta kama adambeysta ee maanta dhacday oo aad u xamaasad badneyd ay ka soo qayb galaeen kumanaan taageerayaasha ciyaaraha kubada cagta oo u badnaa dhallinyaro oo iyagu soo buuxiyay garoonka Hargeysa stadium.

Dhalinyara u soo daawasha tagtay ciyaarta Koobka
Qoraalka sawirka, Dhalinyara u soo daawasha tagtay ciyaarta Koobka

Waxaa kaloo joogay masuuiyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Zaylici oo daawanayay ciyaarta markii danbana gudoonsiiyay koobkii kooxda ku guuleysatay ee dowlada hoose ee hargeysa .

Waxaa kaloo abaalmarinno kala duwan halkaasi lagu gudoonsiiyay kooxo iyo ciyaartoy ku muteystay doorki ay ku lahaayeen tartankii mudadii labada bilood ahayd soo socday .

Shacab daawanaya ciyaarta kama dambeysta ee Koobka
Qoraalka sawirka, Shacab daawanaya ciyaarta kama dambeysta ee Koobka

Koobki muddadaa ay 29-ka kooxood tartanka ugu soo jireen waxaa maalnta galabnimada hantay Kooxda dawladda Hoose ee Hargeysa.