Gobollada Bari iyo Sanaag oo ay toos ugu wajahan tahay

Xigashada Sawirka, Met Office
Duufaanta Luban ee ka soo kicitintay badda carbeed ayaa la filayaa in berriga ay soo gaari doonto 4ta aroornimo ee Sabtida.
Sida uu BBC u sheegay C/qani Yuusuf Galayr oo ah agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha ee Somaliland, cabsidii laga qabay in dhibaato xoog leh ay gaysato ayaa soo yaraanaysa.
"Duufaanta xooggeeda waxay ku dhufan doontaa dalka Cumaan, ayadoo ka dibna uga sii gudbi doonta dalka Yemen. Gobollada Bari, Sanaag, iyo Saaxil waxaa xeebaha laga dareemi doonaa dabaylaha inkastoo aysan awooddii hore lahaan doonin" ayuu yiri C/qani.

Xigashada Sawirka, SWALIM
Wuxuu intaa ku daray in deegaanno ka tirsan gobolka Sool ay roobb xoog badan ka da'aan, halka dhulalka dooxooyinka ah laga cabsi qabo daadad inay ku soo rogmadaan, kuwaasoo ka dhalan kara roobabka waaweyn ee ay duufaantu wadato.
C/qani wuxuu BBC u sheegay in deegaannada Soomaalida ay dabayshu ku soo beegan tahay 24 saacadood ka dib marka ay ku dhufato dhulalka Carbeed.

Xigashada Sawirka, SWALIM
Wuxuu sheegay in awooddeedu ay ku baabi'I doonto gobollada galbeedka Somaliland ilaa iyo Jabuuti, halkaasoo la filayo in roobab xoog leh ay ka da'aan.
Wuxuu kula taliyey dadku in aysan badda kalluumaysi u galin, doomahoodana ay kala soo baxaan, kuwa deggan meelaha biyo mareennada ahna wuxuu uga digay in daadad ay ku soo rogman karaan.






